Duulaanka Maskaxda: Saamaynta uu ku Leeyahay Qofka, Qoyska iyo Qaranka (WT: Cabdulxakiim Muxammed Obsiiye)

Tan iyo markii ilayska Islaamku bidhaamay cadawgiisu wuxuu u soo maleegayey shirqoollo iyo dabino kala duwan. Ujeedkoodu wuxu ahaa sidii ay u damin lahayeen iftiinka dunidii mugdiga ahayd u soo baxay.
Loollanka u dhexeeya xaqa iyo xaqdarradu waa mid jiray, jira oo jiri doonna inta nolol jirto. Wakhtigan aynu joogno hadimooyinka iyo hagardaamooyinka halista badan ee Muslimiinta lagu hayaa waa meertooyinkii hore mid la jaal ah.
Duulaanka Maskaxeed waa xeelad cusub oo ka duwan furinihii hore ee Muslinka dabinka loogu maleegi jiray. Waa hab-dagaal loo hal-abuuray qaab-ka-geddisan oo ka halis badan, dagaaladii caskariga ahaa ee Muslimiinta dhulalkooda lagu qabsanjiray. Waa dagaalkii jiirka ee isaga oo ku afuufaya ku qaniinayey ee aanad dhaaddanayn.
Hannaankan cusub waa mid wata halistiisa, hawshiisa iyo habab loo raacayo hirgelintiisa. Waxa uu leeyahay ujeedooyin daahsoon iyo raadad ka dhalandoona timaaddada, kuwaas oo ku baraarujiyey Muslimiinta dareen ka dhidhineed. Waa dareen daaha looga rogayo wajiga runtaa, sida oo kale lagu caddaynayo ujeeddooyinkiisa dhabta ah.
Isku dayada layskaga caabin karo halistan Muslimiinta ku soo fool leh waxaa ka mid ah: qabashada shirar iyo kulanno is daba-joog ah oo bulshada lagu wacyigelinayo iyo qorista buugaag iyo maqaallo lagu lafogurayo danaha guumaystayaasha, qoraalkayganna wuxuu ka mid yahay dedaalkaa.

Qeexidda Duulaanka Maskaxda

Duulaanka maskaxdu: waa habab aan la adeegsanayn awood ciidan oo ay isticmaalaan macatab u dirirku; si ay u tirtiraan muuqaalada nolosha Islaamka, Muslimiintana uga leexiyaan ku dhegidda Islaamka iyo wax kasta oo la xidhiidha caqiidadooda iyo dhaqankooda suubban.
Duulaanka maskaxdku: waa koox aragtiyo iyo aaminaado ah, kuwaas oo la dhexgelinayo fikirka Islaamka, ujeedkiisuna yahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa fikirkan, ama ugu yaraan looga leexin lahaa wajigiisa saxdaa.

Soo if Bixii Duulkaanka Maskaxda

Ka dib markii ay guuldarraysteen dagaaladii Macatab u dirirku, awoodna ay u yeelan waayeen in ay gacanta ku dhigaan waddamada Muslimiinta iyaga oo adeegsanaya awood milatari; aqoonyahankii, indheergaradii iyo abaanduulayaashii ciidamadu waxa ay ku taliyeen in ay wakhtigan lama huraan tahay helidda hab iyo hannaan cusub, kaas oo ay ku hirgelin karaan yoolashooda dahsoon. Fikir iyo falanqayn dheer kadib waxaa la go’aamiyay habkan cusub ee lagu magacaabo duulaanka maskaxda.
Boqorkii Luwiiskii 9aad, oo maxbuus Muslimiinta ugu ahaa Mansuurah, ayaa laga hayey, “Haddii aad doonaysaan in aad Muslimiinta ka adkaataan awood milatari oo keliya ha adeegsanina, dhab ahaantii waad ku jabteeen dagaaladii aad la gasheen ee kala dagaalama aaminaadooda (Caqiidada); maxaa yeelay waa halkaa meesha ay wali tamarinayaan”.
Run ahaantii taladii si dhab ah ayaa loo dhaqangeliyay, dagaaladiina way bilaabmeen, balse markan arrinku sidii hore wuu ka geddisanyahay; waayo hub iyo ciidan midna lama adeegsanayo. Haddaba si ay u hirgeliyaan ujeedooyinkooda qarsoon halkii milatariga waxa ay ku dooriyeen habab ay ka mid yihiin: farogelinta wax-barashada, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo hoggaaminta (siyaasadda).

Yoolasha Duulaanka Maskaxda

1. Gacan ku dhigista hoggaanka wadanada Muslimiinta: Gacan ku dhigista hogaanka wanada Muslimiintu waxa ay ugu suurtogashaa laba qaab oo kala ah:
Hannaanka koobaad: qabsashada tooska ah ee waddamada Muslimiinta. Habkani waa kii ay adeegsanjireen bilawgii iyo badhtamihii qarnigii tegay, halkaas oo ay ciidamada guumaystayaashu khasab ku gelijireen dhulka Muslimiinta, dhegta dhiigga u darijireen dadka degan, kadibna ay ku fidinjireen awoodooda maamul.
Hannaanka labaad: qabsashada aan tooska ahayn ee dhulka Muslimiinta. Hannaankani waa in ay samaystaan madax iyaga dabodhilif ah, kuwaas oo aan awood u lahayn in ay la yimaadaan waxa ka baxsan waxa loo yeedhiyo. Arrintani waxa ay aad u soo shaac baxday nuskii dambe ee qarnigii tegay kadib markii gumaystayaashu waddamada Muslimiinta iyo Afrikaankaba siiyeen xorriyadii maqaar saarka ahayd, balse dhanka kale ay sii beerteen maangaal magac-muslim leh oo aan taladood mooye isagu talo lahayn.

Qaasin Ilaahay ha janneeyee waa kii lahaa:
“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Somaalibaad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii karal’e”

2. Ka dheeraynta Muslimiinta isha ay ka helaan guusha (Diinta Islaamka)

Muslimiinta tamartoodu ha yaraato, ha kala qaybsanadeen, laakiin waxa jira awood midaysa oo cid kasta oo ka soo horjeedda ay kaga adkaan karaan, laakiin waa maalinta ay sideeda u adeegsadaan awooddaa.
Reer Galbeedku waxa ay bilaabeen in ay dagaal cad ku qaadaan caqiidada Muslimiinta, kana dheereeyaan noloshooda. Si toosa uma ay gudogelin dagaalkan; maxaa yeelay dagaalka tooskii wuxuu kicin karaa dareenka muslimiinta, sidoo kalena waxaa ka dhalan kara in ay dib ugu noqdaan caqiidadooda toosan. Laakiin waxa ay bilaabeen hannaan aan toos ahayn, yagoo shiki gelinaya caqiidada Muslimiinta dhinacyo ka mida, haddii ay taas ku guulaysan kari waayaana waxa ay ka shaqeeyeen in Muslimiinta qayb ka midii ku kalsoonaan waayaan caqiidadooda suuban ee islaamka.
Dhab ahaanti si ay qorshahan u hirgeliyaan waxa ay mareen qaabab dhawr ah oo ay ka mid yihiin: in la helo Muslimiin qunyar socod ah, cusboonaysiinta fikirka Islaamiga ah iyo qabanqaabinta shirar lagaga doodo isku soo dhawaynta diimaha afartaa.

Hababka Duulaanka Maskaxda

1. Faragelinta manaajitu waa hannaanka ugu halista badan ee ay adeegsadaan; maxaa yeelay manhajku waa sameeyaha iyo qaabeeyaha faca cusub ee soo koraya.
Si guud maanaahijta wax-barashadu waxa ay u qaybsamaan laba jaad oo kala ah:
Qayb ay dawladuhu gacanta ku hayaan: guumaystayaasha iyo calmaaniyiintu si ay qaybtan gacanta ugu dhigaan waxa ay adeegsadaan habab dhawr ah oo ay ku dagaan dawladaha iyo dadkooda aan dareenka lahayn. Haddaba si ay u hirgeliyaan damacooda liita waxa ay diyaariyaan war-bixinno joogto ah, shirar iyo kulanno hore looga soo shaqeeyay, kuwaas oo wata magacyo qurux badan, sida: horumarinta manaahijta iyo tayaynta wax-barashada, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahayna waa doorinta manaahijtan; waayo manaahijtani kama turjumayaan rabitaankooda, baahida bulshada ay doonayaan yagu, lamana jaanqaadi karaan dunida horumartay.
Mar kale waxa ay ku marmarsoodaan manaahijtani in ay xambaarsantahay afkaaro iyo aragtiyo liddi ku ah jiritaanka aadanaha, sidoo kalena ay sababi karaan kala fogaansho iyo firdhad ka dhex dhasha Muslimiinta iyo dadka aan muslimiinta ahayn (gaalada). Sidaa aawadeed waxaa lagama maarmaan ah in laga dheeraado wixii dadka walaalahaa kala irdhaynaya.
Barnaamijkan si loo hirgeliyo waxaa la soo dhexmaraa maanlaawayaal aan dan iyo muraad toona ka lahayn dalkooda, diintooda iyo dadkooda midna, balse waxa keliya ee ay raadinayaan yihiin shilimaad yar oo ay maalmo kooban hunguriga mariyaan. Marar kale waxaa dhacda in si toosa xukuumadahaa loogu cadaadiyo doorinta manaahijtan, yada oo loo jeedinayo hanjabaado, dhanka kalena loogu bushaaraynayo ballan qaadayo afka baarkiisa ah.
Qayb xukuumadaha ka madax bannaan: Qaybtani waa manaahijta lagu qaato Jaamacadaha, dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo goobaha wax-barasho ee ay gacanta ku hayaan ajaanibtu.
Qaybtan si loogu soo duulo ugu horrayn waxaa loo dejiyaa manaahij ay ku yaryihiin maadooyinka shareecada Islaamku, sidoo kale waxaa xoogga la saaraa aqoonta kale. Waxaa dhici karta in manhajkani gudbinayo aragtiyo ka hor imanaya diinteena suuban ee islaamka, isla markaana shaki ku furayo ardayga loo dhigayo. Intaa waxaa dheer macallimiinta wax ka dhigtaa waa ajaanib iyo ajaanib kalkaal aan diintooda aqoon badan u lahayn, hawsha socotana aan war iyo wacaal ka hayn.
Goobaha ugu halista badan ee dagaalkan lagu soo qaaday waxaa ka mid ah: Jaamacadaha ajaanibtu maamusho, run ahaantiina waa meelo u carbisan in lagu abaqaalo aragtiyo ka soo horjeeda qiyamka iyo dhaqankeena suuban ee islaamka maadaama oo ay ka madax bannaanyihiin xukuumadaha.
Si ay u hantaan kalsoonida bulshada waxa ay adeegsadaan agab wax-barasho oo tayadiisu aad u sarrayso, maamul wanaag, ardayda oo la siiyo wax-barasho dalka dibadiisa ah oo bilaasha iyo luuqadda Ingiriisiga oo ay xoogga saaraan.

2. Liididda barashada shareecada Islaamka: qorshahan si loo hirgeliyo waxa la qaadaa tallaabooyinkan soo socda:
• In gabi ahaanba sheeracada islaamka laga saaro manaahijta wax-barashada.
• in lagu doodo barashada shareecadu in ay aar u adagtahay.
• In xiisadaha carabiga iyo tarbiyada laga dhigo kuwa ugu dambeeya.
• In aan loo doorin macallimiin tayo leh.
• In lagu qanciyo ardayga inuu ka baran karo shareecada meel ka baxsan dugsiga uu dhigto.
• In aqoonta loo qaybiyo aqoon shareeco ah iyo mid maadiya.
• In shaqooyin wanaagsan hore la siiyo ardayda ka soo baxa dugsiyada aan shareecada Islaamka lagu baran.

3. Qiimo tirka Afcarabiga: gumaystayaashu waxa ay ogyihiin kaalinta ay luuqadda carabigu ugu jirto muslimiinta, iyo in ay tahay laf-dhabarta barashada diinteena islaamka. Sidaa daraadeed awood badan ayay ku bixiyaan sida ugu habboon ee ay uga dheerayn lahaayeen, yaga oo raacaya talaabooyinkan:
• Waxa ay ku doodaan luuqadda carabiga in lagu qoro xuruufta laatiinka; waayo waxaa laga raysanayaa shaqalada badan ee xuruufta Afcarabiga.
• Waxa ay ku baaqaan in la xoojiyo af guriga, lagana tago luuqadda fusxada ah, taas oo keeni doonta in Muslimiintu fahmi waayaan Quraanka Kariimka ah iyo sunnada suubanaha (SCW).
• Waxa ay ku celceliyaan in ay luuqadda Carabig adagtahay, sidaa aawadeed dhallaanka aan wakhti badan lagaga lumin ee Ingiriisiga la baro.
4. Murangelinta sooyaalka Muslimiinta: guumaystayaashu dagaalka ugu ba’an waxa ay ku qaadeen sooyaalkii Muslimiinta, yaga oo wakhti badan ku bixinaya sidii ay u suuro-xumayn lahaayeen.
• Waxa ay xusaan islaamka saxdii inuu ku koobnaa wakhtigii suubanaha SCW iyo afartiisii khulafo, intaa wixii ka dambeeyayna Muslimiintu ka leexdeen jidkii saxda ahaa.
• Waxa ay buun-buuniyaan gefafkii ka dhacay Muslimiinta, yagoo ka dhiga Islaamka saxdii inuu sidaa yahay.
• Guulihii Muslimiintu ka gaadheen gaalada waxa ay ku sheegaan guumaysi iyo xad gudub lagula kacay dalal iyo dawlado madax banaanaa.

5. Is dhexgalka labada Jinsi: is dhexgalka labada jinsi waa mid ka mida hababka ugu halista badan ee ay adeegsadaan guumaystayaashu; si ay muslimiinta uga dilaan dareenka, damiirka, diinta iyo xishoodkaba.

6. Ka macaashka hiddaha iyo dhaqanka aan saxda ahayn ee Ummadaha: Habkan waxaa loo fuliyaa laba hannaan oo kala ah:
• Ka faa’iidaysiga khaladaadka ay Muslimiintu maanta la noolyihiin, diinteena suubanna ay barida ka tahay. Yaga oo ku marmarsoonaya dhaqanada liita ee ay Muslimiinta badhkood sameeyaan ayay weerar ba’an ku qaadaan diinta Islaamka; si ay dadka uga fogeeyaan ku dhaqanka diintooda.
• Diinta Islaamka ayay ku tilmaamaan dhaqan iyo caado Carbeed oo laga maarmi karo, sidaa daraadeed si looga xoroobo gumaysiga carabta waa in ay Muslimiintu ka dheeraadaan dhaqamada Carabta sida: xijaabka.

7. Ka ganacsiga dareenka Haweenka: Haweenku waa laf-dhabarta qoyska muslimka ah, la’aantoodna qoysku waxba maaha, yaga oo taa dhaadan ayay soo diyaariyaan mashaariic ciiddaa iyo carradaa ka badan, kuwaas oo wata magacyo soo jiidasho leh, sida: xuquuqda haweenka, daryeelka Hooyada iyo dhallaanka iyo raadinta xuquuqda ka maqan haweenka. Ujeedka laga leeyahay waa in haweenka guryaha laga soo saaro, yaga, raggooda iyo diintoodana la isku diro, kadibna halkaa gaab ka soo baxo, ubadkuna ay waayaan cid siisa barbaarin.

W/Q: Cabdiraxmaan Caayid

W/T: Cabdulxakiim Muxammed Obsiiye