Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin caafimaadka Q.2aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

6. Cilmibaadhsaha kala duwan ee lagu sameeyey waxtarka biyuhu waxa ay sheegeen in qofka oo maalintii cabba laba ama saddex koob oo ah biyo ka dheeraad ah inta uu jidhku u baahan yahay, in ay yaraadeen dufanka, sonkorta iyo milxid dhiiggiisa ku jiraa, sida oo kalana ay korodho heerka kalooriyada uu jidhkiisu gubayaa. Taas oo macnaheedu yahay in miisaanka dheeraadka ahi uu hoos u dhaco.

Waxa ay biyo cabbista badani caawisaa shaqada dheefshiidka, waxa aanay abuurtaa in qofku uu dhereg dareemo, taas oo iyaduna ka hor istaagaysa in uu cunto badan cuno waana mid kale oo ka mid ah hababka ay biyuhu u dhimi karaan miisaanka dheeraadka ku ah qofka.

7. Biyuhu haddii ay jidhka ku yaraadaan waxa ay ku keenaan ingag, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelataa xididdada dhiigga. daraasado arrintan lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in dhibta wadnaha ka soo gaadha biyo yaraanta jidhku ay la mid tahay dhibta sigaarka ka soo gaadha.

Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keenaan hoos u dhac ku yimaadda xaddiga dhiigga ee jidhka, taasina waxa ay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaadda wareegga dhiigga, iyo in uu kordho ama degdego garaaca wadnuhu.

Tijaabooyin lagu sameeyey raadka ay biyo yaraantu ku keento shaqada wadnaha ayaa muujiyey in haddii biyaha oo qofka ku yar awgeed uu wadnuhu kordhiyo garaaca ama dedejiyo, ay 15 illaa 20 daqiiqo kaddib xaaladdu caadi ku soo noqonayso haddii uu biyo ku filan cabbo.