Dunida xidhiidh-keeda waxa hagaya baahida dhaqaalaha! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Ubucda xidhiidh wanaagsan iyo middaan wanaagsanayn, waxa keena baahida daawladkasta u qabto in ay daryeesho dadkeeda iyo dalkeeda, kowna ay ka tahay in ay dhaqaale loo helo qabyo tirka baahida muwaadiniinta iyadoo labo waddan oo kasta lays waydarsanaayoo khayraadka kala duwan ee wadamada wada xidhiidhaya leeyihiin, markaad qeexdo doonistaada dhaqaale iyo dantaada sidoo kale aad taxdo wadamadaaas danta wax-is-waaydaarsi idinka dhaxayso ayaad ka fikiraysaa in aad yeelato saaxiib wanaagsan oo dunida aad ku leedahay waddan ahaan, waana asalka iyo derejada labaad ee danta guud dunidu u wada xidhiidhayso marka laga yimaadoo afkaarta oo kow ugu jirta xidhiidka dunida ee labadaba: tolmoonaanta iyo dhiicada dibloomaasiyada, laakiin dhaqaaluhu waa kaabaha iyo dhisaha waxaad aaminsan tahay fikir ahaan iyo dheelitiraha waddama u ka dhexeeyoo aloolka dibloomaasiyadda. “Hadaad sabooltahay fikirkaaga iyo dhawaaqaagu midna meel gaadhi maayoo”.

Sidaas ayaa loogu loolamayaa badsiga iyo beer-dhigaalaynta xogaha iyo hanashada dhaqaale durugsan in waddankasta leeyahay si’aad uga ujeed -gaadho fidinta fikirkaaga.

Haddaba, siyaasigu waa marjaca iyo nus-dambeedka hagista dhaqaale iyo dhisidda fikirka qaran.

Siyaasiga waxaa laga rabaa inuu la jaanqaado isbedelada ku dhacaayaa dhinacyada dhaqaalaha ee dunida kale iyo kaabayaashiisa sida: xidhiidhka caalamiga ah, hindiska tiknoolajiyadda, carbiska ciidamada kala duwan iyo koboca shuruucda bilaa xuduudka ah taasooy barbar ordayso in hogaamiyaha siyaasiga ahi leeyahay isku filaanshiyo iyo u adkeeysi dabeecadaha kala duwan ee dunidu leedahay, sidoo kale la jaan qaadi karaa horuamrka & hogaanka wanaagsan ee dunida ka soo jiray.

Sababta habsankaagu maaha inaad meel isyuubto adoo bilaa ujeed ah, bilaa heshiis saaxiib ula ahaatoo waddamo kale adoo heli kara kuwo aad isfahmi kartaan.

Xasan Cabdi Shire