Dr. Cali Khalif iyo Somaliland (WQ: Faysal Rooble)

Dr. Cali Khaliif waa nin aan aad u qadariyo marka laga eego dhinaca aqoontiisa, tifatirka siyaasadeed uu bixiyo, iyo aqoonta af-Soomaaliga. Waxaan Dr. Cali aqaana ilaa 1990. Waxaanu isku baranay shirkii ugu horeeyay ee aasaaskii ERGO (Ergada Wada Tashiga Soomaaliyeed) oo Harisenburg, Virgina, lagu qabtay (1991, December).

Xiligaas marka laga bilaabo ilaa beridhawayto aad baanu u sheekaysan jirnay. Ilaa markuu Khaatumo u jabhadaynay waanu xidhiidhi jirnay.

Kohor, (1990dii illaa matkii uu geeriooday AU Ambassador Cumar Macalin) warar wax ku’ool ah ayaani isdhaafsan jirnay. Dr. Cali nin wargaleen ah ayuu noo ahaa oo runtii xiligi aanu socialmeida jirin ayaan Dr. Cali waran sugan la qaybsan jiray.

Dr. Cali, hadaba, waligiis maanu qiray in:

(1) uu marnaba taageeray gooni isutaagii Somaliland xiliggii Burco ama Boorame lagu shiray.

(2) Weligiisna muu qiran in jago uu ka raadsaday Soomaaliland hadeer Khaatumo ahaan ka hor.

Hadaba, warka Jawaan ninka layidhaa sheegay ee odhanaya Dr. Cali wuu taageray gooni isutaaga xiligaas waxaanu rabay in uu noqdo Prime Minister, haduu run yahay waxay u ekaanaysaa in Dr. Cali mudo 30 sano ku dhow marin habaabin aniga iyo intakale ee badan ay saaxiibada ahayn kula dhaqmayey. Warkaasi waa xaasaasi.

In uu hada isbadaly Dr. Cali anigu waxba kama qabo oo qofku mabdi’iyan Soomaaliya iyo Xamar wuu ka quusan karaa. Taasi waa la qaadan karaa, oo waxa uu ka la miyahay Sifir (AU), Ina Buubaa, Qaybe (AU) iyo kuwoyow kale oo badan oo halkaas iyo Hargeysa u xamaan gurtay.

Waxaase Dr. Cali u gaar ah arinta uu anagana si wax noogi sheegi jiray hadeerna warku sheegayo in Burco iyo Booramaba uu adeecay gooni isu taaga Soomaaliland.

I hope in Dr. Cali yidhaa Jawaan ayaa arintaas iska samaysta.

Siyaasadi waa halkeed: Shaqsiyaduse (Integrity) waa shay aan la iibsan karin. Si sharaf lah, Cali arintaas ha iska mooso.