Dugsiyadii Gaalaysiinta Ingiriiska Ee Somaalilaan 1884 ilaa 1910 (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dugsiyadii Dhaymoole iyo Berbera

Markii uu ingiriisku qabsaday Somaliland, heshiisna la saxeexday odayaashii reer Somaliland, sannadihii 1884 ilaa 1886-kii ayuu bilaabay qorshe waxbarasho oo lagu gaalaysiinayo shacabka reer Somaliland ee ku sugan magaalooyinka xeebaha ku yaallay. Gaar ahaan Berber iyo nawaaxigeeda. Gumaystaha ingiriiska waxa ka go’nayd inuu bulshada reer Somaliland ku yeesho dad kiristaan ah. Si arritnaasi ugu hirgasho wuxuu bilaabay waxbarasho ku hoos jirto gaalaysiin.

Ingiriisku wuxuu magaalada Berbera keenay koox Baadariyaal ah oo aaminsan mad-hadta Kootaliga. Wakhtigan ay yimaadeen Berber Baadariyaashu waxa ay ahayd wakhti ay dhacday abaar ba’an oo saamayn weyn ku yeelatay shacabkii degnaa Berbera iyo nawaaxigeeda. Baadariyadii oo ka faa’idaysanaya fursada abaarta, ayaa ugu baaqay shacabkii reer Berbera in ay bilaabeen waxbarasho, hoy iyo cunto wada socota. Taasina waxa ay keentay in ay helaan carruur tiro badan, oo ku dayacnayd xaafadaha iyo suuqyada magaalada. Waxa ay Berbera ka fureen dugsi iyo guryo ay galaan. Guryaha waxa ay ka dhexdhiseen kiniisad.

Markay carruurtii in muddo ah barayeen diinta kiristaan si qarsoodki ah ayey Berberi ku kululaatay waxa ay u guureen Dhamoole oo ahayd meel qabow, oo buuro hoosteed ah. Dhaymoole waxa ay 30 kiilomitir koonfur kaga beegan tahay magaalada Berbera. Dhaymoole waxa ay Baadariyadu ka dhisteen guro, dugsiyo iyo kiniisado. Waxa ay halkaasi toos uga sii wadeen waxbarashadii gaalaysiintu hoosta kaga jirtay. 

 Ardaydii Dugsiyada dhiganaysay  iyo sida magacoodii looga beddelay.

  • Cawil Xaaji C/laahi, oo magaciisa loo bedelay “Anthony James”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay C/laahi James.
  • Faarax Jaamac oo magaciisa loo beddelay “Francis George”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay Faarax George.
  • Axmed Sh. Cumar oo magaciisa loo beddelay”Arthur Clement”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay Axmed Arthur.
  • Cabdi Yuusuf oo magaciisa loo beddelay” Antoni John”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi Cabdi John.
  • Cumar Dayib oo magaciisa loo beddelay “Joe Bell”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi Cumar Bell.
  • Suuban Kaahin oo magaceeda loo beddelay “ Susan Keif”, balse soomaalidu ugu yeedhi jirtay Suuban Keef.
  • Kaaha Cadarre oo magaceed loo bedelay “ Kiat Murre” ,balse soomaalidu ugu yeedhi jirtay Kaaha Moore.

Ardaydan waxa laga dhaadhiciyey diinta kiristaanka, gaar ahaan mad-habta kootaliga. Intooda badani markii dambe way muslimeen, balse qaar ka mid ah waa lagu kari waayey, waxayn noqdeen wax la laayo iyo kuwo la takooro oo faquuq u dhinta.

Qaabkii  lagu ogaaday inay gaalo noqdeen?

Ardaydan ayaa mararka qaarkood soo booqan jiray qoysaskooda. Ka dib waxa ay ka sheekayn jireen waxa ay bartaan iyo waxa ay ku sameeyaan dugsiga Dhaymoole. Ka dib waxa lagu arkay iyagoo nacaya Salaada iyo islaanimada. Hablaha qaarkood waxa markii ugu horaysay la arkay hablo timaha tidcan oo qaawiyey madaxa, oo xidhan dhar gaagaaban. Arrintaasi ayaa sas qaadsiisay shacabkii reer Berber. Shacabkii reer Berbera ayaa ku baraarugay khatarta ku soo fool leh carruurtan la gaalaysiinayo.

Warkii ahaa in carruurta laga dhigayo gaalo ayaa gaadhay guud ahaan magaalada Berbera. Shacabkii reer Berbera oo caan ku ahaa in gaalada laga digtoonaado, ayaa la shiray odayaashii. Kulano dhawr ah ka dib waxa ay go’aan ku gaadheen in weerar toos ah lagu qaado dugsigii Dhaymoole. Intii aan weerarka la qaadin, waxa magaalada ku sugnaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan, oo ka soo noqday xajka. Sayidka oo madaxa ku xidhan duubiga cad oo wata mad-habta Saalixiyada, ayaa booqasho ku tegay dugsigii Dhaymoole. Wuxuu iska dhigay waalid soo booqday carruurtiisa. Ka dib waxa u suurtagashay inuu gudaha u galo dugsigii. Wuxuu su’aalo weydiiyey qaar ka mid ah ardaydii. Sida magacooda iyo in ay sheegaan nebi Maxamed (NNKH) ciduu yahay. Sayidka wuxuu meesha kula kulmay carruur laga bedelay magacii, diintiina laga saaray, isagoo madaxa ruxaya, ayuu ka soo baxay dugsigii Dhaymoole.

Dagaalkii lagu qaaday Dugsigii Dhaymoole iyo Xidhitaankiisii

Shacabkii reer Berber oo ay la soo tashaday odayaashoodii ayaa weerar ku qaaday dugsigii Dhaymoole, waxaana goobtii ka dhacay dagaal culus. Baadariyada waxa diyaacayey ardaydii wax ka baranaysay dugisga. Ardaydani waxay u badnaayeen dhalinyaro firfircoon, oo dagaalka si weyn uga qaybgashay. Dagaalkii waxa qudha lagaga jaray lix baadari iyo afar ka mid ah ardaydii.

Magacyada Baadariyadii lagu Khaarajiyay weerarka

  • Bob Adriane
  • Bob Avent
  • Bob Eliot
  • Bob Garlen
  • Bob Ramond
  • Bob Albaric

Intaasi ka dib waxa u soo gurmay ciidamo boolis ah, oo ingiriisku soo diray, kana yimid Berber. Saddex Baadari oo dhaawac ah iyo kuwii noolaa ayaa loo qaaday dhinacaa iyo magaalada Berbera. Markii dambena waxa loo sii talaabiyey dhinacaa iyo Jabuuti. Markii arrintaasi dhacday, ayuu ingiriisku xaalada dejiyey soona dhexgalay. Dadkiina wuxuu u sheegay inuu dugsigan xidhayo, macalimiintana ka qaaday dhaymoole. Shacabkii reer Berbera waxay ku guulaysteen inay xidhaan dugsigii dhaymoole sannadkii 1910-kii.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan. 

 Calicoomay@gmail.com

 

Tix-Raacyo:

Wasaaraddii Waxbarashad Soomaaliya (1970)…………..keyd

Protectorate office…………………………………. Unpublished Paper

Geedi-Nololeedkii Yuusuf X. Adam……………Foosiya Yuusuf X. Adam