Durraamashadii Qaasim iyo Diidmadii Bogsiiya! (WQ: Abwaan Axmed Aw Geeddi)

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) ayaa calmaday gabadh la yidhaahdo Cibaado Jaamac Cawaale oo mileygaa magaalada Sheekh ku noolayd. Qaasim laftiisu Sheekh buu joogay oo dugsiga Sheekh ayuu dhigan jirey. Markii uu inantaa halacsadayba waa la hoomaayey, jacayl baana kal iyo kor ba saaqay, waxaanu saamayn taban ku yeeshay noloshiisii.

 

Hiyi-kac iyo deggenaansho la’aan ayaa la soo dersay, waxaanu is arkay isaga oo wax wal oo kale ba iska illoobey oo ku dhadhabaya magaca inanta uu caashaqay. Tacliintii iyo waxbarashadii niyad uma hayo, waxaanu ku siganayaa inta uu dugsiga iskaga tago inuu Cibaado iska ag fadhiisto.

 

Mid ka mid ahaa macallimiintiisii dugsiga oo nin cad ahaa, magaciisana BEDEN la odhan jirey ayuu u tooggo sheegtay, waxaanu ku yidhi:

 

• Biliis* Bedenoow wax baran waayee
• Bogsiiya ma soo bariidshaa?!

 

Maalintaa ayuu Cibaado Jaamac magacaa Bogsiiya ee tixda ku xusani la xidhiidhay, illaa hadda oo ay nooshahayna waa loogu yeedhaa.

 

Cibaado ma ay soo dhaweyn Qaasim iyo jacaylkiisa toonna. Waxay u arkaysay wiil yar oo ku jira xilligii waxbarashada oo guur iyo masuuliyaddiisa aan qaadi karin. Cibaado oo caan ku ahayd curinta suugaanta ayaa markii uu Qaasim u waayo sheegtay u soo jawaabtay, waxayna ku tidhi:

 

• Haddaad caashaq tahay cid waad heliye
• Carruur baad tahee cilmiga dhigo!

 

Qaasim jawaabtaa kuma uu qancin. Muddo ka dib Qaasim maamulihii dugsiga ayay is qabteen oo way heshiin waayeen. Maamuluhu wuxuu ahaa nin Ingiriis ah oo magaciisa la odhan jirey Richard Darlington, Soomaaliduna waxa ay u taqaanney “Gacmo-Dheere”.

Qaasim dugsigii wuu iskaga tagay, waxaanu u tacabbiray dalalka Khaliijka Carabta isaga oo doonaya in uu soo shaqaysto, ka dibna Bogsiiya guursado. Nasiibdarro Bogsiiya waa la guursadey, Qaasim na warkii wuu gaadhey. Inkasta oo si waafi ah loogu warramay haddana warkaa wuu is diidsiiyey, waxaanu ka soo qaaday ma-dhacdo iyo wax caqliga bani-aadmiga ka weyn. Waxa uu ku dooday sida aanay suurto-gal u ahayn Badda Berberi in ay gudho oo ay banaan noqoto in warka sheegaya Bogsiiya in la guursaday aanu run u noqonayn. Wuxuu markaa yidhi:

 

• Baddii Berberaa bannaan noqotiyo
• Bogsiiya la guursay waa been!

 

Aakhirkii runi run bay noqotay, waxaana caddaatay Bogsiiya in Hargeysa lagu guursadey oo uu nin reer Sanaag Bari ahi guursadey. Isagoo ku calaacalaya maxaa Hargeysa geeyay doonyay lahaan jireen oo Berberay deggenaayeene ayuu Qaasim ku tiraabey:

 

• Hadmuu dooxa herer dekedo yeeshoo
• Dunbuluq laga raacay doonyaha!

 

Waxa kale oo uu Qaasim xasuustay in ninkii Hodan Cabdulle Walanwal guursadey ee Maxamed Shabeelle la odhan jirey iyo kan Bogsiiya guursadey ay isku hayb yihiin oo ay degaan qudha ka soo wada jeedaan. Wuxuu markaana ku dooday sidii Cilmi Boodhari uu jacaylku u diley in uu isaguna ka baqayo in jacayl u qudh-baxo. Wuxuu yidhi:

 

• Waraabihii Qardhee Cilmi ba qaataa
• Qudhayda ku wada qabuuraha!

 

Qaasim waqtigii uu dhulka Carabta joogay mar keli ah Bogsiiyi (Cibaado) maskaxdiisa kamay bixin oo bidhaanteeda ayaa u muuqatay. Waxa uu ku halaanhalay mar haddii gabadhii uu jeclaa laga guursadey in aanu Hargeysa iyo raaxadeedii dan iyo heello toonna ka lahayn, waxanu yidhi:

 

• Haddaan Nuura waayey Hargeysa nacee
• Nin doonaa haw hadho nimcada Herer!

 

Abwaan Qaasim beri dambe ayuu ku soo noqdey dalka, waxaanu shaqo ka helay xukuumaddii markaa jirtay. Isagoo Oodweyne jooga ayuu maqley in Bogsiiya la furay oo ay ninkii kala tageen. Si dhakhso ah ayuu xaggaa iyo Berbera ugu ambabbaxay isagoo rajaynaya in ay maanta Bogsiiyi madax bannaan tahay oo uu si fudud u heli karo.

 

Nasiibdarro markii uu magaaladii tagey waxa loo sheegay in Bogsiiya la guursadey, waxaana loo asteeyay ninkii guursadey. Waa ninkii huudhiga (doonida) yar wadan jirey ee caanka ku ahaa inuu go’ shaal ah hagoogto hadh iyo habeenba. Xataa xilliga uu kulaylka xagaagu jiro go’aa muu dhigi jirin, hagoogtana iskamuu rogi jirin. Qaasim isaga oo ninkii haaraamaya arrintaa waxa uu ka yidhi:

 

• Habaarqabihii hagoognaayee
• Huudhiga waday hadmuu helay!


____________
*Biliis: Please, waa erey Ingiriisi ah.
— Richard Darlington (Gacma-dheere), waxa uu ahaa maamulihii dugsiga Sheekh xilligii Ingiriiska.

Qalinka: Abwaan Axmed Aw Geeddi
March, 2020