Dunidu waa mushkilad iyo maarayn (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Aadamuhu wuxuu roodhidiisa ka dhex baadi-doonaa curinta iyo maaraynta mashaakilaadka nololleed dhexdooda, haddaan fahanka soo dhaweeyo aan idinku hogo-tusaaleeyo dhawr shay oo aan ku male-weynahay in si kale aad u taqaannaan. waxa ka mid ah;

▪ Dhakhtarka wadnaha| Maareeyaha Mashaakilaadka Wadnaha.

▪ Dhakhtarka indhaha| Maareeyaha Mashaakilaadka indhaha iyo aragga.

▪ Dhakhtarka Kelyaha| Maareeyaha Mashaakilaadka Kelyaha.

▪ Makaanig| Maareeyaha Mashaakilaadka Birta iyo Gaadiidka.

▪ Garyaqaan| Maareeyaha Mashaakilaadka Sharciga.

▪ Beeroole| Maareeyaha Mashaakilaadka Gaajada.

Geesta kale haddaan iska taagno kuwa mashaakilaadkeenna curaya iyo kuwa xalliyaa waa isku hal, si kale haddaan u dhigo, jaamacadaha xirfadleyaasheenna soo saara sida dhakhaatiirta, warshadaha cuntada iyo sharaabka iyo shirkadaha daawooyinka ayaa si toos ah u wada shaqeeya oo cuntada iyo sharaabku waxa ay dhalayaan xannuunada laga shaqaysanayo tusaale sida Macaanka oo kale.

Culuumta daraasaadka mashaakilaadka waxa ku xeel-dheer kuwa afka qalaad loo yaqaan; Intellegence Analysist. Waxa aanay qabaan xallinta mashkiladdu in ay tahay shaqada ugu adag iyo waajibka ugu mudan ee  Aadamuhu u yaal noloshiisa. Mushkiladna lama xallin karo haddaan la darsin, laga fakerin, la lafo-gurin mukhiladda iyo waayaha ku gadaaman oo afka qalaad ugu yeedhaan; Context of problem.

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham