Eray bixinta xadiiska “musdalaxul xadiis” Q.1aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Hordhac 

Mahad Alle SWT ka dib, waxa aynu si kooban uga hadli doonna aqoonta eray bixinta xadiiska. Eray bixinta xadiisku waa aqoon la curiyey kolkii ay soo baxeen axaadiis badan oo lagu been abuuranayo Suubbanaha.  Xadiis waa hadal ama waxqabad kasta oo Suubbanuhu sameeyey, sida oo kale arrin kasta oo agtiisa lagu sameeyey oo aannu diidin yadna waa xadiis, waayo ogolaansho ayaa laga haysta ah hadduu diiddan yahay in la sameeyo  amar buu ku bixin lahaa ah in la joojiyo.

Nabi Maxamed NNKH hadaladiisi iyo waxqabadyadiisi waxa weeleyey haldoorkii la joogay ‘Saxaabada’ oo dhammaantood run sheeg layaal ahaa, waxa ay iyaguna u sii gudbiyeen raacii ku xigay ‘Taabiciinta’ oo aan looga baqanayn in warkaa Suubbanuhu sheegay wax ku daraan ama wax ka reebaan ama war aan jirin ka sameeyaan.

Kolkii ay soo idlaanayeen saddexdii fac ee la ammaanay ayaa ay soo baxeen dadyoow ku been abuurta Nabi Maxamed NNKH. Axaadiistiisi ayey kala jarjareen, wax ku dareen waxna ka goyeen, siday rabeenna u isticmaaleen qaarkoodna kaba sii dareen oo axaadiis aan jirin ku been abuurteen.

Aqoonyahannadii diintu waxa ay is tuseen in ay soo baxday kaalin ah in la hubiyo axaadiista ka sugan Rasuulka iyo kuwa aan ka sugnayn, ummaddana loogu bidhaamiyo.

Aqoonruuggii ibo furay ee dhigaalka ka sameeyey waa qaaddigii la odhan jiray Khilaad Raamuhramusi, waxa iyaguna kutub ka qoray culimada kala ah; Xaakim Nisaabuuri, Asbahaani, Khaddib Baqdaadi, Qaaddil Ciyaad, Cabdilmajiid Miinaaji, Shahrasuusi, Nawawi, Xuseen Ciraaqi, Suyuudi, Sakhaawi, Casqalaani, Bayquuni, Jamaal Diin Qaasimi iyo aqoonyahanno badan oo aynaan halkan ku soo ururin karin.

Hawl dheer bay galeen oo ah hubin iyo kala shaandhayn, waxa ay curiyeen aqoon lagu ogaanayo xadiiskani in uu Rasuulka ka sugan yahay iyo in aannu ka sugnayn. Qaaciidooyin iyo liidad ayey u xariiqeen qof wal oo raba in uu ogaado sugnaanshaha axaadiista uu ka waddo raaco. Haddaba innagu qormooyinkeenan waxa aynnu dul istaagi doonna qaacidooyinkaa ay dhigeen oo aynnu si fud ud ugu kala ogaanayno axaadiista sugan iyo kuwa aan sugnayn.

Aqoontaa aynnu u dhaadhici doonno, ayaa waxa jira  mid aan ogayn dhibta loo soo maray iyo sida ragga qaarkood noloshoodiba ay ugu hibeeyeen sugista axaadiistaa uu maanta iyo maalmo horeba la soo shir tagayey xadiis baan sugnayn iyo xadiis baan jirin. Hubaashi inkiridda uu inkirayo hadday aaminaad ka tahay diinta Islaamka bannaanka ayuu ka jooga, sababta oo ah xadiisku waa diinta badhkeed, oo Quraanku salaad tuko ayuu yidhi ee sida loo tukanayo maan xadiis sheegin?. Waxqabadyada diiniga ah xadiiska balbalaadhiya, qofka beenaysta waa qof diin la’aan hayso oo diinta Islaamka ka baxaya.

Dadyow hore ayaa u istaagay in ay dadka axaadiista ka khalkhaliyaan iyaga oo been abuur xadiiseed la imanayey kuwo kalena ugu jiibinayey, kol haddii laga been abuurtayba  wax la isku taxaluujiya in aanay jirin oo dhammaantod been abuurad yihiin. Ujeedka laga leeyahayna ay tahay in la yidhaa marka kowaad xadiis ma jiro, war Nabi Maxammed laga qaadanaya ma jiro waayo dee maxaa ka sugan soo tan la isku haystaba.

Doodahaa hore waa qaar hore loo soo jabiyey oo dadyowgii la yimid daadka lagu daray, mid walba oo maanta la soo shir tagana hubaal uu jabi doono.

 

La soco qaybta labaad……

Talo iyo tusaalaba waa xaggiina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub

Email: rakuub2020@gmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com