Tirada Muslinka dunida ku dhaqan ayaa lagu qiyaasaa 1.9 bilyan, in qofka muslinka ahi waxbarto waa waajib ay faraso diinta suuban ee islaamku, wakhtiyadii hore ee islaamka waxbarashada dawladuhu may taageeri jirin ee waxa gacanta ku hayn jiray culimadda wadanka, lacagaha umadda islaamku waqf-ga ula baxdo ayaa lagu maamuli jiray. Madarasadaha iyo Misaajidadda ardaydu wax ku baranaso way ka madax banaanayeen hawlaha dawladda,wax farogelin ahna kalamay kulmi jirin
Qarnigii Todobaad ilaa kii shan iyo Tobnaad Dugsiyada islaamku way ka jireen dhulka reer galbeedka gaar ahaan Ispayntii qarniyadii dhexe Iyagoo Islaamka hoos imanayey, Goobahaa waxbarsho ayaa noqday marjaca koowaad ee aqoonyahanadii daโda yaraa ee reer yurub, kuwaasoo kutub badan oo ku qornaa af carabi u turjumay Latin iyo luuqadihii kala duwanaa ee lagaga hadlayey dalalkaas reer galbeedka.
Taariikh ahaan, kalmadda galbeed ama reer galbeed ayaa loo isticmaali jiray iyadoo loo eegayo xaalada juquraafi ahaaneed Yurub iyo waqooyiga Ameerika, bulshadii iyo dhaqankii reer galbeedka ayaa ku fidey dunida inteeda kale sida Ustareeliya oo aan juquraafi ahaan ku jirin reer galbeedka.
Nidaamka Waxbarasho ee dunidda islaamka Macalinku wuxuu kaga jiraa door muhiim ah isagoo ah toosiyaha iyo tilmaamaha barbaarta Islaamka, Aqoonyahankii Abลซ สฟAlฤซ Aแธฅmad ibn Muแธฅammad ibn Yaสฟqลซb ibn Miskawayh ayaa buugiisa ู ุงูุฃุฎูุงย ุชูุฐูุจ ย ย ย ama Sifaynta Akhlaaqda ku sifeeyay akhlaaqda looga baahan yahay Macalinku In ay noqoto mid ay kaga daydaan ardaydu xaga aqoon jacaylka,Akhlaaqda, hab dhaqanka iyo caadooyinka wanaagsan ee bulshada islaamka si ay u noqdaan Iftiin u baxa Umadda ku dhaqan Duniddan ay Ku noolnahay, Sidaa darteed ayey Toosnaanta Akhlaaqda Macalinka iyo Ardayagaba Mudnaanta koowaad u siiisay Diinta Islaamku.
Hadaba adaydu Maxaa ugu mudan ee ay ka helaan Macalinka.?
Macalinku wuxuu ardayda siiyaa Inta lagu jiro waxbarashada Talooyin, dhiiragalin,sidoo kale Xogo Ku saabsan horumarinta xirafadahooga waxbarasho iyo hab la dhaqanka bulsheed. Waxa kale oo uu dibadda u soo saaraa awoodda qarsoon ee ardayga, isagoo ku dhiiriya kalmado ay ka mid yihiin, dadaal waad baran kartaa, waan ogahay waad qaban kartaa, waad gaadhi kartaa, ha baqin waad samayn kartaa isbedel. ย saacadaha ka baxsan waxbarashada ardaydu waxay ka helaan taageero isugu jira kulano toos ah iyo qaar dadban oo ah samaynta Guruubyo ay aradaydu macluumadka ka helaan iyagoo ka faaโidaysanaya Tignoolajiyadda.
Mustaqbalka ardayda aan helin Barre wanaagsan, waa sidee?
Aragti iyo akhlaaq ahaanba Macalimku hadaanu wanaagsanayn Ardayda, wuxuu ku keenaa Xaaladdo Caafimaadย darro Nafsi ah oo ay ka mid yihiin Cabsi, shaki, kalinimo iyo Iswaydiin Suโaalo badan oo aanu u helayn jawaab, Taasoo Mustaqbalka ku keenta ardayga inuu la yimaado hab dhaqano aan la mahadin oo argagax geliya bulshada uu la nool yahay.
Waalidka ayey saaran masuuliyadda koowaad ee ilmuhu, isagaa laga rabaa inuu talaabo-talaabo ula socda ilmaha cida waxbarasa, waxa la barayo, meeshu uu ku baranayo iyo cida ay wax wada baranayaan. Hadii waalidku ka gaabiyo la socodka waxbarashada iyo isbedelka nolosha ubadkiisa waxay gacanta u gali doonaan Iskuulo badan oo aynu aaminsanahay in waxbarasho Tayo fiican ay bixiyaan, balse aynu moognahay inay duulaan ku yihiin diinteenna suuban ee Islaamka.
Wa bilaahi Towfiiq
XOG MEDIA GROUP
Muktar Hassan