Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax aan ahayn
Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax aan ahayn oo dad ka kooban yahey soo heli maysid. Haddii aynu dib u raacno sidii ay ku yimaadeen Alle (SW) ayaa labadaba abuuray; iyada oo ay ka bilaabmeen Adan & Xaawa. Labadooda oo wada jira ayey dadku kasii beermeen. Habka & hanaanka dhalashada marka aynu eegno labadaba waxa caloosha lagu sidaa sagaal (9) bilood oo ah sidka Aadmaha.Qormadan waxa aan kaga hadli doonaa haddii Eebe Idmo haweenka & kaalinta ay ku leeyihiin horumarka bulshada ee dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo tariikh kooban oo si guud uga warameysa haweenka & ka qayb qaadashada dhisida bulsho. sidoo kale waxa aynu hoos u sii eegi doonaa Haweenka & sidii ay uga qayb qaateen fidinta diinta Islaamka & arrimo kale oo muhiim ahaa wakhtigii Rasuulka (NNKH) madaama aynu nahey umad 99% Muslim ah oo ay mar walba tahey in aynu qaadno dariiqii suubanaheena & asxaabtiisii. Intaa ka dib waxa aynu u jeedsan doonaa haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin bulshada guud ahaan iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan uguna jireen wakhtiyadii inasoo maray.
Aan hoos u daadago, aduunka taariikhdiisa soo jireen ka ah, ta casriga ah, inta horumar sheegata iyo in dunida saddexaad lagu sheegaba waxa ay ka siman yihiin in Raggu taariikhda hogaanka nabi Aadan aynu ka bilawnee iyagu dadka u hayeen. Xikmadaha Illaheyna waxaynu aragnaa in dhamaan Nabiyadii uu ummadihii kala duwanaa u soo diray ay wada ahaayeen Rag oo aynaan maqal gabadh nabiyad ah.
Iyada oo taasi jirta haddana waxa taariikhda aduunka oo dabcan aanay Islaamkuna ka maqnayn lagu hayaa Dumar taariikhda baal dahaba ka galay oo hadday noqoto talin ama maamul, dagaal galid & taakuleyn bulsheedba. ha noqoto dhan cilmi & dhan xirfadeedba kaalin mug leh ka hantiyey. Sida oo kale iyana waxa barbar socota taariikhdii madoobayd ee ay haweenku soo mareen guud ahaan ka hor soo if bixii diinta Islaamka. Waxa jiray oo la soo maray wakhti laga xanaaqi jiray dhalashada hablaha oo qofkii gabadhi u dhalataa uu aasi jiray amaba uu aad uga murugoon jiray, waxa jiray oo lasoo maray wakhti aanay dhaxalka waxba ku lahayn. Waxa jiray oo lasoo maray wakhti la adoosan jiray oo ay qaban jireen hawlo aanay tamar & taag toona u hayn haddana ay ku qasbanaayeen in ay qabtaan oonay jirin cid uga garaabaysaa.
Soo if bixii diinta Islaamka ka dib waxa meesha ka baxay waxyaabo badan oo ay diintu iftiimisay iyada oo la raacayo Quraanka, axaadiistii Nabiga (NNKH) & sunada. Waxa ku cad quraanka in ubadka Alle (SW) bixiyo Lab/Dhadig labadaba cida uu doonana ka uu doono ku arsaaqo. in ubadka gabi ahaan la dilaana ay tahey danbi. Sidoo kale waxa ay diinta Islaamku haweenka siisay xuquuqda waxbarashada iyo dhaxalka waxaa iyana meesha ka maqnayn xuquuqda guurka iyada oo gabadha la siiyay fursada ah in ay ogolaato cida guursanaysa sidoo kale waxa uu quraanku xadiday tirada u badan ee uu ninku guursan karo oo afar ah iyada oo waliba lagu sii xidhay shardiga ah in loo cadaalad sameeyo. madaama wakhtiyadii hore jireen Rag haween tiro badan guursanaya oo runtii ahayd caqabad bulsheed. Waxaan iyana meesha ka maqnayn xuquuqda furniinka oo ay Raggu leeyihiin lakiin dumarkuna ay dalban karaan oo loo tix galinayo duruufaha ay sheegaan.
halka haweenka kasoo jeeda qawmiyadaha aan diinta islaamka haysan ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaha aas aasiga ah ee ay leeyihiin sida ku cad halganka dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo aad u soo xoogaystay dagaalkii kowaad & Labaad ee aduunka, Kadib markii ay u dul qaadan waayeen duruufaha adag ee xaga nolosha kasoo wajahay iyo iyaga oo ku khasbanaaday in ay shaqo tagaan ka dib markii ay rag badani ku dhinteen dagaaladaa socday oo caruuro badani ku agoomoobeen dumarkiina ay khasab ku noqotay in ay ubadka quudiyaan.
Sooyaal kooban Haweenka & Maamulka
Marka aynu eegayno guud ahaan aduunka dhaqamadiisa kala duwan & wakhtiyadii lasoo maray ee kala duwanaa waxa jira haween boqorado ama madax soo noqday oo waliba barwaaqo & badhaadhe gaadhsiiyey bulshadii ay xilka u hayeen. Bal aynu in ka mid ah soo qaadano.
Balqiisa
Aynu ku horeyno dhanka Quraanka kariim ka ah, gabadhii Balqiisa la odhan jiray ee qoomkii cadceeda caabudi jiray u talin jirtay wakhtigii Nabi Suleymaan (NKH). Balqiisi sida qisadeeda ka muuqata waxay ahayd gabadh aad u caqli badan, caqli badnaanteeduna waa ta keentay in ay rumeyso yeedhmadii Nabi Suleymaan kadib dood & cadeymo dhex maray iyo waliba jirabkii ay marisay Nabi Suleymaan.
Amina, Boqoradii Nayjeeriya 1560-1610
Amina waxa ay soo maamushay Nayjeeriyada waqooyi xili ay duruufo adag jireen waxay soo noqotay hogaamiye Milatari oo weyn waxa ay hor kacaysay xeelado dagaal galin oo ay dadkeedu aad ugaga reeyeen cadawgoodii sidoo kalena waxay kor u qaaday dhaqaalihii wadanka ay maamulaysay mudadii ay xilka haysay.
Golda Meir, Raysal wasaarihii Israa,iil 1898-1978
Golda waxa ay kasoo qabatay dawladda Israa,iil xilal badan oo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen wasiirka Shaqaalaha & wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaanay ahayd xubin fir fircoon ilaa loo doortay Raysal wasaare sanadkii 1969.
Indira Gandhi 1917-1984
Indira sida ay taariikhdu sheegayso waa Ra,iisal Wasaarihii u horeeyay ee dhadig ahaa ee ay Hindiya yeelato. Iyada oo mudo badan ku soo dhex jirtay arrimaha siyaasadda iyada oo loo doortay Ra,iisal wasaare 1966 kii. Mar labaadna ay isku soo sharaxday oo ay ku guulaysatay in ay noqoto Ra,iisal wasaarahaa wadankaa.
Margaret Thatcher, Ra,iisal Wasaare England 1925
Margaret waxay ahayd Ra,iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dhadig ah ee dawlada Britain yeelato. Margaret waxa ay markii u horeysay soo gasha Baarlamaanka 1959, waxaana loo doortay in ay noqoto hogaamiyaha xisbiga (Conservative) ka sanadkii 1974kii iyada oo xisbiga ay hogaanka u haysay guuleystay 1979kii. xilkaana haysay muddo ku siman 10 sanadood.
Benazir Bhuto, Ra,iisal Wasaare Pakistan 1953-2007
Benazir Bhuto waa Ra,iisal Wasaarihii u horeeyay ee uu yeesho wadan Muslim ah. waxa ay qeyb weyn ka qaadatay in ay Pakistan ka guurto nadaamka kali taliska oo ay u guurto nadaamka dimuqraadiga ah. Waxa ay Ra,iisal Wasaare noqotay sanadkii 1988 kii iyadoo oo kor u qaaday arrimaha bulshada aadna ugu ololaysay xuquuqda la lunsaday ee haweenka.
Hilary Clinton 1947- USA
Hilary oo ah musharaxii u danbeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga kuna dhawaatey in ay guuleysato, sidoo kalena waxay ahayd xoghayaha guud ee aqalka cad ee Maraykanka 2009 ilaa 2013. Waxa ay aad uga qayb qaadatay halgan dheerna usoo gashay ololaha haweenka & in ay siyaasada soo galaan.
Intani waa tusaalayaal kooban, haweenka taariikhda aduunka wax ka badelyna qoraalkan & ku kale oo ka dheer toona kusoo koobi kari mayno, oo waa lafdhabarta bulshada waa Hooyo, waa Walaal, waa Oori, waa Inan. Nolosha dhinac kasta oo laga istaago waa hubaal in aad looga arkayo. Inta ay taariikhdu xustayna anigu waxan qabaa in ay ka badan yihiin inta aan la xusin.
cidii faahfaahin dheeraad ah iyo xog intaa kasii badan u baahan lingaxyada hoose ayay kasii heli kartaa
Doorkii Haweenku ka qaateen soo if bixii diinta Islaamka
haweenku sida ay bulshadaba laf dhabar ugu yihiin ayey uga muuqdaan dhamaan arrimaha bulshooyinka saameeya, soo if bixii diinta Islaamku waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyada oo ay jireen caqabado badan oo qabsaday Rasuulka (NNKH) markii u bilaabay fidinta yeedhmada xaqa ah. Haweenku door aan la ilaabi Karin bay kasoo qaateen. Waxaynu soo qaadan doonaa dhawr tusaale oo koobkooban.
Khadiija Bintu Khuwaylid waxa la sheegaa in ay tahay qofkii u horeeyay ee rumeeyay diinta Islaamka, Rasuulka (NNKH) dabadii sidoo kalana ay u ahayd garab & gaashaan weyn subanaheenii ka dib markii ay tolkii beeniyeen isla jeerkaasna caydhiyeen.
Caa,isha Bintu Abi Bakar waxa ay ahayd qofkii labaad ee soo wariyey axaadiista u badan ee Rasuulka (NNKH). Sidoo kale waxa ay ahayd macalimad loo daba fadhiisto arrimaha diinta iyada oo ka qeyb qaadatay arrimaha siyaasada wakhtiyadii Khilaafadii Cusmaan & Cali.
Xafsa Bintu Cumar waxay ahayd qofkii u horeeyay ee loo dhiibay nuqul kii u horeeyay ee Qur,aanka lagu ururiyey si ay u ilaaliso.
Aynu ku soo gabagabayno Sumayah bintu Khayat oo ahayd naf hurihii u horeeyay ee diinta Islaamka. Waa qofkii u horeeyay ee loo dilay sababta ah yeedhmadii Nabiga (NNKH) ayay rumeysay.
Intaa yar ee kooban haddaynu ku dayno, aynu usoo noqono qowmiyada Soomaalida iyo haweenku heerka ay ka taagan yihiin.
Qormada labaad:
Dhaqanka Somaalida & Haweenka
Dhaqankii Soomaalida & taariikhda marka aynu dib u raacno waxa aad inoogu cadaanaysa in aynu kasoo jeedno dad lahaa dhaqan adag oo haybsooca haweenka. haweenku waxay ahaayeen kuwo aad ugu dhib qabay bulshada waxa jirtay eex ay Ragga Somaalidu ka galeen haweenka oo badanayd. Waxa laysla garwaaqsanaa in ay gabadhu ka mid tahey hantida uu reerku leeyahay sida Xoolaha & Agabka kale kana hooseyso raga.
Waxaa uu dhaqanku dhigay xeerar & xakamayaal dhalanteed ah oo ay kamid ahaayeen Cunnada inta ay u gartaan in ay wanaagsan tahey way ka mamnuuceen amaba waxa la odhan jirey dumarku ma gayaan tusaale hilibka halkaa ku yaal & ka halkaa ku yaal dumarku ma cunaan & waxyaabo la halmaala,. sidoo kale dhaqamada liitey ee la adeegsan jiray waxa ka mid ahayd in la yidhaa ha sugaan hanbada raga oo runtii aniga iila muuqata nusqaan weyn oo uu dhaqankeenu lahaa.
Waxa ay raggu ka dhigteen badeeco lagu khamaaro oo odey 100 jirkii maalini uga hadhay ayaa uu odey kale inantiisa oo 13 jir ah xaal u siin jiray amaba xoolo kaga badelan jiray. Waxaa iyana jirtay in ninku ad-adayg iyo geesinimo isku bidi jirey in uu ooridiisa ka khashaafo oo reeerkiisa ku qalafsanaado. Waxa laga dhigi jirey godob reeb oo dhan marka laga eego xal ahaa, lakiin dumarka badankooda ay kula darsi jireen duruufo adag oo niyad ahaan & nafsad ahaanba u dhaawici jiray.
Talo & tusaale midna lama waydiin jirin iyaga oo hawsha u badan ee reerka gacanta ku haya oo dhalaya hadana dhaqaya. Waa kali talisnimo qoys walba taalay,e ayaa hadana dil & dibindaabyo layskugu darayey. Heerka hayaanada haweenka lagu hayaa xataa waxay gaadhsiisnayd in uu ninku ka faano la seexadka xaaskiisa oo saqda dhexe uu si dhuumaalaysi ah ugu soo gudi jirey.
Horta taariikhdeenii wataa oo waa taariikh madaw oo dumarka xaqii & xuquuqdii Alle siiyay waa loo diiday. Dhaqankeenuna waxa uu ahaa mid dumarka aad ugu adag oo aan arxan u hayn Ragiina arxankii in laga dhacey baad moodaysay oo qof la yidhi ilaaliya oo dhawra ayey budh madax weyn ku garaaci jireen iyada oo ay jirtay fahan la,aan xaga diinta ah & cilmiga oo sida loo helaa ay adkeyd.
markii guumeysigu arlada Soomalida yimi ee ay ilbaxnimooyinku bilaabmeen waxa talaabo talaabo loola soo qabsanayay nolosha magaalooyinka ilaa iyo xornimadii la qaatey oo ay dhalatay dawlad midaysan oo ay Somali leedahay iyada oo u xilka la wareegay kacaankii Milatariga ahaa ee uu gadhwadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AHUN), kacaankaa ka dib waxa kor u kacay ka qeyb galka dumarka arrimaha Bulshada, Siyaasada & shaqo galkaba kadib markii ay bilaabmeen ololayaashi akhriska & qoraalka ee lagu dardar galinayay in ay bulshadu Rag & Dumar wax bartaan oo heerka aqoon la,aanta la yareeyo. Sidoo kale waxa iyana jiray xeer la ansixiyey 1975 oo la odhan jirey Xeerka Qoyska kaasii oo sheegayey in ay Ragga & Dumarku siman yihiin, gafaf badani haku jiraane waxaan uga gonleeyahay in ay kor u qaaday ka qeyb galka dumarka ee arrimaha bulshada & siyaasadda. Waxa ay noqdeen saraakiil ciidan, duuliyayaal, dhakaatiir, Injineero, macalimiin IWM. Nasiibdaro se isbadelkaasi ma sii waarin oo dagaalo sokeeye ayaa bilaabmay oo bulshadii burbur baa ku yimi.
Ka dib dagaaladii haweenku waxay wajaheen xaalado adag. Ragii badankoodii waxay noqdeen wax dhinta, dhaawacma amaba ay haleeleen xanuunada dhimirku iyo in badan oo dhal oo dhaqaaq noqotay, sidaa darteed waxa ay noqotay in ay hooyooyinkii korka ku qaataan mas,uuliyadii reeraha haday noqoto dibad & gudaba iyaga ayaa Hooyo & Aaboba noqday.
Iyaga ayuu ku tiirsamay dhaqaalihi reerku waxaanay ku khasbanaadeen in ay qabtaan shaqooyinka ugu dhibka badan. Taasi waxay keentay isbadel xoogan oo ku yimaada bulshada waalidiintiina waxay ku dhiiradeen in ay ubadku (Lab & Dhedig) si isku mid ah dugsiyada loogu wada diro. 10 sannadood ee u danbeeyay heerka waxbarashada habluhu waxa ku kordhayay xawaare aad u sareeya.
Caqabad
Caadooyinkaa soo jireenka ah ee aynu kor ku xusnay in ay sida dabaysha ina dhaafaan kollayba ma rajaynayno oo horumarku wakhti buu qaataa, in khalad la saxaana wakhti bay u baahan tahey.
Imika caqabadii u weynayd oo ahayd waxbarasho la,aan way ka baxeen haweenkii; oo ubadkii si isku mid ah amaba isku dhaw ayaa imika waxbarashada loogu wada diraa, balse dhibtu waxay ka taagan tahey markii waxbarashadii lasoo dhameeyo suuqii shaqada.
Ama wiil ha ahaado ama gabadh ha ahaatee qof walba hami & hiigsi buu leeyahay. Marka garaadka la kobciyo oo aqoon lagu guraya hab fakarka qofku wuu is badelayaa dabcan habluhu marka ay wax bartaan ee ay ilaa heer jaamacadeed gaadhaan waxa ay doonayaan in ay raggii wax la qeybsadaan oo ay wadankooda, bulshadooda, qoyskooda & nafahoodaba wax ku taraan.wali waxaa sii jira oo aynu dabada haysanaa dhaqankii qalafsanaa ee ay awowyaasheen ku dhaqmayeen oo haweenkii wax bartay fursada ay raggu ka helayaan suuqa shaqada ku lamida inay kahelaan wali maynaan gaadhin wallow ay isbadelo jiraan haddana heerkii loogu talo galey wali ma ay gaadhin ha noqoto dhanka Dawladda & dhanka Shicibkabee.
Tusaale waxa jira shirkado siyaasadooda shaqo ay ku jirto in aanay dumar shaqaaleysiin. Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waa shirkadaha ugu waaaweyn wadanka dhawr sanadood ka hor lagama soo helayn wax dumar ah oo ka hawl gala imika se shaqaale waynaheeda 3% ka mid ah hadaanay ka yaran ba ayaa ah haween ah inta kale waa rag. dadka ay u adeegaana rag & dumarba waa leeyihiin oo Rag kaliya uma adeegaan.
Heerkaasay inaga taagan tahaye hadaba hablahan wax lasoo barayo halkee loogu talo galey?
KOOTO UMA QALMEE KASKA RAGAA I BADAY
Waxa aynu sheeganaynaa wadan dimuqraadiya in cid kooto loo xidhaana nadaamkan way kasoo hor jeedaa balse caqabadahaa soo jireenka ah iyo isbadelka wakhtiga aynu kor kusoo xusnay ee ay ka dhalatay caqabada aynu arkaynaa waxa ay keeneen in ay dumarkii dareemaan in ay wax tabayaan. Haa… waxbaa maqan, waxa maqan waxa hooyooyinka subixii dhaxanta kusoo jarmaadinaya ee cadceeda & dabaysha ay ugu duloobayaan. Baahidu iyada ayaa dadka riixda haddii ay is riixi waayaan.
Si loo arko kartida haweenka oo loola qabsado in ay dumarku ka qayb qaadan karaan siyaasada wadanka oo wax ka badeli karaan geedi socodka hawlaha umadda waxa loo baahan yahey in ay marka hore meesha yimaadaan. Taasina ma suuroobayso sababtoo ah intii aynu caqabad soo sheegnay ayaa waliba waxa usii dheer in dadkeenu yihiin kuwo ku dhaqan hab qabaa,il ah. Taasi oo caqabad weyn ku noqotay haweenkii. Siyaasadeenu malaha mabaa,dii sida umadaha kale u adeegsadaan ee waxa jira is beelaysi iyo qabaa,il taasi oo keentay in ay oday dhaqameedku go,aanada u badan ku yeeshan loolanka siyaasadeed ee wadanka. Caqabad adagna ay ku tahay haweenka in ay ka qeyb galaan loolankaa waxa jira miisaan la saaro gabadha marka ay musharaxad noqoto amaba ay meel sare soo istaagto ee ay u baahato taageero. GABADHU MA DHALASHAA MISE WAA DHAXDIN?
Haweenka Somaliland hadday isasoo sharaxaan dhibta u weyni waxay ka imanaysaa in ay ka dhaxeeye ku wax weydo oo reerkay ka dhalatay waxay leeyihiin reer kale ayey dadaalkeena ula tagaysaa kolaybee aynu ninka soo saarno, halka reerka ay u dhaxdayna ay odhanayaan reer hebel weeyaane maxaa inooga gidhiisha.
Waxaa tusaale cad inoo noqonaya haweenkii isku soo sharaxy golayaasha Baarlamaanka & deegaanka doorashooyinkii kala danbeeyay.
Reference
https://www.unicef.org/somalia/SOM_WomenInIslam.pdf
http://www.womeninworldhistory.com/rulers.html
https://www.biographyonline.net/people/women-who-changed-world.html
https://ballandalus.wordpress.com/2014/03/08/15-important-muslim-women-in-history/
WQ: Hibo Ciise Maxamed