Eed ha qaadin (W.Q. Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Masuuliyaddu ama xilku sidaad mooday maaha wax lacag, magac, maamuus, sharaf iyo haybad laga kasbado waa ay qodxo, xagtimo, xurguf iyo hantaaqo badan tahay oo wajigaaga, cibaadaada iyo aakhiradaadaba waxay kaga tageysaa dhawacyo aanad kasoo kaban.

Waxa ay ka bilaabantaa masuuliyadu waa naftaada, naftaada ayaad ugu horeyn ka masuul tahay iyo hadba cidii kaa agdhaw, tusaale ahaan ninku waxa uu masuul ka yahay qoyskiisa, ooridiisuna waxay ka masuul tahay ubadkeeda, halkaasanay ka soo bilaabantaa jaran-jarada diihaalka iyo balada badan ee loo yaqaano masuuliyad.

Waxaad arkaysa qof tiisiiba u taagla oo hadana tukale u hanqal taagaya, waa hawl culeyskeeda leh in aad qof kaliya ka masuul ahaato, bal ka waran haddaad qaran isku daydidna waxa lagaaga baahan yahay in aad cadaalad, garsoor, miisaan , iyo tanaasul ku dhaqdid tolow yaan u sheegayaa, mooji, “dhagihii waansan ba weelayne wad” oo aad ka reebanaantid eex, qof-jeclaysi, qabyaalad iyo dhacsasho hantida guud oo malaha imika ku suntanba waxa loogu kala baratamayo in qarankan la maamulo.

Cajaaib! waxaad moodaa hilib ay rag u jeelay boobayaan oo ay hadba gees iskula ciirayaan kii ku guuleystaa moodayo in ay adduunyadii oo idil gacantiisa u soo hoyatey kii ku libin waayaana uu keenayo barabogaandooyin ah in la dhacay oo caadifada dadka waa tii qabiilkee ku soo kackicinayo “Tollaay dhankiina layga soo galey”, haddaba waxan loo baratamayaa miyaaney culayska buurahaana ka miisaan badneyn oo waliba, haddii laguu dhiibo uun waxbaba may ahaateene kitaab baa baabacada midig laguu saarayaa, subxaanalaah!.

Aan hollado gundhiga qormadan “Nin xil qaadey eed qaad” walee wuu qaaday oo been maahee, kii wax hagaajiya ee inta karaankiiya is yidhaa wax toosi waxbaa laga sheegi oo intii musuqa, is-daba-weydaarinta, laaluushka, dhaca iyo boobka dadka maatida ah iyo qudhunka ku noolayd ayaa olole horleh u galaya sidii ay ugu dhigi lahaayeen dabbino aanu kasoo bixin, jeero uu naadiyadooda kusoo biro “ka quuso ama ka midnoqo”,  xilku waa wareegto wakhtiguna waa seef oo adoo bartey in aad hantida ummadda afka iyo caloosha ka buuxsato ayuunbaa aayar laga wareejinayaa, “dacawo meel ay macal ku baratey macaluul ugu go’daa” markaasa laga kari waayayaa calafkaagi ka heshee iskaga hadh xilkan iyo waxan aad raadinaysid uun. Wagagac meesha waxbaa lagu bartee badso mooye ka baxso ma leh.

Xiisada aloosanta dharaaraha doorashooyinka ee ololaha lagu wada miyir laayahay waxay ka tagtaa olol, boodh, sicir-barar iyo haraad ka muuqda dhammaan waddanka, waxa la caadeysataa wakhtiyadaa in la burburiyo dhaqaale aad u badan oo jaad iyo waxaan naf laheyn lagu ruugo, waxa dib u soo biqla geedkii qabiilka oo hadba doorasho sidii loo waraabinayey hadda geed weyn oo midho dhal ah noqday, waxa baaba’a dhallin badan oo wadanka u soo kacayey.

Kabo-kulleyka, qiiqa, busaarada, isku-buuqa, daganaasho la’aanta, xasiloonida oo guurta, nimcada eebe oo yaraata, abaaraha, Isfahan-waaga iyo waxyaabo kaloo badani waxay ka tafiirmaan marka ay cadaaladu faraha ka baxdo sida aynu ku sugan nahay imika ee masaakiinta xoolahooda la xalaashado, ee cid la aamino la waayo, ee quluubta xiqdi iyo xannuun aan dhammaad lahayni galo, taasina waxa u aabo iyo hooyoba ah waa dadkii juhalada ahaa oo madaxii iyo maamulkii laga dhigayo, jaahil markaan leeyahay dad aynu aqoonyahan u naqaano ayaa safafka hore kaga jiri kara sababtoo ah waa qof diinta ka indho saaban ama iska indho saabaya.

Dimuqraadiyadna garan maynee rabow naga soo gaadh doorashooyin iyo qaladahoodii baa nagusoo fool leh oo mindiyaha loo sii soofaynayaaye.

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”

hibafaakhir@gmail.com