Erayada qaldan ee ku jira heesaha danbe ee ay tahay in layska saxo. Qaybta 2 aad (W.Q: Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”)

Markale iyo qormadeenii “Erayada qaldan ee ku jira heesaha” oo qaybtiisii labaad aynu maanta ku soo qaadanayno kuwan soo socda:

  1. Adoon dookh caashaq qabin, kalgacal lama daadahshee “Cabdihani”

Labadan eray waxay ku jiraan hees uu dhawaan soo qaaday Fanaanka “Cabdihani” se inkastoo aanan garanaynin cida erayada leh, hadana waxaan ku arkay labadan eray.

Micne ahaan dhanka maansada isma qabtaan waayo maxaa yeelay baydka danbe markuu leeyahay “kalgacal lama daadahsho” dee horta kalgacaylka lama daadahsho ee waa la dareemaa uun se wax la daadahshaa waa carruurta yar-yar ee socod baradka ku jirta een-ay weli caguhu u adkaanin oo gacanta la qabtaa marka socod lagu jiro taasaa la yidhaahdaa waa la daadahaynayaa se kalgacaylkase lama daadaheeyo.

Erayga hore laftiisa waxbaa kasiya oo isma qabtaan iyana “dookh” iyo “caashaq” ee waxay ahayd in uu ku daayo labadooda mid keliya.

  1. Dabayshu cishqi bay dawaysee, duufaan deeqaay ha moodin(dhallinta reer jig jiga)

Heesta labadan tuduc ku jiraan ayaa waxa wada jir u qaada fanaaniinta reer jig jiga koox ka mida, erayadeedana cid leh runtii magaranyo.

Se labadan tuduc ee kor ku xusani waa qayb ka mida heestaas,waxaana loo isticmaalay si qaldan iyo meel aanay lahayn weliba.

Dabayl caashaq daawaysay weligeed lama arag xaqiiqdii, caashaqu wax la dawayn karo maaha,waxa la daweeyaana waana qof xannuun hayo se dabayshu waxay daawaysaa ma jirto tanna  waa sida khaldan ee loo isticmaalay erayga iyo meel aan meeshiisii ahayn oo loo isticmaalay.

Waxay noqotay tuduca danbe horta ma jiraan dabaylo iyo duufaano isu eegi laakin maanso ahaan marka la eego iyadna si khaldan bay meesha ugu jirtaa, jacayl ama caashaq dabayl iyo duufano wataana ma jiro.

  1. Qul qul waax-yahaygoo, sida roobka iigu qubo(Dalmar iyo Nasteexo)

Labadan tuduc ee iyaguna kor ku xusani waxay ku jiraan hees ay qaadan “Dalamr iyo nasteexo” oo uu erayadeeda leeyahay nin la yidhaahdo “Mataan” hadaba ninkani labadan eray  ee uu meesha u isticmaalay runtii kuma saxsana waayo micne ahaan dhanka maansada micne buuxa ma samaynayso,taasina waxay ku tusinaysa marka la micneeyo wax soo baxaya micne khaldan,bal ila eega.

Waxa qulqulaa horta waa biyo kowdheh, ku darsoo wax qubtaa ee daataana waa biyaha uun iyaguna,wax qofka qoyn kara jidhkiisa ama ku daadan karaana waa biyo iyo wixii iyaguna dareere ah.

Markaa labada eray ee meeshan ku jiraa runtii waa ay ku qaldan yihiin marka lasii kala qaad-qaado ee micnaha lasii dhax galo.

  1. hadaad i dhax-qaado, dadbaa dhamac beera (Asma love iyo Nimcaan Hilaac)

labadan bayd ee kor ku xusani waxa ay ku jiraan hees ay qaadaan labada fanaan ee magacyadoodu kor ku xusan-yihiin, erayadeedana uu leeyahay ninka la yidhaahdo “Laabsaalax” wallow aanay isku xigin labadan eray hadan waa labada aan soo qaatay.

Hal-abuurkani wuxuu isticmaalay weedha ah “dhexqaadid” horta inkastuuna qof dhex-qaadin ee waxa qofka dhex-qaada uu yahay dareen ayaa hadana ninka hal-abuurka ahi uu isagu u isticmaalay si khalad ah, oo wuxuu ka dhigan in qofku uu qofka kale dhex-qaadi karo, Markaasna uu micnuhu isbadalo, sababtuna waxay tahay waa meesha khaldan ee uu isticmaalay weedhan.

Takalana waa lamid iyadoo horta dee dhamac-da lama beero ee waa la shidaa uun isagu wuxuu u isticmaalay si khaldan oo wuxuu ka dhigay in la beero oo laqodo sida beerta marka la beerayo ee la qodoyo, sababtuna waa sida khaldan ee loo isticmaalay iyo erayga oo loo isticmaalay meel khaldan.

 

Lasoco qeybaha danbe

 

Waxa qorey: Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”

Email: Cabdimajiidiid@hotmail.com/Cabdimajiidiid@gmail.com