Faallo: Shiinaha iyo Soomaaliya way ku Karaamo Seegayaan Dagaalka ay Kula Jiraan Somaliland iyo Taiwan (WQ: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi ‘Cirro’)

 

Dowladda Shiinaha ee uu hoggaamiyo Xisbiga Shuuciga ah iyo dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa si isku mid ah uga qayliyey xafiiska ay Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan) sida rasmiga ah uga furatay Caasimadda Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 17 August 2020, kaasoo qayb ka ah heshiis dhinacyo kala duwan ah, salkana ku haya iskaashi diblomaasiyadeed oo dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, balse maamullada Muqdisho iyo Bejiin (Beijing) oo cambaareeyey tallaabadan, waxay ku sifeeyeen mid aanay aqbali karin oo xad-gudub ku ah qarannimada dalalkooda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Zhao Lijian oo saxaafadda la hadlay maanta (Salaasa, 18 August 2020), ayaa sheegay inay dowlad ahaan si xooggan uga soo horjeedaan xafiisyo rasmi ah ama nooc kasta oo ah xidhiidh rasmi ah oo ay isweydaarsadaan Somaliland iyo Taiwan.

“Dunida waxa ka jira hal Shiine oo qudha (only one China), Taiwan-na waa qayb ka mid ah Shiinaha. Mabda’a ah hal Shiine (One-China principle) waa mid si heer caalami ah loo wada aqoonsan yahay oo maamulaya xidhiidhada caalamiga ah iyo heshiisyada Beesha Caalamka. Shiinuhu waxa uu si adag oo xooggan u diidan yahay aasaaska xafiis rasmi ah ama nooc kasta oo ah xidhiidh ay si rasmi ah isku waydaarsadaan Somaliland iyo Taiwan. Weligii guulaysan maayo isku-dayga werwerka leh ee uu xisbiga DPP (Democratic Progressive Party ee Taiwan) fagaarayaasha caalamka taageerada ugaga raadinayo ficilada gooni-goosadka ah,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinuhu.

Geesta kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Soomaaliya isla maanta (Salaasa, 18 August 2020), ayaa lagu sheegay in Taiwan ay xad-gudub ku samaynayso waxa ay ugu yeedheen; “madaxbannanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbidda sharafka dhuleed ee Soomaaliya.” Waxa kaloo ay maamulka Muqdisho ku doodeen in xafiiska ay Taiwan ka furatay Somaliland uu yahay ficil marrin-habawsan oo lagu doonayo in lagu kala kaxeeyo, laguna kala qaybiyo dadka Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee Ciidanka AMISOM ku ilaaliyo madaxtooyada Muqdisho, ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Taiwan inay joojiso xad-gudubka ay ku hayso qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Muqdisho ku hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin daruuri ah oo waafaqsan Shuruucda Caalamiga ah, si ay u ilaaliso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Haddaba, waxa yaab ah dooddan dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya ee ah inay ilaalinayso madaxbannaanida dhulka iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in aanay Soomaaliya ahayn dal xor ah oo si iskii ah isku maamula, waxaanna gudaha Soomaaliya ka taliya, kuna amar-ku-taagleeyaha ciidamo shishiyeeye oo ay hormuud u yihiin Ciidanka AMISOM ee lagu maamulo qaraar ka baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa kaloo qaybo badan oo Soomaaliya ah ka taliya Ururka Al-shabaab, halka sidoo kale aannu amarka Madaxweyne Farmaajo ama dowladdiisu aannu ka shaqayn wax dhaafsan qaybo yar oo Muqdisho ah ama Madaxtooyada oo qudha, markaa waxa aan jirinba wax la yidhaahdo madaxbannaanida Soomaaliya ama sidoo kale dowlad sharci ah (legitimate government) oo si buuxda uga wada talisa Soomaaliya.

Marka ay sidaa tahay, waxa si cad u muuqanaysa in Soomaaliya aanay wax talo ah ku yeelan karin, diidmo iyo ogolaansho midka uu doono ha noqdeene cidda ay Jamhuuriyadda Somaliland la heshiinayso iyo cidda ay la yeelanayso xidhiidh diblomaasiyadeed, sababtoo ah Somaliland waa qaran madaxbannaan oo si buuxda uga taliya dhulkiisa laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii oo ah markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanida iyo xornimadeeda, iyadoo cilaaqaadka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid heer caalami ah oo aanay cid kale wax ka beddeli karin. Dagaalka ay bilaabeen Soomaaliya iyo Shiinuhuna waxa uu ku dambayn karaan oo qudha sumcad-darro ama karaamo-seeg ay ku fashilmaan, maadaama aannu midkoodna wax raad ah ku yeelan karin heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan ama aanay si kale wax-ka-beddel ugu samayn karin.

Marka laga yimaado, iskaashiga gaarka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, waxaa jira qodobbo iyo fursado siyaasadeed oo saacidaya in la sii kobciyo xidhiidhkan, lagana ilaaliyo wax kasta oo dibin-daabyo u gaysan kara, waxaanna arrimahaas ugu muhiimsan xeer ay Dowladda Maraykanku si buuxda u dhaqan-gelisay oo faa’iido dhaqaale, diblomaasiyadeed, amni iyo iskaashiba u yeelan kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, xeerkaas oo labada dalba  ka dul-qaadi kara culays kasta oo kaga yimaadda dalka Shiinaha oo u muuqda inuu isku deyayo sidii uu meesha uga saari lahaa xidhiidhka heerkiisa diblomaasiyadeed sareeyo ee u bilaabmay dalalka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan).

Xeerkan ay Dowladda Maraykanku dhaqangelisay taariikhdu markii ay ahayd 26 March 2020, waxa la yidhaahdaa; ‘Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative (TAIPEI) Act of 2019’ kaasoo nuxur ahaan macnihiisu yahay; xeer waajibinaya in si heer caalami ah loo ilaaliyo xulafada dalka Taiwan, isla markaana wata qorshayaal lagu kobcinayo Taiwan iyo cidkasta oo xulafo la ahba. Xeerkan oo ay ansixiyeen Baarlamanka Maraykanka (labada aqal ee Kongeraska iyo Senetka), waxa uu qeexay in Maraykanku sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalka Taiwan, isla markaana uu dalalka Adduunka iyo Ururrada Caalamiga ah ku dhiirigeliyo inay weyneeyaan xidhiidhkooda rasmi ah iyo ka aan rasmiga ahaynba ee ay la yeelanayaan waddanka Taiwan, waxaanna muuqanaysa in xeerkani si buuxda u ilaalinayo heshiiska sababay in Taiwan ay xafiis rasmi ah ka furato Caasimadda Somaliland.

Dowladda Shiinaha oo wefti culus u soo dirtay dalka Somaliland horaantii bishan aynu ku jirno ee August, 2020, waxa ay isku dayday inay dowladda Somaliland ku qanciso sidii meesha looga saari lahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay kala saxeexdeen dalka Taiwan, balse arrintaas waxa diiday Somaliland oo ku adkaysatay inay xor u tahay cidda ay la yeelanayso cilaaqaad iyo iskaashi caalami ah, diyaarna ay u tahay haddii ay Somaliland iyo Shiinuhu yeelanayaan xidhiidh dhaw oo iskaashi, kana madaxbannaan iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, taasina waxay sababtay in Shiinuhu ogolaadaan inay xidhiidh soke oo intii hore ka xooggan si gaar ah ula yeeshaan Somaliland, balse taasi waxba kama beddelin xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaana caddayn buuxda u ah xafiiska Taiwan ka furatay Caasimadda Hargeysa iyo sida ay xafiiskaas ugu dabbaal-degtay dowladda Taiwan oo ilaa Madaxweynahoodu si xooggan u soo hambalyeeyey, halka ay dowladda Somaliland-na sheegtay inay si degdeg ah toddobaadyada soo socda xafiiskooda uga furan doonto dalka Taiwan.

Marka ay xaaladdu halkaas marayso, Soomaaliya iyo Shiinaha uma bannaana wax aan ahayn calaacal iyo hanjabaado afka baarkiisa ah, balse wax kale oo carqalad ah kuma samayn karaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo madaxbannaan oo Ilaahay (SWT) ka sakow aanay jirin cid kale oo waxyeelo u gaysan karta qarannimada iyo xornimada dalalkooda.

https://www.fmprc.gov.cn/mfa_eng/xwfw_665399/s2510_665401/2511_665403/t1807193.shtml

Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.