Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo socod 15 daqiiqo oo kaliya ah (WQ: Kamaal A. Cali)

Faa’iidooyinka laga helo socodku kuma koobna miisaan dhimista oo keiya, balse waxa ay sida oo kale wanaajisaa dabeecadda iyo dad la dhaqanka qofka, waxa ay yaraysaa sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah, waxa aanay xoojisaa hal-abuurka. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa  faa’iidooyinka kale ee laga helo 15-daqiiqo oo uu qofku joogteeyo in uu socdo.

1. Farxad:

2. Awood hal-abuurnimo oo sare

3. Xiiqda dhibaatadeeda oo uu ka yareeyo dadka qaba.

4. Dheefsiga cuntada oo kordha

5. Cimri dherer

6. Hurdo fiican

7. Deggenaanshiyo iyo xasilooni nafsi ah.

8. Wanaajinta caafimaadka maskaxda

9. Kaar jebin: Socodku waxa uu uu si weyn u caawiyaa yaraynta xanuunka iyo kaarka badan, gaar ahaan dhabarka qaybtiisa hoose. Waxa kale oo uu qofka ka caawiyaa in uu la noolaan karo xaaladdaas dhabar xanuunka ah.

10. Xoojinta lafaha

11. Aragga ayuu xoojiyaa: Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majalad ka faalloota cilmina neerfaha, ayaa lagu ogaaday dadka sida joogtada ah ugu jimicsada hawo furani, in uu xoogaysto araggoodu.

12. Miisaan dhimis

13. Dawo lacag la’aan ah

Jimcsiga guud ahaan iyo gaar ahaan socodka waxa ay khubaradu ku tilmaamaan in uu yahay dawo mucjiso ah.

Sababta ay magacaas ugu doorbideenna waa awoodda uu socodku u leeyahay in uu qofka ka ilaaliyo khatarta xanuunnada lala noolaado ee ay ka mid yihiin, wadne xanuunka, dhiigfuranka maskaxda ama dhiigga oo ka xidhma, macaanka noociisa labaad iyo noocyo ka mid ah kansarka.

Macnuhu ma’aha in uu socodku dawo ka yahay xaaladahan aynu soo xusnay balse waa in qofka uu u noqon karo ka hortag.