Gabar yar baa ifka kusoo biirtay dabadeed dadkii ay ka dhex dhalatay waxay kala kulantay ficiladaa:-
– Hooyadeed ayaa u heestay oo tiri hooyo noqo tii ninkeeda baarri u niqita oo gurigeedana haysata.
– Way kortay markaasay hooyadeed kula dardaarantay wiilasha dharka u dhaq, cuntada u diyaari oo yaysan waxba qaban waa lagu caayi haddii walaalkaa howl kula qabtee, waxayna ugu dartay hooyo shaqada guriga baro si aad ninkaana u qanciso yaan lagusoo furine.
– Malcaamaddii ayaa sheekhii ku yiri islaantu ninkeeda kama caraysiin karto oo naartay ku gali ee waa inay lugaha u maydhaa.
– Sheekhii ayaa ku yiri dumaroow caqli dhiman iyo xarkihii shaydaankaad tihiin.
– Gabdhihii kalaa ku yiri naa ragga lagama ag hadlo oo way naga sarreeyaan.
– Aabaheed baa la dardaarmay oo yiri aabbe Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gabari God ama Guri Rageed hakaaga jirto”
– Markay waynaataa lagu yiri raggu waa kaa sarreeyaan ee jikada hasoo dhaafin.
– Nin baa dhib u gaystay markaasaa la yiri halaga xaalo iskuma dhigmaane
– iyo qaar kaloo badan.
Tolow goormay gabadhaasi han yeelanaysaa oo wiilka la noolna uu qof lamid ah u haysanayaa. Hadde ogow kama hadal gabar meel kale joogta ee gabar reerkeedu luuqaddan aysan turjumaan uga baahanayn baan ka hadlay.