faallayn iyo sharraxaad: “Sacbul” Cali Axmed Raabbi “Cali Seenyo” (Dr. Jaamac Muuse Jaamac)

Lix ka mid ah maansooyinka uu Cali Axmed Raabbi “Cali Seenyo” tiriyey waxa ay ka hadlayaan diririhii ka dhexoogmay dadka walaalaha ah ee wada dega dhulalka Somaliland. Maanso kasta markan uu abwaanku tirinayo, waa markii ay ugu xanuunka badnayd colaaddaasi uu ka hadlayaa. “Sacbul” (1992) waxa uu tiriyey kolkii magaalada Burco dagaal qabyaaladaysan oo foolxumi ka dhex qarxey reeraha wada dega. “Madhax” (1993) waxa uu tiriyey kolkii magaalada Berbera la isugu diley qabyaalad siyaasad salka ku haysa. “Tabaalada dhacday” (1996) waxa uu tiriyey kolkii magaalada Hargeysa dagaal siyaasadeed oo la qabyaaladeeyey lagu kala irdheeyey dadkii wada dhashay. “Dhumey” (2018) waxa uu tiriyey kolkii degaanka Dhumey ee gobolka Sool laba jilib oo magacwadaagaa isku ahi ku dagaallameen; iyo ugu danabayn “Ceel afwayn” (2019) waxa uu tiriyey kolkii bariga Somaliland markale dagaal laba jilib oo hoose isku gumaadeen gobolka sanaag gaar ahaan degmada Ceel Afwayn.

Halkan kala deg: PDF ama halkan [acadmia]