Faallada Buugga “ Layliga Suxufiga” (Wq: Cabdirasaaq Sandheere)

Hordhac

Buuggan la yidhaahdo “ Layliga Suxufiga” waxa qoray Axmed Maxamed Cali oo ku magacdheer Kismaayo, oo ah wariye wayn oo muddo badan saxaafadda ku soo jiray. Wuxuu daabacaaddii koowaad daabacay sannadkii 2017kii. Wuxuu ka koobanyahay 274 Bog. Cutub ahaanna waa Siddeed Cutub.

Buuggan, qoraagu waxa uu kaga warramayaa aqoonta Saxaafadda iyo waxyaabaha la xidhiidha. Xigashooyin badan ma samaynayo marka laga reebo waxyar oo gudaha buugga dhexdiisa uu ku sheegayo. Waxa kale isaga ayaa qoray oo xigasho malaha. Guud ahaanna buuggu malaha wax tixraac ah.

Waxa aan isku dayi doonaan si kooban in aan uga warramyo nuxurka buugga iyo waxyaabaha uu koobsanayo, ee uu daaranyahay.

Nuxurka Buugga

Masuuliyadda Wariyaha

Cutubka koowaad qoraagu waxa uu kaga warramayaa masuuliyadda suxufiga ama Wariyaha. Wariyaha waxa saaran masuuliyad wayn sida qofkasta oo nool ay masuuliyad u saarantahay ee xil u hayo.

Wariyuhu wuxuu ka shaqeeyaa waa hadal bulshada dhexdeeda lagu baahinayo iyada oo la adeegsanayo qaababka warnbaahinta ee kala duwan sida qoraalka, codka, ama muuqaalka. Markaas wariyuhu wuxuu xanbaarsanyahay masuuliyad aad u ballaadhan iyo ammaano ay lagama maarmaan tahay in loo guto si ay xilkasnimo ku jirto.

Kaalinta Suxufiga

Kaalinta uu bulshada wariyuhu ugu jiro bulshada waxa ugu muhiimsan dhawrkan qodob:

  • Wargelin: Waxa looga jeedaa in qofka lagu wargeliyo wax cusub oo dhacay taas oo uu san hore ula socon, waxayna noqon kartaa colaad meel ka dhacday, masiibo kale, farsamo dunida ku soo korodhay, aragti ama feker la soo bandhigayo, xaalado ka taagan meelo dunida ka mid ah sida ilbaxnimo, dhaqan ama Diin.
  • Waxbarid: Waxa looga jeedaa dhismaha aqoonta iyo koruqaadista heerka aragti, feker, iyo aqoonta guud ee qofka. Inta badan warbaahintu waxa ay samaysaa barnaamij waxbarasho oo ka warranta hawlaha waxbarashada ee dalka ka socda.
  • Maddadaalo: Waxa looga jeedaa samaynta barnaamijyo ay dadku ku nastaan marka aanay ku jirin waqti shaqo, kuwaas oo noqon kara sheekooyin maad leh, suugaan iyo dhaqan, xikmado la ururiyay, taariikho iyo dhacdooyin kooban, waxyaabo layaab leh oo dunida ka dhacay.

Astaamaha Suxufiga Xirfadlaha ah

Astaamaha ugu muhiimsan ee suxufiga xirfadlaha ah waxa ka mid ah:

  • Dareen xog’ogaalnimo oo dabiici ah.
  • Maskax korodhsan iyo masuuliyad.
  • Aqoon guud oo ku filan.
  • Hal’abuur Joogto ah.
  • Dulqaad iyo ku adkaysasho.
  • Caddaalad, daacadnimo, iyo sharaf.
  • Maskax madaxbannaan oo wax iswayddii.
  • Degganaan iyo dad la tashi.

Hannaanka ay warbaahintu u shaqayso

  • Warbaahin madaxbannaan.
  • Warbaahin dawladeed.
  • Warbaahin ganacsi.
  • Warbaahin mabaadi’I ( Mid diineed, mid siyaasadeed, dhaqan ama aragti).

Anshaxa Saxaafadda

Cutubka labaad waxa uu qoraagu kaga warramayaa Anshaxa Saxaafadda. Wuxuu xusayaa in saxaafadda marka la soo koobo lagu qeexaa u hoggaansanka sharciga, dhowrista iyo ilaalinta xuduudda u dhexaysa xorriyadda saxaafadda, sharciga iyo xuquuqda dadka kale. U jeeddo ahaan anshaxa saxaafadda waa dabar ama seeto looga gol leeyahay in aanay warbaahintu ugu tallaabsan ku tacaddi sharci iyo xuquuqda dadka.

Inkasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo ku saabsan dhinaca anshaxa oo warbaahinta caalamku ka midaysan tahay haddana ma jiro xeer anshaxa oo ka mid ah ayna warbaahinta caalamku isku wada raacsantahay. Sidaas awgeed warbaahinta kasta oo dunida ka jirta waxa dadkeedu aaminsanyihiin sida Diinta dhaqanka, fekerka, taariikhda IWM.

Anshaxa suxufiga laga doonayo waxa uu ku taaganyahay saddex qodob:
1- Ilaalinta madaxbannaanida.
2- Dhawrista sharciga.
3-Dhawrista xuquuqda dadka.

Sidoo kale, wuxuu qoraagu xusayaa in wariyuhu iska ilaaliyo inuu qaato hadiyad, laaluush IWM. Waayo, taasi waxa ay keenaysaa in dano gaar ah looga faa’idaysto oo dano la dhex marsado. Anshaxa warbaahinta kama mid aha laaluushka IWM ahi.

Mabaadi’da Warbaahinta

Cutubta saddexaad qoraagu waxa uu xusayaa ‘ Mabaadi’da Warbaahinta.’ Mabaadi’da ay ku shaqayso Warbaahintu intooda badan waxa xadeeya hay’adaha ay hoostagaan. Balse, waxa jira qodobbo la odhan karo Warbaahinta caalamku intooda badan way ku shaqeeyaan oo heshiis ayay ku yihiin.

Waxaa jira dhawr qodob oo u muhiim u ah hay’adkasta oo warbaahinta ku lug leh. Qodobbadan ayaa ugu waawayn:
1- Sugnaanta Warka.
2- In aan il kaliya lagu tiirsanaan.
3- Xog’ogaalnimo ku habboon.
4- Caddaalad ama dhexdhexaad.

Maxay Warbaahintu tebisaa?

Cutubka ku xiga waxa uu kaga warramayaa noocyada sheeko ee warbaahintu tebiso. Warbaahintu waxa ay leedahay sheekooyin gaar ah oo ay tebiso. Marka wariyuhu ururiyo ee isku keeno xogta kaladuwan ee uu hayo wuxuu bilaabayaa dhismaha sheekada sida warka ama warbixinta isaga oo adeegsanaya xogta uu hayo.

Waxyaabaha ay tebiso warbaahintu guud ahaan waxaa ugu muhiimsan sida tan:
1- War.
2- Waraysi.
3- Dood.
4- Warbixin.
5- Faallo.
6- Ra’yiga dadwaynaha.
7- Xayaysiis.

Adeegsiga Af  Soomaaliga

Cutubka xiga, wuxuu qoraagu kaga warramayaa Adeegsiga Af Soomaaliga. Waa muhiim in warbaahintu barato adeegsiga Af Soomaaliga wanaagsan. Ma aha Warbaahintu inay sida suuqa u hadasho, waa inay si xirfadaydsan u hadashaa, waana inay af gaar ah ku hadashaa.

Af Soomaaliga waxa ku hadla dad badan oo Soomaali ah oo maanta dunida daafaheeda ku kala nool.

Waxa iyadna muhiim ah, warbaahinta la daabaco in qoraalkeeda si fiican looga warhayo. Sidoo kale, in la fiiriyo sawirka loo adeegsanayo, magaca loo bixinayo sheekada IWM.

Tifaftirka

Cutubka xiga wuxuu qoraagu kaga warramayaa tifaftirka. Tifaftirka waxa lagu qeexaa sida uu ku qeexayo Qaamuuska Af Soomaaliga ee Yaasiin Cismaan Keenadiid qoray in uu yahay ” War ama hadal aad loo caddeeyo, loo qeexo, loo lafaguro, meel walba laga eego, aan waxba laga tagin.

Sida qoraagu xusayo erayga Tifaftir wuxuu salka ku hayaa laba eray oo isa saaran ( Tifaf+tir) oo ka soo jeeda dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan reer Miyiga. Wuxuu salka ku hayaa marka qofka reer Miyiga ahi usha ka goosto geed ayaa caadi ahaan laanta uu goosto ee uu rabo inuu usha ka dhigto waxay leedahay tifaf yaryar oo ku taxan.

Tifaftirku noocyo ayuu leeyahay, noocyadiisa waxa ka mid ah:
1- Tifaftir Farsamo: Tifaftirkan la xidhiidha farsamada sida qoraagu xusayo waxa looga jeedaa in laga eego warka, barnaamijka, faallada, warbixinta iyo waxkasta oo la baahinayaa inay farsamo ahaan u dhigan yihiin hannaan xidfadaysan oo u qalma.
2- Tifaftir siyaasadeed: Tifaftirka siyaasadeed waxaa weeyi iswaafajinta waxa Warbaahinta ka baxaya iyo xeerarka kala duwan ee jira.

Warbaahin kastaa waxa ay leedahay tifaftire gaar ah oo kala shaandheeya wixii warbaahinta ka baxaya qoraal iyo muuqaalba. Tifaftiraha ayaa go’aan ka gaadhi kara waxa laga sii daynayo Warbaahinta iyo waxa aan laga sii daynayn.

Badqabka Wariyaha

Cutubka xiga, qoraagu waxa uu kaga warramayaa badqabka wariyaha ama suxufiga. Wariyuhu wuxuu leeyahay cadaw badan oo ay suurtagaltahya inuu qaarkood ogyahay, balse waxa ka badan inta uuna ogayn. Eraykasta oo uu wariyuhu qoro ama sheego dad baa dhibsada, dadkaasi waxa ay isku dayaan inay dhibaateeyaan wariyaha. Markaa wariyuhu waa in uu feejignaadaa.

Weriyaha waa loo hanjabaa. Waxaa muhiim ah in uu maareeyaa hanjbaadda. Hanjabaadkasta oo uu Wariyuhu maqlaa waa in uuna kaftan iyo ciyaar u qaadan, waa inuu dhabdhab u qaataa. Waana inuu hay’adaha ammaanka u gudbiyaa. Sidoo kale, waa inuu wargaliyaa ehelka iyo asxaabta.

Sidoo kale, qoraagu waxa uu ka warramayaa sida wariyuhu uga warramayo goobaha colaadaha. Marka qofka wariyaha ahi uu doonayo inuu ka warramo goobaha colaadaha iyo dagaalladu ay ka jiraan waxaa muhiim ah in marka horaba wariyaha halkaa loo dirayaa uu yahay mid khibrad leh oo u tababbaran inuu ka soo warramo goobahaas oo kale.

Waxa muhiim in qofka goobaha colaadaha ka soo warramayaa qaato qalab. Sida:
1- Dhar: sida Koofiyado, Koodhadh iyo dharka kale ee ayna xabbaddu karin.
2- Qalabkii Warbaahinta: Sida qalabkii wax lagu duubayay dhammaantood.
3- Aqoonsi: Waa inuu sitaa aqoonsigii wariyannimo oo ay ku caddahay magaca, shaqada, warbaahinta IWM.
4- Caafimaad: Waa inuu qaataa adeegyada fudud ee CAAFIMAADka degdegga ah.
5- Xograadin: Inta uuna qofku tagin waa inuu xog sii raadiyaa.
6- Feejignaan: Waa in qofku ka feejignaadaa erayada uu adeegsanayo

Magacdilka

Cutubka ugu danbeeya qoraagu waxa uu a warramayaa in wariyuhu ka dhawrsado qadafka ama magacdilka. Haddii Warbaahinta ama wariyuhu magacdil sameeyo waxa ka dhalanaysa ciqaab, oo cidda uu ku xadgudbay waxa ay xaq u leedahay inay dacwayso.

Markasta oo wax la baahinayo waxa muhiim ah in ayna jirin cid dhibbane ka ahi. Haddii ay jirto cid dhibbane ka ahi waxa dhici karta in dacwadi timaaddo.

Waxkasta oo wariyuhu baahiyo haddii ay magacdil tahay waxa gar loogu leeyahay in la dacweeyo. Haddii dacwadda lagaga guulaystana waa in magdhaw laga qaadaa.

Magacdilku wuxuu ku dhici karaa qof, hay’ad ama shirkad ganacsi ama cid kale. Wuxuuna leeyahay shuruudo loo dhigay in lagu kala sooco in arrintu ay tahay magacdil ama waxkale, sida:
1- Inay arrintu tahay mid qofka u soo jiidaysa nacayb ama cadaawad bulshada dhexdhedeeda ah.
2- Inay tahay mid keeni karta in qofka laga fogaado ama laga cararo.
3- Inay tahay arrin dhaawici karta xirfaddiisa, ganacsigiisa, xafiiskiisa IWM.

Dhalliisha Buugga

  • Ticraaxa: Ticraac badan buuggu malaha. Ilo uu soo xiganayaana ma jiraan. Isha uu qofku wax ka soo xiganayaa waxa ay keentaa inuu buuggu macno bada yeesho.
  • Qaab qoraalka: Qaab qoraalka buuggu ma aha mid aad u saxartiran, qaladaad badan oo qaab qoraal ah ayaa ka buuxa. Sidoo kale, dhinaca hingaadda ma saxna.

Gebagebo

Buuggu mawduuc muhiim ah ayuu qaadaa dhigayaa. Warbaahintu waa meelaha ugu muhiimsan ee bulshada laga hago. Waxa muhiim ah in anshaxa iyo aadaabta la dhawro.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Sibtanbar 05, 2021.

Boorama, Awdal.

cabdirisaaqsandheere12@gmail.com