Erey aan Ka leeyahay arinta Man-hajka & dugsiga ELM (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Erey aan Ka leeyahay arinta Man-hajka & dugsiga ELM

 

Waxaa halis wayn la gelinayaa amaanka caruurta iyo Macalimiinta dugsiga ELM haddii arinta usbuucan warbaahinta Ku jirta aan si haboon looga fal-celin. Waa arinta ah diinta Kiristanka lagu dhigo dugsiga gaarka loo leeyahay we ELM. Kooxaha xag-jirka ah, iyo Kuwo cadawga ku ah ย qaranka JSL yaanay arintantani u noqon food-saare ajendayaashooda dahsoon. Waxaan soo-jeedinayaa qodobaddan:

 

– Dadka eedaha u soo jeedinaya waxaa laga rabaa iney si xil-kasnimo leh ugu gudbiyaan eedahooda hay’addaha ay khusayso.

 

-Wasaaradda Waxbarashada, Guddi-hoosaadka Wakiiladda ee arimaha Bulshadda, Xeer ilaalinta iyo hay’adaha amaanku si mug leh waajibaadkooda ha uga gutaan arinka isaga. ย Guddi baadha oo madax-banaan waa in arinka loo saaraa si ay uga soo gun-gaadhaan.

 

-Maamulka Dugsiga ELM waxaa laga rabaa inuu gar bixiyo mujtamaca reer Somaliland, waalidiinta ardayda iyo daneeyayaasha kale.

 

Allaa Mahadle

Xamse Khayre