Dulman: Sheeko, Q.7aad (W.Q. Faadumo Aadan Maxamuud Ina Buuni)

Waa maalin madow oo ku habsatay guud ahaan reerkii ay ka baxday Gaasiri. Waxay maalin madow u tahay sidoo kale Dulman. Dardaaran may helin oo wakhtigu umuu suurto galin marxuumadda Gaasira inay hablaheedoo dhan kaga tagto. aggoon iyo rajo maanta way yihiin. Hodan, Hibo iyo Hodma intuba ma arki karaan Suubban. Gurigii bay ka eryeen.

“Orod marka horeba waa lagu soo helay, halkii hooyaday kaa soo qaadatay ku noqo.”Ayey si kulul ugu tidhi Hibo.

Suubban si kasta ula hadashay, way se diiddeen. Iyadoo ilmaynaysay tidhi:

“yaan cid ii ah oo aan ka dhigtaa walaalo? Yaan weheshadaa oo aan ku diirsadaa?” “Cidda aad doonto. Ayey ugu wercelisay. Iska soo luudday iyadoo meel ay u dhaqaaqdo garan la’ dharkeediina ka soo guratay.

Ma taqaan meel ay tagto, mana taqaan cid ay u tagto, waligeed meel ay Gaasiri ogtahay mooyee meel kale may tagin. Dugsiga markay ka timaaddo, gurigay toos u iman jirtay. Iskaga soo baxday, waxa ku soo dhacay maskaxdeeda gabadh yar oo gayaankeeda ahayd saaxiib aad ahna ahaayeen. Gurigoodu mabuu ka fogayn guriga Gaasira iyadii bay u tagtay. Geerida way ogayde u sheegtay dhibtii kalee dhacday. Isla markiiba tii yarayd waxay gaadhay go’aan ah inay hooyadeed u sheegto dhibta ku dhacday Suubban. Hooyadeed soo dhawaysay maalmihii hore, markii danbe se way saniftay tan yar.

Ta yari dhib ma lahee, dadkaa dhibay markaasay dhibbanaatay! Ma tagto hadda dugsigay dhigan jirtay. Guriga gabadha ay saaxiibka yihiin bay ka shaqaysaa! Ta yari in badan bay ku dhiiri galisaa, Suubban se ma ogola inay dugsigii ku noqoto, sababtoo ah waxa ogaaday ardaydii ay isku fasalka ahaayeen inay aabbo iyo hooyo toona lahayn, cidlana lagu tuuray! Waxay ugu warcelisaa markasta oo ay intaa ku tidhaa:-

Dulman weeyaan macaygu.
Damiir ma laha kuwii i
Dihaday.
Dugaagay ii dhigeen
Waliba i dayriyeen
Dugsiyada loo dareerrana
Magac xummaan u daayey.
Ma is dishaa haddana
Ma is daldashaa?
Deeqaay miduun ku dhaqaaq buu
Damiirku i yidhaa
Mise daaraha dhaadheerbaad
iska soo dul tuurtaa.
Mise dullinkan
ku daashaday baad
waligaa dugsataayood
Doc kale u diiddaa?!

Kamay soo ag wareegin, maalinna kuwii ay soo wada koreen ee ay walaalaha ka dhiganaysay cid kaloo jaarka ahina kamay daba iman. Gabadhii soo korsatayna waa taasoo way ka dhimatay. Hooyadeedii dhashayna way nooshay ma se taqaan inay inanteedii ay dhashay dhimatay iyo inay nooshahay. Suubbanna sidoo kale. Maalinba reer bay u tagtaa markay in yar la joogtana way iska eryaan.

“Naa na dhaaf taadan cidna lahayni.” Bay ku yidhaadaan. Waa dhibban nolosha ku dhibban! Nolosheeda oo dhanna dhib mooyee waxay dheefsato may arag. Waxay taagan tahay,
”Toloow ma is dishaa haddana ma is daldashaa?” Quus ay ka quusatay nafta awgeed.

Dhammaad

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee sheekadan:

Dulman: Sheeko, Q. 6aad

Dulman: Sheeko, Q.5aad

Dulman: Sheeko, Q.1aad – Q.4aad

 

 

W.Q Faadumo Aadan Maxamed (Ina Buuni)

Libaaxo77@gmail.com ama faadumo.buuni@gmail.com