Faallo. Shirwayanaha Xisbiga Kulmiye Oo u Muuqda Mid Fashilmaya (WQ: Mustafe Axmed M Geeddii)

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa khilaaf wayni ka dhex qarxay xisbiga kulmiye ee talada dalka haya .

Khilaafka ayaa u muuqday in siyaasiyiinta ugu miisanka culus ee xisbiga kulmiye aannay ka qayb galayn shirwayanaha xisbiggaas ee billowga bisha October.

Sidda muuqata xisbiga Kulmiye ayaa baal-marray niddaamkii iyo shuruucidii xisbiga kulmiye, kadib markii qaab afduub u muuqdday uu madaxwayne biixi  dagaal ulla galay siyaasiyiintii ugu tunka waynayd  ee xisbiga kulmiye oo uu ugu horreeyo madaxwayne ku/xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,siyaasiga wayne Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Ibrahim Qabo oo laga diiday in laga qabto lacagta is diwaangalinta,

Khilaafka xisbiga kulmiye ayaa bilaabmay maalintii madaxwayne Biixi u magacaabay Gudida Qabban-Qaabadda, oo uu muuqday buudhi madhan oo loogu addegayo cid gaar balse aan dhex u ahayn musharaxiinta xisbiga.

Gudida qabban-qaabadda ayaa guddoomiye loogu magacaabay Cabdikariin Axmed Xinif Guddoomiyaha Hayadda Barakacayaasha Somaliland, oo hore u sheegay in u dhisayo madaxwayne Biixi isla markaana aannu dhex u ahayn madaxwayne Biixi iyo ragga kula tartamaya jaggada guddoomiyaha xisbiga kulmiye , si madaxwayne Biixi u uga Faa’idaysto tageerrada muddane xinif ayuu u magcaabay gudoomiyaha Qabban-qaabadda si u ugu garaaco kuwa u leeyahy dhex uma ihi.

Cabdikariin xinif waxay deeggaan  kasoo wadda  jeeddaan siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi  oo loo arko ninka hirdan-ka ugu wayn u u dhexeyo isaga iyo Madaxwayne Biixi,  magacaabista xinif waxay u muqatay inuu yahay Jeeddal iyo dhenged uu madaxwaynuhu rabo inuu ku garraaco hanka Maxamuud Xaashi Cabdi, maaddaama oo aannu wax han ah lahayn mudane xinif iyo  rag kale oo baddan oo kasoo jeeda ardaagga maxamuud xaashi.

Qudbada u dhawaan jeeddiyay maxamuud xaashi oo hankiis  uu kusii adkeeyay kuna ballan qaadday inuu galayo dagaal addag ,waxa u tageero wayn kaga hantiyay bariga burco  u arka inuu yahay ninka kaliya ee han leh ee ku hadhay xibigii Kulmiye. taas oo sababtay in muddaharaadyo waa wayni ka dhacaan gobolada sannaag iyo sarraar halka burco ay xukumadu culays baddan saartay loona soo diray xubno kamid wasiirada kasoo jeeda bariga Burco.

Waxa khilaafka kulmiye iyo rabitaanka madaxwayne biixi rabo inu bisha October isku caleemo saaro ganafka ku dhuftay madaxwaynihii hore Axmed siilaanyo taas oo hafisay hanka madaxwayne biixi iyo addeegayaashiisa xisbiga kulmiye ee bariga burco kasoo jeedda, waxayna cadhufta dib uga liqeen rabitaankii ahaa in madaxwayne biixi  maddasha lagu doorranayo lagu quruxiyo Axmed siilanyo si loogu eekaysiyo maddal lagu midaysanyahay laguna awdo dhaawca iyo dildilaac xisbigan ku habsadday,

Wasiiradda ay isa seggeen beeshoodda ee bariga burco oo qaar kamid ahi burco jogaan ayaa  isku dayaya inay baajiyaan shir ay qabban lahayeen  Guddiga Beellaha Bariga burco oo ay rabbaan inay ganafka ku dhuftaan shirka xisbiga kulmiye ee lagu cimammadayo madaxwayne Biixi.

Waxaana u muuqata in ay samir kala qateen raga ku jira xukuumadda iyo Beesha Bariga Burco waxaan meelaha la isugu yimaado burco lagu naannaysaa magacyo sida , Malxiisiinta, han-lawayaasha iyo mushxaradayaasha.

Beesha bariga burco ayaa quudhsi u arkta in madaxwayne biixi oo ay dorteen ,heeshiisyo hoosena dhexmareen inuu ka baxo, wixii u dhexeeyay ee isfaham siyasaddeed ahaa, waxayna gardarro u arkaan in Biixi isku qaato seddex jago, Madaxwayne, Musharax iyo Guddoomiye Xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale niddaamka xisbiga kulmiye oo u muuqda mid annay ka jirin tartan iyo madaxbanaani ayaan lagu tartamayn Afarta jago ee ugu sarreeya Hoggaanka xisbiga halka lagu tartamayo jaggada madaxwayne saylici oo ah kursiga afraad, waxana khilaaf wayni u dhaxeeya madaxwayne saylici oo arka in la quudhsadday, waxaana guuladarro ku dhamaday kulamo u dhexeeyay Saajin iyo Saylici sida ay shegayaan illo xogogaal ahi.

Madaxwayne biixi ayaa isku horkeenaya iskuna  garracaaya labbada ardaagga kasoo wadda jeedda ee saajin oo ah wasiirkiisa iyo ku/Xigeenkiisa saylici , madaxwayne saylici ayaa oggol inuu banneeyo musharaxa madaxwayne oo wakhtigii ka dhamaaday waxaase yaableh ,waxa loogu haysto kursiga Afraad oo u rabo inuu hogganka xisbiga kasii mid ahaado Sayli mar haddii aan lagu tartanayn kuraasida kale,

Marka aynu eegno dhacdooyinkaasi iyo kuwa soo socda ee siyaasiyiin aamusani laga yaabo inay kula saftaan Saylici, Xaashi iyo Qabo iyo kalsooni kala noqosho la filaayo in ay ku dhawaqaan dhaqanka beellaha bariga oo ay isa seggeen xukuumada biixi waxay muujinaysaa waji gabax ku dhacaya shirkaas.

Darreen ayaa jira sheegaya inuu fashilmay shirka October ee xsibiga kulmiye,waxaana ay u muuqataa in xisbigu dhawaan sheego in ugu yarraan maalmo dib loo dhigay shirwayanaha xisbiga, maddam oo ergadda bariga burco laga yaabo in annay intooda baddani kasoo xaadirin shirkaas ,xubnaha xilaalka ka haya xukuumadda ee bariga burco ayaa maddasha October ee uu muqata inay fashilantay usoo baryaaya ergo uga timaada bariga Burco oo ugu yaraan u camira hoolka shirka, Waxaana masuuliyiintaas ay deggaankoodu u arkaan rag han-lawayaal ah oo madaxwayne biixi aan dood iyo dammac toona ula tagi karin ee ah kuwo amran oo aan lahay rabtaan iyo arragti.

Waxaa maalmihii u danbeeyay rajo fiican darreemaya  Xisbiyadda mucaaridka oo aad ula dhacsan weerarkii iyo garnaqsigii siyaasi maxamuud xaashi oo tageero wayn kuleh barriga, waxay kale oo u arkaan fursad muujinaysa gushooda sannadka 2022-ka madaama oo u burburay isfahmkii jeggaanta  ee xisbiga julmiye taas oo la filayo inay saamayn wayn ku yeellato dorashooyinka barlamaanka ,Deggaanka iyo Madaxtoyadda.

Waxaana muuqata ifafaale muujinaya in aan madaxwayne biixi dib usoo laabban karin sannadka 2022 maddaama oo xabaadhii siyasadeed ay furfurantay ee xisbiga kulmiye baddina uu dhinaca codka bariga  Somaliland oo midaysani raaci doono mucaaridka ,sida Togdheer oo Midaysan ,Sannag iyo Sool oo midaysan.

Waxay rajo fiican iyo furasad u tahay xisbiyadda  mucaaradka oo suggaya raqda uu ka kaco xisbiga kulmiye.

 

Waxa Qorey : Mustafe Axmed M Geeddi

Faaalleeye arrimaha siyaasada iyo arrimaha bulshada

Mustafea179@gmail.com