Faafista Qarsoodiga Ah Ee Asalka U Ah Cudurrada Soo Jiitama Iyo Sida Loola Dagaalamo Q.1aad, cutubka Afraad (WT: Khalid Curaagte)

“Ma sahlana in la isla qaadaa dhigo arrimo u baahan in hoos loo dhigo , balse sababta aan kuula wadaagay waa sidii aad mawduucan xog badan oo cilmi ku salaysan uga ogaan lahayd , maxaa yeelay ma tihid ilmahaygii yaraa ee aan qaan-gaadhin, waxaanad ii ogalaan doontaa in aan si furan kaagala hadlo galmada iyo mawduucyo xaasaasi ah”, sidan waxa ku bilaabay Dr. Benjamin.

Dhab ahaantii , si nooleyaashu u sii dhaqnaadaan , bini-aadamku wuu tarmaa si lamid ah noolayaasha kale ee adduunka ku dhaqan . Qaar badan oo dadka ka mid ahi si fiican ayay u tarmaan (Dr. Benjamin ayaa yidhi “weydii waalidkay waxa aan leeyahay 12 walaal” ) , halka ay qaar kalena qaadaan wadne xanuun kaas oo ay u dheertahay ma dhalaysnimo. Haddaba, tiiyoo aynnaan u eegin xaaladda, waxa keli ah ee ugu muhiimsan caafimaadka hab-taranku waa dheecaannada galmada ee laga soo dhiiqo qanjidhada aas-aasiga ah ee galmada( xiniinyaha ragga iyo ugxansidaha haweenka ) , kuwaas oo xidhiidh la leh maskaxda .

Maskxda iyo qanjidhada galmadu habka ay u wada shaqeeyaan waxa layidhaahdaa gownaadhis, sidoo kale habkan ayaa ka musuul ah in ay dhacdooyin badani isku beeg-beegmaan kuwaas oo ogolaada ama fudaydiya in la tarmo. Si kastaba ha ahaatee , yaab ayay kugu noqonaysaa in aad barato dheecaanka yare e ganaca laga soo dhiiqaa sida uu uga qayb qaato(Insuliin ).

Xidhiidhka ka dhexeeya insuliin caabbiska iyo khalkhalka ku yimaadda hab-dhiska taran wadku wuxuu noqon karaa midka keli ah ee aan la filaynin, maxaa yeelay dadka oo dhammi ma suureeyaan in insuliintu ay haba yaraatee wax door ah ku leedahay hab-taranka, haba sheegin ka muhiimka ahna. Si ka duwan sidaas, insuliintu waxa ay lagama maarmaan u tahay hab-taranka caadiga ah kaas oo caddayn ahaan ay inoogu filaan karto xidhiidhka xooggan ee ka dhexeeya habka shidaal qaadashada jirka iyo hab-taranka.

In la tarmaa ma aha wax sahlan ! Wax loo adkaysan karona  ma aha in lagu tarmo xaalad khatar ah ama aan caafimaad qabin , sida xilliyada ay jirto macaluusha aadka u daran oo kale. Sidaas awgeed, insuliintu waxa ay fariin u dirtaa maskaxda si ay ugu sheegto in la heli karo shidaal ku filan iyo in kale. Inusliinu marka ay tahay dhexdhexaad waxa ay go’aamisaa awoodda caafimaad qab ee waalidka iyo nafaqadooda, si uu u koro uur-jiifku una barbaaro marka uu dhasho.

Xaqiiqadu way caddahay in aynnu u baahanahay insuliin si loo helo hab-tarab caafimaad qaba .Tijjaabo lagu sameeyay jiir ayaa shaacisay in insuliin la’aantu isbeddel ku keento maskaxda iyo qanjidhada taranku sidii ay u shaqaynayeen taas oo hoos u dhigaysa hab-dhiska taran wadka. Lakiin macnaheedu ma’aha insuliinta badan ayaa ka wanaagsan insuliinta yar. ( xusuusnow , in isnuliin caabbisku uu yahay xaalad uu ganacu soo dhiiiqayo insuliin badan marka loo eego intii xaaladda caadiga ah , si uu u kordhiyo falgalka insuliinta ) , haweenka iyo raga insuliin caabbiska lihi waxa ay aad ugu dhowyihiin in ay noqdaan ma dhalays marka loo eego dhiggooda insuliintoodu aanay khalkhalsanayn. Intaas waxa dheer, carruurta leh insuliin caabbiska waxa ku dhici kara in astaamahooda baaluqa uu khalkhal ku yimaaddo.

Caadi ahaan sida uu falgalkani u dhacayaa waa cajiib , waxayna muujinayaa in hab-taranka la saameeyo, sidoo kale shidaalka jidhkuna( habka uu jidhku cuntada soo gashay ugu isticmaalo tamar ahaan )  uu ka qayb qaato hab-taranka. Si kastaba ha ahaatee , cutubkan waxa aynnu ku guud mari doonnaa caqabado badan oo la xidhiidha galmada iyo hab-taranka  kuwaas oo  ka soo if baxa marka  isnuliinta jidhka uu khalkhal ku yimaaddo.

Inusliinta iyo Caafimaadka Hab-taranka Haweenka

Hab-taranku waa hanaan aad ugu adag haweenka. Kasoo billow marka ay dhiiggooda bil-leha ah helaan, waxa ay isbeddelo joogto ahi ku dhacaan dheecaanada jidhkooda si loo sii daayo ugxan, hanaankana waxaa loogu yeedhaa “ofuleeshin” oo ah hanaanka ay ugaxantu kaga soo baxayso ugxansidaha uguna soo dhaadhacayso dhuumaha ilmo galeenka , kaas oo dhaca bil kasta.  Intaas waxa dheer, haddii ay gabadhu ilmo caloosha ku qaaddo, awooddeeda hab-taran ee laga filayaa waa sidii ay u sii joogtayn lahayd una ilaalin lahayd koritaanka ilmaha, xitaa ka dib marka uu dhasho waxa ay ka dhigan tahay weli shaqadeeddii hab-taran kama dhammaanin oo may gudanin hawsheedii maxaa yeelay jidhkeedu weli wuxuu isu beddeleyaa si joogto ah, isbeddeladaasna waxaa ku jira soo ssaarista caanaha iyo ibeddelo kale oo saamayn ku leh hab-tarankeeda.

Hab-taranka haweeenku wuxuu maraa isbeddelo kala duwan, kororitaano kala duwan ayaa ku yimaadda, wuxuuna dalbadaa tamar aad u badan. Waxa laga yaabaa sababahan awgood, hab-taranka haweenka iyo caafimaadka hab-tarankooduba in ay yihiin kuwo aad ugu tiirsan insuliinta iyo insuliin caabbiskaba marka loo eego ragga.

Ka hor inta aanan sheegin dhanka xanuunada insuliinta iyo khalkhalka ku yimaadda hab-taranka haweenka, waa in aan sheegaa dhankooda wanaagsan ama caadi ahaan xidhiidhka ka dhexeeya isnuliinta iyo uurka.

Insuliintu waxay ay masuul ka tahay fariimaha koritaanka, iyada oo carinaysa shidaal qaadashada  , balaca unugyada iyo mararka qaarkood tirada unugyadaba. Gabadha uurka leh jidhkeedu wuxuu u baahn yahay in uu koro, insuliintuna koriinkaasi in uu suurto galo ayay ka caawisaa, maxaa yeelay insuliintu waxa ay taageerta in ay mandheertu korto, unugyada iyo nuddaha naasahana waxa ay u ogolaataa in ay u diyaar garoobaan caano soo saaris iyo jaqsiin, intaas waxa dheer, waxa ay sidoo kale caawisaa in hooyada uurka lehi hesho tamarta faraha badan ee ay u baahan tahay si jidh ahaan u kobocdo , sidoo kale u kaydsato duxda loo baahn yahay iyadoo baruur ahaan ah.

Dhab ahaantii, si loo fuddeydiyo hanaankan, waxa kor loo qaadaa maadada insuliinta inta ay uurka leedahay hooyadu , ka dibna waxaa lagu celiyaa intii caadiga ahayd xilliga umusha ka dib. Baruurta xilliga uurka ku dhigta haweenka ayaa ah mid dhakhso ah iyadoo ay sabab u tahay ka jawaabista insuliinta laga jawabayo oo ka badan intii hore ee caadiga ahayd.

Haddaba uurku waa mid ka mid ah dhacdooyinka tirade yar ee insuliin caabbisku u muuqano xaalad caadi ah , isla markaasna faa’iido leh. Haa , uurku waa xaalad loogu talo galay insuliin caabbis dabiicii ah, sidoo kale celcelis ahaan haweenka caafimaadka qabaa waxa ay isuliintoodu caadi ku soo noqotaa marka uurku dhammaado , xaaladdaasina waa mid u baahan sida aynnu soo sheegnay insuliin caabbis, waxaana xaaladdan isuliin caabbiska ee dabiiciga ah loo yaqaanaa “ insuliin caabbis dabiiciya ” waana marka insuliin caabbisku uu faa’iidada leeyahay.

Haddaba si hooyada uurka leh u noqdo mid insuliin caabbis ah, waxa kor u kaca heerka insuliinta (waxa ay u egtahay in jidhka oo dhammi noqonayo insuliin caabbis maxaa yeelay insuliin badan ayaa la soo dhiiqay, dib ayaan ku sharixi) , kaas oo masuul ka ah in nudduhu koraan sida kuwa mandheerta oo kale.

Laakiin in sida aynnu xusnay, in insuliin badan la soo dhiiqo xilliga uurku waxay hooyada ka caawisaa waxyaabo badan, faa’iido aad u weyna way u leedahay, waxayna gaar ahaan muhiimada gaar ah u leedahay horumarka iyo koritaanka ilmaha. Sidaas awgeed, marka insuliintu ay kor u kacdo waxa ay wanaajinaysaa xaaladda uurka, waxayna ilmaha siinaysaa fariimo amar oo koritaankiisa ku saabsan inta uurka lagu sido. Tan aynnu sheegaynaa waa marka insulin caabbisku yahay mid babiici ama sinuliin caabbis dulleed  xilliga uurka, si ka duwan sidaas, waxa ay saamayno kale ku yeelan kartaa caafimaadka hab taranka haweenka, oo ay ku jiraana arrimaha tarantu, dheecaannada la xidhiidha dhalmada oo khalkhala, macaanka dumarka uurka leh ku dhaca, dhiig kar  kelyaha dhaawac u geysan kara iyo xanuuno kale oo badan.

Macaanka Hooyooyinka Uurka Leh Ku dhaca

Midka ugu caansan khalkhalka hab-taranka ee xidhiidhka la leh insuliin caabbiska haweenku waa macaanka dumarka uurka leh ku dhaca, wuxuuna yimaaddaa marka ay haweenaydu noqoto mid  insuliin caabbis ah, isla markaasa isuliintu ay awoodi waydo in ay joogtayso heerka sonkorta dhiigga la socota , marka lagu jiro marxaladdan , caadi ahaan , insuliin caabbiskii dabiiciga ahaa  wuxuu isu bedelay xanuun ahaan, keliya farqiqa labadan xaaladdood u dhexeeyaana waa sida loo xakamaynayo sonkorta.

Macaankan dumarka uurka leh asiibbaa wuxuu ku dhici karaa gabadh kasta oo uur leh, inkastoo qodobada saamaynsata ku leh ee sababi karaa ay yihiin kuwo aad xidhiidh ula leh insuliin caabbiska (qodobadan dib ayaynu ku sharxi qaybta 2aad gudaheeda) haaddana waxaa ku jiri kara miisaanka jidhka, da’da, hidde u lahaanshaha macaanka, qoymiyadda (Eeshiyaanka, Isbaanishka ameerikaanka ah iyo qoomiyaddaha asal ahaan ka soo jeedda barriga dhexe waxa ay khatar aad ah ugu jiraan insuliin caabbiska).

Nasiib darro, haddii haweenaydu ka hor xilliga ay uurka leedahay aanay lahayn insuliin caabbis ama caddayn kale oo muujinaysa macaanka noociisa labaad, macaanka dumarka uurka leh ku yimaadda wuxuu ku keeni karaa in ay macaanka noociisa labaad qaado wakhti nololleedkeeda dambe. Dhab ahaatii, celcelis ahaan, khatarta ay ugu jirto in ay qaado macaanka nooca labaad waxa ay toddoba jeer ka badan tahay khatarta ay ugu jiraan kuwa aan macaanka haweenka uurka leh ku dhacaa haleelin.

Kelyo Xanuunka Haweenka Uurka Leh 

Inusliin caabbiska aad u daran ee xilliga uurku ama si kale marka loo dhigo macaanka ku dhaca dumarka uurka lihi wuxuu kor u qaadaa khatarta ay hooyadu ugu jirto xanuunada la xidhiidha uurka, gaar ahaan kelyo xanuunka tiiyoo shaqada kelyaha uu khalkhal ku imanayo.  Haweenka leh insuliin caabbis aad u sareeyaa xilliga ay uurka leeyihiin, waxa ay halis weyn ugu jiraan kelyo xanuunka bilaha ugu dambeeyaa ee sidkooda. Hase ahaatee, xidhiidhka ka dhexeeya labada xanuun ma aha mid aad looga dheragsan yahay, laakiin waxa ay u egtahay in ay sababtu tahay kacsanaanta dhiigga ee insuliin caabbisku dabada ku hayo, waxaana ku jiri kara xaaladdo la xidhiidha habdhiska dareen wadka iyo nitirik ogsaydhka oo yaraata.

Si kasataba ha ahaatee, badanaa waxa dhacda in dhiiggu uu noqdo mid kacsan oo leh insuliin caabbis kaas oo abuura xaalad qulqulka dhiigga ee nuddaha jidhka hooyadu uu noqdo mid aan sidii caadiga ahayd u socon, waxaana meelaha khalkhalku ku imanayo ku jirta mandheerta. Marka la heli waayo dhiiggii loo baahnaa ama ku filan nuddahan aynnu sheegnay, waxa ay mandheertu fariin u dirtaa booratiin loo yaqaano indhosiliyaalka xididdada kobciya iyo qaybo kale oo jidh ka ahba, wuxuuna booratiinkani amar siiyaa in in wax ka beddel lagu sameeyo xididdada dhiigga qaada, marka booratiinkan laga shaqaysiiyana, waxa ay mandheertu isku dayaysaa in ay samayso dhuumaha dhiigga ee ay u baahan tahay.

Sidoo kale, marka uurku uu yahay mid caafimaad qaba ayay xaaladdani dhacdaa, waxaana ay mandheertu u baahan tahay dhiig fara badan , taasna waxaa ka caawiya booratiinkan si ay ugu suurto gasho helitaanka dhiigga ay dalbanayso.

Lakiin xaalddan kale ee kelyo xanuunka, mandheertu waxa ay si aan la sharaxi karin u carisaa sii deynta booratiin labaad oo ah indhosiliyalka xididdada koriya oo milmaya ama ka qaro yar kii hore ee aynnu ku sheegnay sadarrada kore, kaas oo joojiya in indhosiliyalka xididdada koriyaa ay shaqeeyaan, in kastoo xilligan weli ay mandheertu awood u leedahay in la soo daayo booratiinkan muhiimka ah haddana mashaqayn karo booratiinku xanuunka jira awgii.

Ma.aha tan oo kaliya waxa dhaawac u geysan kara mandheertu (in la ogolaan waayo in dhuumo dhiig oo cusubbi samaysmaan) laakiin, waxa ay waxyeello ku timaadda kelyaha waxaanay u baahdaan booratiinka indhosiliyalka xididdada kobciya ee loo diyaariyay mandheerta. Sida caadiga ah kelyuhu waxa ay isticmaalaan booratiinkan si ay u sifeeyaan dhiigga, taasina waa shaqadooda ugu weyn ee ay qabtaan oo caafimaad ahaanna aad muhiim u ah. Sidaas awgeed, marka ay kelyuhu waayaan booratiinkan waxa ay noqdaan kuwo talax gabay oo aan tamarinaynin, waxayna joojiyaan in ay sifiican u sifeeyaan dhiigga, wuxuuna noqdaa mid dikhaysan, sidoo kale waxa dhiiggu uu yeeshaa biyo badan oo aan loo baahnayn.

Natiijada xaaladdani waxa ay noqonaysaa marka biyuhu ku bataan dhiigga waxa kordha mugga dhiigga ee jidhka ama xaddiga dhiigga jidhka ku jira, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiggu u kordho (waxaad ku soo arragtay cutubkii labaad) laakiin in uu dhiiggu noqdo mid wasakhaysan ayaa ah xaalad aad khatar u ah waxayna horseedi kartaa in in uu qofku yeesho suuxitaan ama dhimahso haddii ay wasakhdu gaadho maskaxda. Si ka duwan sidaas, haddii kelyuhu ay waayaan booratiinkan wuxuu ku keenayaa in ay liigaan kelyuhu isla markaana booratiinadii dhiigga la socday qaar kood ay kaadida raacaan.

Guud ahaan, tani waa xaaladda innagu kelifaysa in aynaan cabbirin heerka cadaadiska dhiigga haweenka kelyo xanuunka leh oo keli ah, balse aynnu ogaano booratiinada la socda kaadida , innaga oo ku dersayna caafimaadka kelyaha. Haddii aan goor hore la ogaanin , goor horena la daweynin kelyo xanuunka haweenka uurka leh ku dhacaa wuxuu keeni karaa in ay beerka iyo kelyaha hooyadu talax gabaan  musttqbalkana wadne xanuun ayaa u sii raaci kara . Dhanka ilmaha haddii aynnu ka eegno , markasta oo uu qulqulka dhiigga mandheertu yaraaddo ilmuhu wuxuu helayaa cunto yar iyo hawo yar , kuwaas oo keena in miisaanka ilmuhu  ka yaraado intii caadiga ahayd . Xalka keli ah ee loo hayo kelyo xanuunkan hooyinka uurka lihi waa in mandheerta dibedda looga soo saaro , taas oo looga jeeddo in ilmaha yarna laga soo saaro hooyada markaa uu koriinkiisu dhamaystirmo , si ay usoo kala nabad galaan hooyada iyo ilmuhu  , waxaana loo marayaa laba hab midkood in  fool deg-deg ah hooyada la geliyo iyo in qaliin loo sameeyo hooyada , ilmaha waxa lagu korinaa dibedda (  haddii uu gaadhay xilligii  lagu korinayay quraaradda ) .

Carruurta Miisaankoodu Hooseeyo Ama Sarreeyo

In uu noqdo qofku mid ku dhashay miisaan aad u sareeya ama u hooseya , labaduba uma wanaagsana nolosha dambe ee qofka , waxaynna wataan caqabaddo , sidoo kale hooyooyinka sokorta jidhkoodu badan tahay ama insuliin caabbiska leh ayaa ah kuwo saamayn weyn ku leh in ay arrintani dhacdo.

Kaa hor inta aynnaan gudo gelin mawduucan , waxa aan rabaa in aan caddeeyo hal qodob kaas oo ah marka aan ka hadlayo miisaanka ilmaha yar ee soo dhashay , macnaheedu maaha in aan u jeedo ilmaha yar ee dabiici ahaan miisankiisu hooseeyo ama uu weyn yahay tiiyoo sababtu ay tahay in qoyskiisu ay hiddo u leeyihiin si kale haddan u idhaahdo , ilmaha yar ee qoskiisa yarida iyo weynida midkood ka dhaxlay uma jeedno , balse waxa aan ka haddlayaa xaaladda uu ilmuhuhu ka weynaan karo ama ka yaraan karo intii caadi ahayd ee la filayay inagoo tixgelinayna dhammaan qodobada saameeya.

Habka  cunto qaadashada caafimaadka qabta  ee jidhka  hooyada iyo ka caafimaadka cunto qaadasha ee ilmuhu way isku xidhidhan yihiin , qodobada ugu doorka roon leh ee aynnu ku taageeraynaana waxa ay ka yimaadeen Daraasaddii Macaluusha Dhajka taas oo wax lagaga ogaanayey caafimadka dadkii calool galay xilligii macaluushaasi jjirtey , waxaynna ahayd intii u dhexeysay 1944kii illaa 1945kii , dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka. Cilmi-baadheyaashu waxa ay awood u yeesheen in ay ogaadaan saamynta ay ku lahayd shaqsiyaadkaasi in ay ku xidhnayd xilliga ay kaga soo begantay markii hooyooyinkood ay uurkooda lahayeen ama caloosha ku sideen, (tusaale ahaan in ay abaartu dhacday hooyada oo ku jirta bilowgii uurka, dhexdhexaadkii ama dabayaaqadiisii).

Shaqsiyaadka ay hooyadood macaluusha gashay xilligii uurku billowga ahaa waxa ay noqdeen kuwo miisaanka jidhkoodu uu aad u bato wakhtigii dambe ee noloshooda marka loo eego kuwa caadiga ah .Si ka duwan sidan , mawduucani wax xidhiidh ah oo kale kuma xidhayo in ilmuhu uu ku dhasho miisaan weyn iyo in uu noqdo mid miisaan yar , balse keliya waxa uu ina tusaysaa miisaanka ilmaha yar ee marka uu soo dhasho( cutubyada dambe ayaad ku arki doontaa miisanka ama baruurta badan iyo insuliin caabbiska iyo xidhiidhka ka dhexeeya) .

Hooyada leh insuliin xaddigeedu aad u badan yahay xilliigeeda uurku ( sida kuwa leh macaanka dumarka uurka leh ku dhaca iyo kuwo kale oo aynnu xaga dambe ka sheegi doono ) caadi ahaan waxay dhali kartaa ilmo ka weyn intii caadiga ahayd. Ilmahan waxa miisnkiisa kordhiyay insuliinta iyo deegaankan sonkorta badan ee uu ku noolaa, taasina ma aha wax sahal ah oo waxay leedahay saamaynteeda.  Waxa suurto gal ah carruurta ku dhalata xaaladdani in 40% in ka badani ay noqdaan kuwo buurbuuran oo miisaankoodu aad u sareeyo, waxayna yeelan karaan xanuuno la xidhiidha cunto gubista jidhka marka ay qaangaadhayaan.

Kuwa kale ee ku dhasha sidan sida ku lid ka ahi ama kuwa uu miisankoodu aad u hooseeyaa waa kuwo badiyaa ay hooyadu lahayd kelyo xanuunka dumarka uurka leh ku dhaca markii ay caloosha ku siday.  Waxaana aynnu xaqiiqsan karnaa in ilmo kasta oo ku dhasha miisan aad u badani uu noqonayo mid buuran oo insuliin caabbis leh marka loo eego kuwa miisaanka hoose ku dhashay iyo kuwa miisaankoodu dhexdhexaadka yahayba, laakiin maaha wax la dhayalsan karo.

Halka shaqsiyaadka kusoo dhasha miisaanka badani ay noqdaan kuwo buurbuuran oo insuliin caabbis leh, khatartu waxa ay ku sii badan tahay kuwa ku dhasha miisaanka hooseeya. Waxa aan caqli gal ahayn oo wax lala yaabbo ah, in carruurta kusoo dhalatay miisnka hoose ay mustaqbalka noqonayaan kuwo buurbuuran oo leh xanuuno la xidhiidha cunto gubista jidhka. Xanuunadan habka cunto isticmaalka jidhka ee carruurta miisanka hoose ku dhalatay waxa laga soo weriyey sida waddanka Ingiriiska oo kale, halkaas oo cilmi-baadheyaashu ay ogaadeen in ilmaha ku dhasha miisanka hooseeyaa aanu sii ahaanaynin mid miisaankiisu hooseeyo weligii .

Haa carruurta ku dhalata miisaanka hooseeyaa waxa ay u buurtaan si dhib yar, waxayna si dhib yar u qaadaan insuliin caabbis. Isebbedlakani wuxuu dhacaa illaa laga soo billaabo ilmuhu marka uu afar jirka yahay isagoo soo le’egaanaya qeyrkii, wuxuuna koriinkani sii socon karaa illaa dhallinyaranimadiisa, waxyaabaha saamayntanta ba’an ku lehina waxa ay noqon karaan welwel ka haysta miisankan yar ee uu ku dhashay iyo marxalado kale oo saamayn ku leh dhalashada  ( cutubyada dambe ayaynu ku eegi sida ay welwelka iyo insuliin caabbisku xidhiidhka u leeyihiin ) .

Soo Saarista Caanaha Naaska Oo Yaraata

Marnaba ma kala madax-banaana koritaanka ilmaha iyo caafimaadka hooyadu, in hooyadu insuliin caabbis yeelataa saamayn ayay ku yeelansaa awoodda ay ilmaheeda naaska ku jaqsiinayso.  Cilmi-baadhis lagu sameeyay laba kun (2000) oo hooyo oo leh macaanka dumarka uurka leh ku dhaca ayaa lagu caddeeyay in dumarka insuliin caabbiska aad u daran lihi ay yihiin kuwo aad u caano yar ama gabno ah .

Waxa layaab leh in  marka ay hooyooyinku cusubyihiin  ay la dhibanyihiin naas-nuujinta ama dhibaato kala kulmaan , sidoo kale waxa ay hooyooyinku leeyiin milan adag oo hoos- udhigaya heerka insuliin caabbiska jidhkooda ama dambar xilliga u horeysa ee dhalmada kaas oo la jaqsiiyo ilmaha , maxaa yeelay naas-nuujintu waa habka ugu haboon ee hooyada insuliinteedu ku noqon karto heerkii caadiga ahayd, sidaas awgeed in hooyadu ay yeelato insuliin caabbis ayaa khatar ku noqonaysa in si dabiiciya hoos loogu dhigo insuliin caabbiskii dabiiciga ahaa .

 Fiixaha Ugxansideyaasha

Fiixha ugxansideyaashu waa midka ugu caansan sababaha keena dhalmo la’aanta haweenka, wuxuuna saameeyey in ka badan 10 milyan oo haween ah oo ku kala dhaqan daafaha adduunka. Sida uu magacu sheegayo ugxansideyaasha haweenka ayaa yeelanaya fiixo, kuwaas u keenayaa xanuun badan ugxansideyaasha, sidoo kale waxa ay badinyaan balcii ugxansideyaasha iyagoo ka dhigaya in ka badan intii cadiga ahayd. Waxa aad muhiim u ah in aad ogaato, in xanuunkan fiixaha ugaxansideyaashu uu yahay xaalad ay jirto insuliin badani, mana kala haddhaan insuliinta badan iyo xanuunkani, waana qodobo isa sababi kara .

Sidii aynu hore u soo xusnay, taranta haweenku waa arrin ay masuul ka yihiin dheecaano isku dubo dhacay waxaana halkan aynnu ku faahfaahin doona sida uu u dhaco. Ugu horeyn, marka ay gabadhu hesho dhiiggeeda billeha ah, heerka dheecaankeeda ostarajiin aad ayuu u hooseeya, blasé qayb yar oo muhiim ah oo maskaxda ka mid ah looguna yeedho haybotaalamas aya fariin u dira boqorka qanjidhada jidhka ama bijuwaytariga oo ku lifaaqan gudaha maskaxda, wuxuuna soo daayaa dheecaan la yidhaahdo god-cariye oo fariin u wada ugxan sidaha si qaan gaadh looga dhigo ukun cusub isla markaana diyaar u ah in la soo daayo. Intaa ka dib bijuwaytarigu wuxuu soo daayaa dheecaan kale oo loo yaqaano “LH” kaas oo suurta geliya in ukuntu soo daadegto, habkana waxaa looyaqaanaa diyaargarow, sidoo lale wuxuu maasuul ka yahay in ukuntani baa’ba do.

Ma fahantay  dhammaan waxaas aan sheegay? Sidii aan horeba kuugu sheegay , habkani waah hab aad u adag ! Gebi ahaanba, waxa ugu muhiimsan ee u baahan in la ogaadaa waa habka ay xabad ukun ahi u noqonayso mid la xukumi karo oo ay masuul ka yihiin soo deynteeda iyo baabi’isteedaba dheecaano gaar ah oo isbedbeddelayaa. Haddii dheecanadan uu khalkhal ku yimaaddo, waxay keenayaan  dhibaato.

Haddaba sidee ayay insuliin ugu lug leedahay? Caadi ahaan, ugxansideyaashu , sida dhammaan nuddaha kale ee jidhku uga jawaabaan insuliinta ayay iyaguna uga jawaabaan. Waxa laga yaabaa waxa keli ah een laga filaynin in uu yahay in ay xanibaan soo saarista dheecaanka ostarjiinka.

Dhammaan ostarajiinadu marka hore waa anadrogiinno, marka la soo saarayona , waxaa andarogiiniska beddela insaymyo loo yaqaano aroomateys oo u beddela asterogiin ahaan ( sida dheecaanka raga ee loo yaqaano testestaroon ) laakiin insuliinta badani waxa ay xanibtaa aroomateyska , sidaas awgeed marka insaymkan falgalkiisu yaraado andarogiintii ma noqonayso ostarajiin , taasina waxa ay keenaysaa in Ostarojiinku yaraado oo uu dheecaanka andarojiinkuna kor u kaco .

Sikastaba ha ahaatee, ostarjiinku wuxuu saamayn aan la soo koobi karin ku leeyahay jidhka haweenka, midka ugu muhiimsanina waa in uu masuul ka yahay sida ay dhiigga billeha ah u helayaan. Sida aynnu kor ku soo arragnay, soo saaritaanka ostarajiinku wuxuu si xawli ah u kordhaa marka ay gabadhu ku jirto badhtamaha wareegga dhiiggeeda billeha ah illaa uu uu wareeggu ka dhammado ama ay hesho dhiigggeeda billeha ah. Markan ostarajiinku wuxuu fariin u diraa maskaxda kaas oo kordhiya soo saarista heerka dheecaanka “LH”, kaas oo keena in ukuntu soo daadagto ama kuwii hore loo soo daayay ay baaba’aan. Balse, marka lagu jiro badhtamaha wareeggan otarajiinku ma shaqaynayo isnuliin caabbiska awgii, ukuntuna ma soo daadegeyso , ugxansiduhuna wuxuu sii haynayaa ugxaan badan.

Ka sekow saamaynta ay ku leedahay ostarajiinka, insuliintu waxa ay si too ah u xanibi kartaa soo saarista dheecaanka “LH” ee masuulka ka ah soo daadegista iyo baabi’sta ugxanta. Dheecaankan “LH” caadi ahaan waxa dheecaankan la isticmaalaa xilliga fariimahan loo baahan yahay oo waa la kordhiyaa marna waa la yareeyaa, insuliintuna waxa ay khalkhal gelisaa hanaankan isku xidhiidhsan, kaas oo ciladayn kara taranka ama dhalmada.

Intaas waxa sii dheer, farogelinta ay insuliin ku hayso arrimaha dhalmada mooyee, marka ay ku lamaan tahay fiixaha ugxxansidheyaasha, waxa ostarojiin ahaan loo beddelaa andarojiin aad u yar, taas oo kenaysa in heerka andarojiinku uu bato. Haddii andarojiinku uu aad u bato haweenka wuxuu ku keeni karaa in ay wejiga timo ku yeeshaan (gadh), sidoo kale dumarka wuxuu u horseedi karaa in yeeshaan astaamaha raga oo kale sida bidaarta. Ugu dambayn, insuliinta badan oo keli ahi , tiiyoo ka madax banaan dheecaanada galmada , waxa ay keeni kartaa  in jidhka gabadhu uu yeesho haaro mad-madow ( Cutubka lixaad ayaad ku arki )

Dhibaatooyinka Dhasha iyo Daweyntooda 

Sida aad umalaynayso, marka aynnu eegno xanuuno kala duwan oo ku dhaca hab-taranka waxa keena insuliin caabbiska, haween badan oo leh insuliin caabbiskuna waxay wakhtigooda ku dhamaystaan sidii ay dawo u heli lahaayeen. Nasiib darro, marka xaaladdan la soo gaadho isnuliin caabbisku isaga ayaa isa sii joogteeya.

Ka hor inta aynaan ka hadal daweynta, waa in aan xusno in insuliin ay door muhiim ah ku leedahay dhasha haweenka.Sidoo kale, in hoos loo dhigo heerka inusliinta, isla markaana lagu dedaalo in la joogteeyo heerka caadiga ah ee insuliintu, iyadoo la adeegsanayo dawooyinka insuliinta hoos u dhiga ama miisaankaba la dhimayo, waxa ay dhiirigelisaa heerka diyaar garowga ugxanta tiiyoo aan la isticmaalaynin wax dawooyinka dhasha ah.

Midka ugu caansan dawooyinka si loo daweeyo habka dhasha/taranta haweenku waa daawada loo yaqaano Kalomifiin, taas oo beddesha ostarajiinka si loo soo daayo ukun cusub. Si kastaba ha ahaatee, haweenka fiixda ugxansideyaasha leh ee insuliin caabiska ahi waxay dawooyinkan uga falceliyaan si liidata, waxayna u baahdaan xaddi aad u badan, kaas oo ku yeelan kara saamayn taban. Dhab ahaantii, in la cabbiro insuliinta dhiigga la socota ee haweenka fiixda makaaanka leh ayaa ah shayga ugu habboon ee lagu saadaalin karo sida uu jidhkeedu uga jawaabbo kalomifiinta, markasta oo insuliintu yaraato, waxa badanaysa jawaabteedii.

Mar haddii aynnu ku sheegnay dhalmada haweeenku in ay ku salaysan tahay dheecaano isku dubbo dhacay, isku duba riduhu waa insuliinta, haddii uu khalkhal ku yiamaaddana waxa ay kor u qaadaysaa ama hoos u dhigaysaa dheecaannada taranta sida kuwa fuddaydiya helitaanka dhiigga billeha ah ee haweenka, oo ay ku jiraan ostajiinka iyo “LH”. Haddaba, marka ay gabadhu joogteyso heerka insuliinta jidhkeeda ama hoos u dhigto, waxa ay sidoo kale hoos u dhigtay xanuunada keena dhalmo la’aanta, sidaas awgeed insuliinta in hoos loo dhigaa door muhiim ah ayay ka qadataa caafimaad qabka dhasha haweenka.

Insuliinta iyo Hab-taranka Ragga

Si ka duwan hanaankii adkaa ee taranta haweenka, hab-taranka raggu wuu ka toosan yahay ka haweenka. Sidoo kale, dhibka aas-aasiga ah ee ku yimaadda dhasha raggu waa shahwada oo yaraata ama bilaa tayo noqota. Dhibaatooyinka kale ee mar la arragga ahna waxaa ka mid ah in xubnaha ka masuulka ah dhalmada, qaarkood ay itaal dareeyaan ama waxaaba jiri kara talax gab hiddo ahaanneed oo uu ninku hiddo u leeyahay. Mawduuceenan waxa aynnu si dheer ugu jalleeci doonnaa labada dhibbaato eee ugu waaweyn dhibaatooyinka hab-taranka ragga ee ka soo ifbixi kara insuliin caabbiska, kuwaas oo kala ah soo saarista shawada iyo kacsi la’aan, maxaa yeelay insuliin caabbisku waxa uu la xidhiidhaa labadan xanuunba, laakiin horta aynnu ku horreyno sida ay ula shaqyso dheecaanka tetestaroonka.

Waxa laga yaabaa in dhaqan ahaan aynnu ka siman nahay wax ka sheegga deecaankan testestaroonka , maxaa yeelay waxa iska caan noqotay waayahan dambe in la arko dad badan oo ka cabanaya in uu ka yar yahay dheecaankani isla markaana  uu u horseeday xanuuno kale oo ay ku jiraan in miisaankoodu batay, waxaanay u malaynayaan mar haddii dheecaankani uu ka yar yahay in uu sababi karo misaan badan , laakiin dhaacaankani  wuxuu keena arrimo kale oo ay ku jiraan in ragganimada ninku  diciifto oo ninku uu noqdo mid hamaddiisu yartahay. Sidaas darteed, ka hor inta aynnaan soo afmeerin mawduuca waxa aynnu caddaynaynaa in marka uu ninku noqdo mid uu ka yaryahay dheecaanka testesteroonku, uu buuranayo oo ay ma dhalaysnimona u weheliso , waxaana saamayn ku lahaan kara qodobo badan, waana muhiim in aynnu sahamino.

Ragga aadka u buurbuurani waxa ay leeyihiin testesteroon aad u yar, markasta oo testesteroonku kordhona waxa hoos u dhaca miisaanka jidhka. Si kastaba ha ahaatee, insuliin samayn ayay ku leedahay isbeddelkan, balse waa suurto gal in ay adkaato kala saarista saamaynteeda tooska ah iyo teeda dadbani. Cilmi-baadhiso dhowr ah ayaa xaqiijiyey in insuliin oo ka madax banaan baruurta jidhku ama miisaanka jidhku ay si toos ah u xanibto soo saarista dheecanka testesteroonka; markasta oo insuliin badatona waxaa hoos u dhaca testesteroonka.

Soo Saarista Shahwada

Sida aynnu horeba u sheegnay hab-tarnka raggu aad uma kar-kana, hase ahaatee in shawada  la soo saaraa  , waxa ay u baahan tahay in la soo dhiiqo dheecaano badan oo kale , sida testesteroonka , qaar maskaxda laga soo saaro iyo ostarajiinka xiniinyaha laga soo saaro , laakiin  haddii ay caqabaddi soo waajahdo soo saarista dheecanadan waxa lagu fashilmayaa in lasoo saaro shahwo caafimaad qabta. Sidoo kale , marka uu tsetesteroonku ka yar yahay heerkii caadiga ahaa , lama soo saarayo wax shawo ah.

Hamo-La’aan

Ragga leh isnuliin caabbisku waxa ay leeyihiin khataro la xidhiidha kacsi la’aan, kascsi la’aanta ku timaaddaana way sii xumanaaysaa marka insuliin caabbiskoodu sii kordhaba. Sida dhabta ah, xidhiidh aad u weyn oo kacsi la’aanta iyo insuliin caabbiska ka dhexeeya ayaa jira, kacsi la’aantuna waa astaamaha ugu horreeya ee lagu garan karo insuliin caabbiska , waxaana ay saynisyahanadu dhowaan ku caddeeyeen cilmi-baadhis ay baahiyeen oo diiradda lagu saarayay qodobada saamaynta ku leh kacsi la’aanta dadka yar yar ee aan bukaan socodka ahayn.

Si kale haddii aan u dhiggo, haddii uu nin da’  yari kacsi beelo sababta uu u xanuunsanayaa waxa ay noqon kartaa insuliin caabbis, haddaba si aynnu garowshiiyo uga bixino xidhiidhkan ka dhexeeya insuliinta iyo kacsi la’aanta waa in aynnu dib ugu laabanaa saamaynta ay insliin ku leedahay dhuumaha dhiigga.

Sida la isku raacsan yahay kacsi la’aantu waxa ay salka ku haysaa  dhibaato ka jirta dhuumaha dhiigga qaada ama xididdada , dhuumaha dhiigga waxa loo balaadhiyaa si dhakhso leh , si ay u u taageeraan in uu kacisigu sii jiro. Sidaas awgeed , hanaankani wuxuu u baahn yahay nitirig ogsaydh sidii aynnu ku soo sheegnay cutubkii labaad, waxaana aynnu aad ugu fallanqaynay indhosiliyalka oo oo soo saara nitirik ogsaydhku in ay soo saaritaankeeda joojiyaan marka ay noqdaan insuliin caabbis xooggan, isla markaan waaxa xanibma hanaankii dhuumo balaadhiska iyo fariimihiisiiba.

Si kastaba ha ahaatee, haddii aynn nidhi dhalmad haweenku waa arrimo isku dubbo dhacay, ta ragguna way ku dhowdahay , waana muhiim , balse caqabada jirtaa waxa weeye in taranta lagu ay u baahn tahay muruq iyo dheecaanba , labadana Habana waxaa masuul ka ah insuliin , sidaas darted haddii insuliintu khalkhasho , waxa ay keeni kartaa kacsi la’aan.

Insuliinta iyo Baaluqa

Muddada u dhexaysa carruurnimada iyo dhalinyarnimaddu waa xilliga uu qofku maro isbeddelka xooggan eek u yimaada gebi ahaan xubnihiisa iyo dheecaannada, wuxuuna isbeddelakani ka soo bilaabmaa marka ay maskaxdu soo deyso dheecaanka loo yaqaano gonadhotaroobiin. Dheecaankani , wuuu fariin u diraa ugxansideyaasha iyo xiniinyaha si ay u qaangaadhaan isla markaana u soo dhiiqaan dheecaanada ostarojiin iyo andarojiin kuwaas oo horseedeya ama sahlaya in ay samaysmaan astaamaha baaluqu , sida gadhka iyo codka oo beddelma wiilasha , halka habluhuna buurbuurtaan  oo miskuhuna korraan, intaas waxa sii dheer in labadooduba ay jidh ahaan si fiian u korraan xilligan.

Korriinka xilligan dhacayaa wuxuu u baahan yahay tamar badan, maxaa yeekay dheeecabadaas aynnu sheegnay ayaa amraya in jidku uu tamar badan isticmaalo,  sidaas awgeed baaluquna xidhiidh ayuu la leeyahay , ma aha keliya isbeddelada dulleed ee jidhka ku soda ka xidhiidhka insuliin la lihi , balse waxa  kale oo isbeddela habka shidaal qaadashada jidhka.

Si aynnu u fahano sida ay shidaal qaadashada jidku ula xidhiidho  baaluqa waa in aynnu marka hore fahanaa doorka dheecaanno kale ay ku leeyihiin, sida Libtiin . Libtiinku waa dheecaan la shaqeeya shidaal qaadashada jidhka waxaana laga soo daaya nuddaha baruurta; mar kastaa oo aad baruur badan leedahayna waxa dhiiggaaga dhex wareegaysa libtiin faro badan. Waxa suurto-gal ah in aad dheecaabkan libtiin u maqashay in uu yahay ka fariinta dheregga maskaxda u dira, isaga oo leh “ waan dheregsanahay “ jidhkana wuxuu ogeysiiya in la soo liqay cunto ku filan. Sidoo kale, libtiinku wuxuu masuul ka yahay shaqooyin intaas ka sii badan oo ay ku jiraan in uu jidhka ogeysiiyo in uu wakhti xaadirkaas qaan-gaadhi karo. Intaas wax sii dheer, waxa uu libtiinku cariyaa gonadhotorobiinka sidaas awgeedna waxa bilaabma baaluqa. Saaamayntani waa mid aad u xoogan, mar jiir lagu mudey lebtiin oo dawo ahaan ah, waxa la arkay in ay si dhakhso leh u bilowdaty astaamaha baaluqa.

Haddii aynnu si gaaban u jaleecano dheecaano badan ayaa masuul ka ah astaamaha baaluqa, laakiin waxa ugu saamayn badan lebtiin iyo insuliin oo labaduuba xidhiidh aa u xooggan la leh hanaakan, insuliin axa ay kor u qaadaa in la soo dhiiqo lebtiin, libtiinkuna wuxuu amraa in maskaxdu ay soo deyso gonadhotorobiin. Si kastaba ha ahaatee, insuliin saamayn xooggan ayay ku leedahay baaluqa maxaa yeelay shidaal qaadashada jidhka iyo baaluqa xidhiidh ayaa ka dhexeeya.

Nafaqada Badan iyo Baaluqa Deg-Degga Ah

Qodobao badan ayaa saamyn ku leh marka baaluqu dhacayo, qodobadaasna wax aka mid ah hiddaha qoys ahaaneed, (kuwa la filayo), halka ay jiraan qodobo kale oo an la fileynin tusaale ahaan, waxa ay kugu noqonaysaa wax aad la yaabto in hablaha haysta taageero waalid oo joogto ahi aanay hore u baaluqin, halka hablaha aan haysanin taageero waalid oo joogto ahi ay hore u baaluqaan . Midka ugu xooogga weyn qodabbada saamaynta ku lehina waa miisanka jidhka iyo nafaqada.

Sannadihii u dambeeyay, adduunka oo dhami wuxuu u soo jeedsaday in ay diiradda saaraan dhanka nafaqada, balse waxaa jirtey xilli ay daku aad uga fikarayeen wixii ay cuni laahyeen ama aan laba hayninba wax la cunno haba yaraatee. Intaas waxa sii dheer, in cuntooyinka badan ee aynnu cunaynaa ay inagu keenayaan in jidhkeena sonkor badani soo gasho , sidaas darteedna khalkhal ku yimaaddo heerka insuliinta jidhka.

Sidii aan horre kuugu soo sheegay , insuliin waxa ay ka qayb qaadataa koritaanka jidhka , maxaa yeelay waxa ay ka shaqaysiisaa unugyada koriinka iyo koritaankoodaba , waxayna sidoo kale ka hor tegi kartaa in la burburiyo baruurta ku kaydsan unuqyada. Markasta oo oo unuqyadu ay sii balaadhaana waxa ay soo saarayaan lebtiin badan iyaga oo ku sii daynaya dhiigga. Sidoo kale , xidhiidhka ka dhexeeya lebtiinka iyo isnuliintu wuxuu naqonayaa mid aad u sahlaya baaluqa , gaar ahaan baaluqa soo degdega . Haddaba , natiijada ugu weyn ee kaaga muuqan karta masiibadan adduunka oo dhan ku habsatay ee loo yaqaano cunto-badnaantu (in uu qofku cunto badan cuno ) waa in ay isbeddel ku samayso insuliinta iyo lebtiinka , kuwaas oo sababi kara baaluqa soo dhakhsada.

Wakhto xaadirkan , waxa la isla qaatay in habluhu ay caadi ahaan ku baaluqi karaan inta u dhexyasa 8jir illaa 12jir , halka wilaashuna ay ku baaluqayaan 9jir ilaa 14 jir. Si kasstaba ha ahaatee , habdhaqanada hadda jira ayaa ah kuwo aad uga gedisan kuwii jiilalkii horre, iyo inta taariikhdooda la ogyahayba. Haddii aynnu dib u jaleecno bilowgii iyo dhexdhexaadkii qarnigii 19aad habluhu waxa ay ku qaan gaadhi jireen celcelis ahaan 16jir . Ka dib sannaduhu  hoos ayay u ugu soo dhaceen  14jir illaa bilowgii qarnii labaataan , si lamid ah sidaas hoos ayay usii socotay da’da baaluqu isla badhtamihii iyo dhammaadkii qarnigaas waxayna soo gaadhay 13 jir illaa 12 jir . Balse imika illaa toddobadan sanno ee u dambeeyay da’da baaluqu waxa ay hoos ugu soo dhacday wax ka hooseeyaa 10 jir.

Dhanka kale haddii aynnu ka jaleecno xidhiidh xoogan ayaa ka dhexeeya baruurta xadka baxa ah iyo baaluqa degdega ah , sida uu dhakhtarku sheegay haddii ilmuhu inta u dhaxaysa 8jir illaa 2jir uu jidhkiisu hal kiiloo ka bato culayskii caadiga ahaa ee laga filayaya waxa ay hor seedaysaa in uu baluqu hal bil ku soo degdego , taas macnaheedu waa halkii kiiloo ee u kordhaaba hal bil ayuu baaluqa horre ugu soo dhigi karaa .

Ugu dambayn , waxa aan ku soo gunaanaddayaa in insuliintu ay door muhiim ah ka qaadato caafimaadka xubnaha tranka ee labak iyo dhedigaba , sdioo kale laga soo bilaabo maskaxda , uxansideyaasha iyo xiniinyahaba insuliin waxa ay fudaydisa sidii uu loo hirgelin lahaa taran caafimaad qaba , si lidkeeda aha siddaas , waxa kale oo ay tahay khalkhal geliyaha koowaad ee habtaranka iyo taranta.

 

Turjumistii : Khaalid Curaagte

 

La soco cutubyada dambe…