Eryashadii Riyo-raac, Rogaal-celintiisii iyo Riyadii Xalay: Muxuu Fasirkeedu Noqon Karaa? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Eryashadii Riyo-raac, Rogaal-celintiisii iyo Riyadii Xalay: Muxuu Fasirkeedu Noqon Karaa?

Waan seexday xalay, haddana qaraw ayaan arkay ama riyo, inta badan waan illaawi jirayba riyooyinka.. Laakiin tani wax ay ahayd mooyaane, waan xasuustay, waana run.

Annaga oo meel Guriga Murtida iyo Madaddaalada ee Hargeysa u dhaw shaah ka cabbaynaya ayaa waxa na soo maray Injineer Cabdirashiid Riya-raac. โ€œAlla waa Riya-raacโ€ baa ay qaar ay yidhaahdeen. Waxa ay la boobeen bakoorado, iyaga oo dagaallamaya.

Ninki cagaha ayuu wax ka deyay, waayo koox ayaa keligii gacanta u qaaday, xilka uu hayo ayaa ay diiddanaayeen. Waa ay daba yaaceen waxoogaa, inta aan ka daba kacay ayaan eeg is idhi waabu duulay sida haadka waanu naga libdhay, fadhaq weynaa.

Cabbaar kaddib ayuu soo noqday isaga oo wata qolyo badan oo bakoorado miidhan sita. Rag aan naxaynnin bay ahaayeen. Bakooradihii ayaa la isla galay. Qac, qac, qub, baw, waa la isla dhacay. Anigu bakoorad ma sidanne, markii aan ka baqay inay bakoorado igu dhacaan ayaan kacay. Shaw waan hurday oo kaadi ayaa i qabatay, suuliga ayaan tegay. Halkaas ayaa iigu dambaysay.

Anigu waxa aan u fasirtay in xalku noqonayo in uu banneeyo GDQ, taasi waa eryashada, isla markaasna xil kale loo magacaabayo, waana rogaal-celinta.

 

Riyadaasi maxay noqon kartaaa?