Faallo:  Qiimaynta Qofka uu yahay, wuxu qabankaro, caqabadaha horyaala iyo waxay Bulshadu ka aamisan tahay badhasaabka cusub (WQ: Xabiib Cigge)

 

“Waxa loo igmada inuu hogaamiyo, hanaaniyo, hogatusaaleeyo, ka haqabtiro halka ay tebayaan iyo waxay hibanayaan ee lamahuraanka si uu uhanto quluubta Bulshada uu masuulka ka yahay”.

Waa Kuma?

Waa Nin dhalinyaro ah loo igmaday  inuu maamulo deegaan balaadhan iyo dadka kunool oo uu laftigiisu kamid yahay, isla markaana ay ka muuqdaan caqabado iyo dibudhac  baahsan oo dawladu ay doorbiday inuu isagu daweyn karo, daboolina karo daryeelkooda , waana badhasaabka  cusub ee loo soo magacaabay gobolkii  ku caanbaxay Hanad-dhalaha ee Togdheer Xamse maxamed Cabdi.

Xamse waa nin ku dhashay, ku barbaaray,  ku dhaqday,  kuna guursaday Togdheer, walina waa mid kamida ganacsatada Togdheer  ee ay meheradihiisu ka furan yihiin magaalada Burco.

 Muxuu doonayaa inuu qabto?

Inkasta  uu yahay masuul ku cusub shaqada loo igmaday oo waqti kooban oo ku siman laba bilood uu xilka Gobolka hayay, hadana  bulshadu way ku kala aragti duwan tahay waxyaabaha uu qaban karo ama qabandoono gud: xamse,  laakiin  sida ka muuqata markasta  oo saxaafada  uu la hadlayo waxa uu sheegaa inuu doonayo  inuu waxbadan qabto  si daacadana ugu adeego bulshadiisa.

waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay uu gudoomiye Xamse iyo qaarkamida isuduwayaasha  wasaaradaha uqaabilsan togdheer ay safar  kusoo mareen dhamaan degmooyinka  hoosyimaada Gobolka Togdheer, safarkaas oo ujeedadiis ugu waynayd ahayd sidii uu badhasaabku  u ogaan lahaa xogta rasmiga ah ee ku saabsan xaaladaha ay ku suganyihiin deegaanada uu maamulo iyo baahiyaha kala gedisan ee kajira degmo kasta.

Maxay Yihiin Caqabadaha Hortaagan?

Dad isku deegaana oo hadana kala dana, dad korka kawada jira hadana hoosta ka kala jira iyo dad ay kala qoqobtay cadowna isaga dhigtay qabyaaladu oo hadana  kuwada nool hal magaalo, dhamaan intaasiba waa caqabado horyaala  badhasaabka  Togdheer Xamse maxamed cabdi oo la eegayo  sida uu uga gudbo una jabiyo xayndaabyadaa kala irdheeyay bulshadiisa.

Waxaana intaa sii raaca raadadka ay reebeen abaarihii ka dhacay Gobolka Togdheer oo sababay  in kumanaan iyo kumanaan qoys oo ku caydhoobay abaarihii, fara madhana ka taagan xoolihii ku dabaqi jireen Noloshooda ay ku jiraan xeryo qaxoonti oo ay ka samaysteen  Burco iyo xarun degmo kasta hareeraheeda, waxayna  arintani kamid tahay caqabadaha ugu horeeya ee hortaagan badhasaabka Togdheer.

Ugu danbayntiina caqabadaha horyaala gudoomiye xamse waxa kamida sidii uu umidayn lahaa, hal jiho oo dhinaca horumarkaana ugu wada jeedin lahaa Bulshada Burco ee ay  kala jeedisay siyaasadu, iyadoo aynu ognahay in dhacday doorasho madaxweyne taasi oo sababtay calaamado muujinaya  cuqdad , cadaawad iyo kala fogaansho , ukala sheekayn  kala irdhaysay  bulshada Burco ee cawda kaliya iyo ciida togdheer kuwada nool, waxay arintani kamid tahay caqabadaha horyaal ee la doonayo inuu daweeyo badhasaabka cusub ee Togdheer.

Maxay Bulshadu ka aamin santahay?

In kastoo Hadal haynta iyo doodaha ku saabsan badhasaabka togdher ay kooban tahay hadana way kukala afkaar duwan yihiin bulshada Burco, hadaynu eegno fikiradaas kala iska soo horjeeda waxa kamida in,

Qaar badan oo kamida dadka mucaaradka ku ahi waxay ku sheegaan  badhasaab xamse inaanay ka dhab ahayn shaqo hufnaanta iyo daacadnimada uu sheegtay inuu ku hagayo Togdheer,  sidoo kalena waxa ku eedeeyaan  inay dhegtiisu badan tahay amaba ay jirto shaqsiyaad dabaqoodhi u ah oo uu ka duulo hadba warka ay usoo gudbiyaan.

Waxaana xusid mudan in qaar kamida masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobolka uu kataliyaa oo saxaafada la hadlay ay dureen iyagoo ku eedaynaya inuu albaabada ka xidhay si ay ugu sheegaan waxyaabaha qaldan ee loo baahan yahan in latoosiyo.

Sidaasi si ka duwan qaarkale oo badan oo kamida bulshada Togdheer waxay aaminsan tahay in badhasaab xamse uu yahay gudoomiyaha waqtigani ay ubaahnayd Togdheer,  iyagoo u nisbaynaya in xamse uu yahay masuul udhashay Gobolka  oo midayn kara bulshada kala baadiyowday ee ay haystaan caqabadaha aan kor kusoo sheegnay, isla markaana xog iyo ogaalba uleh xaaladaha ku gedaaman gobolka.

Waxaanay bulshadaasi taageersani  ay kasoo horjeedaan inaan lagu degdegin dhaliishiisa maadaama uu waqti kooban  joogay lagana war-dhawro  oo waqti lasiiyo si uu umuujiyo waxqabadkiisa.

Ugu  Danbayn Maka Midho Karaa horumarka iyo waxqabadkay rabaan bulshada uu metelo?

Badhasaabka Togdheer Waxa loo igmada inuu hogaamiyo, hanaaniyo, hogatusaaleeyo, ka haqabtiro halka ay tebayaan iyo waxay hibanayaan ee lamahuraanka si uu uhanto quluubta Bulshada uu masuulka ka yahay.

Hadii uu uhagar baxo hawsha balaadhan iyo xilka uu huwan yahay waxa hubaala in gudoomiye Xamse uu hoseedi karo horumarka iyo waxqabad ka hirgala Gobolka Togdheer. Balse hadii intaasi la waayo waxa dhici karta  in lagu hungoobo maamulkaas iyo dawladaba lagana hamraday in Togdheer ay horumar gaadho.

Guntii iyo gebagebadii Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi  ayaa siweyn isha loogu hayaa halka uu ku furo geediga hayaanka dheer kujira ee uu hogaanka qabtay Ee Gobolka Togdheer.

Qore:  Suxufi Xabiib Cigge

Email: Xabiibcige@gmail.com

Tell: 063-4644722/ 065-9911005.