Duul culimo qastay (W.Q. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame)

Bandhige wuxu idiin soo gudbinayaa maqaalkan oo aan ka soo xiganay barta Abwaan Weedhsame ku leeyahay Facebook-ga.

Duul culimo qastay!

Niman dhallinyaro ah ayaa wadaado kutub u akhriyaa ku yidhaahdeen “sawirku waa xaaraan“. Dhallinyaradiina waa aamintay oo rumaysatay, weliba gaws dambeedkay dhigteen.

Wax sidaas la ahaadaba, dhankaa carabta ayaa lacag yar laga soo diray, amarna waxa lagu soo bixiyey qof kasta oo lacagta la siiyo in hal sawir oo xaqiijin ah laga qaado.

Dhallinyaradii markay lacagtii soo doonteen, balse loo sheegay inu horta hal sawir midkiiba galayo intaan lacagta la siin, ayey or, qaylo iyo sawaxan bilaabeen. Shaw waa xaaraan baa hore looga dhaadhiciyee waa kuwa diiday ee iska tegay. Waxaase aanay ka war hayn kuwii sawirku waa xaaraan ku yidhi inay mashruucan yar soo qaateen.

Laba cisho ka dib iyagoo sawirkii inu xalaal yahay laga soo raariday aadna loogu soo qanciyey ayey is keeneen halkii shilimaadku yaallay. Iga walle inta shan shan midh laga qaaday ayey iyagoo boqol boqol bidaar leh sita oo qoslaya magaalkooda galeen!!!

Abwaan Xassan Daahir Ismaaciil Weedhsame

weedhsame@hotmail.com