- Hordhac
Dood aan nooceeda hore loo arag, oo xasaasi ah ayaa muuqbaahiyaha Star tv baahiyay abbaaro 10:00 habeennimo ee 25 June 2015, Xiisaha loo qabay dooda ay gondaha isku galiyeen saddexda gudoomiye xisbi, oo si wayn loo sugayay , waxaad diyaargarawgeeda iyo hadalhaynteeda aad ka dareemaysay goobaha ay bulshadu ku kulanto, sidoo kalena ay dadka siyaasadda faaqidaa isku waydiinayeen goobihii ay ku daawan lahaayeen, doodan oo ahayd tii nooceeda ah ee la isku soo horfadhiisiyo saddex gudoomiye xisbi , xili xasaasi ah oo jawiga siyaasaddu kacsan yahay, waxay macno gaar ah u sii yeelaysay dooda, waxa iyaduna sii kordhisay xiisaha dooda xayaysiis maalin ahaa oo saxaafadda kala duwan baahisay , taas oo sare u sii qaaday muhiimadda ay leedahay doodaasi. Dooddani waxay goob iskugu kaaya keentay siyaasiyiin, suxufiyiin iyo aqoonyahano si aanu u daawano, u gorfayno , u faalayno ,ugana falcelino doodda. Haddaba si aan u dhugto nuxurka doodda oo dabcan xiiso gaara ah ii lahayd, waxaan u shubtay koob shaah ah, Doodda oo 1 Saac socotay way ii kala qaybsanayd, daadihiyaha doodda oo si xirfad iyo xeeladdi ka muuqato u daadihinayay iyo ka qayb galayaasha oo si hufan, oo odaynimo ku jirto u doodayay, waxay keentay inaan faalaaddan ka qoro doodda Saddexdda hoggaamiye xisbi qaran, inagoo isdul taagayna masuul kasta doorkii uu ka ciyaaray dooda si dhex dhexaadnimo ah.
Haddaba sida wariye Xamse Cali Bulbul oo dooda daadihinayay ku bilaabay, waxay doodu ku soo beegantay dhammaadka muddo xilleedkii madaxwaynaha, shan sanno kabacdi oo ku beegnayd 26kii june 2015. doodda oo socotay 1:06 (Saacad iyo Lix miridh), Waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe. Saddexda gudoomiye oo hoggaamiya siyaasadaha Xisbiyadooda, ayaa waxa Doodda lagu lafa guray, xaaladda guud ee waddanka, khilaafaadka dhinaca doorashooyinka, 26ka june waxa la yeeli doono, xisbiyadu waxay aaminsan yihiin iyo xaaladdooda, iyo cidda eedda doorashadda dib u dhaceeda iska leh.
- Su’aasha Gogoldhiga u ahayd Dooda Iyo Muuqaalka Kala duwan Ee ay ka bixisay Saddexda Xisbi qaran
Wariyuhu, waa Xamse e’ waxa uu gogol dhig uga dhigay doodda, su’aasha ah, xaaladda xisbiyadda ay maamulaan Saddexda gudoomiye xisbi , iyo siyaasadda ay u hayaan bulshadda, si ay uga iibiyaan xisbiyadooda? iyaddoo masuulkastaa si gaar ah loo waydiiyay. Wariyaha oo masuul kasta ka codsaday inuu jawaabihiisa ku soo koobo saddex miridh (3 minute), ayey mid kastaa isku dayay inuu fagaaraha soo dhigo xisbigiisa, shacabkana u bayaamiyo, afkaarta iyo siyaasadda ay rabaan inay umadda ku hogaamiyaan. Masuulkastaa intii xirfaddiisa, waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisu ahayd ayuu ku cabiray su’aashaas, haddaba aragtida iyo muuqaalka dadwaynaha u soo baxay ayaa ah sidda saddexda xisbi u kala dhisan yihiin, diyaarna ugu yihiin doorashadda iyo waliba sida saddexda hoggaamiye ugu kala bisil yihiin hoggaaminta. aan ku horayno Waddani, maadaamoo su’aasha loogu hor waydiiyay gudoomiye Cirro iyo muuqaalkii ay bixisay jawaabihiisa iyo su’aalihii la iska waydiiyay. iyadoo muuqaal ahaan ay soo baxday:-
- Inaannu xisbiga waddani lahayn barnaamij siyaasaddeed oo uu bulshadda la waddaago, isagoo iftiiminaya, aragtiyaha ay u hayaan bulshadda, si ay quluubtooda u hantaan
- Waxa iyaddanu caddaatay inaanu xisbiga waddani aanu qabsan shirwaynihii xisbiga, gollihiisi dhexena aanu dhisnayn xili muddo xileedkii madaxwaynuhu dhamaaday, waa marka nuxurka dooddiisa u fiirsanno
- Waxa, gorfaynihii ka soo baxday in xisbiga Waddani yahay xisbiga ugu gollaha fulinta baddan, iyaddoo tiradda xoghayayaashu tiro beeshay, halkaas oo laga arki karo Nooca dhismaha dawladdeed ee ay dhisi doonaan.
- Tiraabihii gudooomiye Cirro ee ahaa xisbiyadda ayaanu la xaalad nahay, taas oo aan muujin ka duwanaanshiyo siyaasadeed, fikradeed, aqooneed oo xisbiga Waddani kaga duwan yahay xisbiyada kale, xili bulshaddu u baahan tahay arragti cusub oo siyaasi ah.
- Inaanay xisbiga ka muuqan diyaar garow uu kaga qayb galo doorashadda iyadoo sidoo kale daboolka ka qaaday sidda uu xisbiga Waddani u yahay socod barad siyaasadeed.
Aalaaba xisbiyadda mucaaridka ahi waxa lagu yaqaanay diyaargarow farabadan iyo isku diyaarin hanashadda hoggaanka dalka, iyagoo dhamaystiraya shuradahaasi wakhti hore.
Wariyaha ayaa su’aashii u wareejiyay Gudoomiye Muuse Biixi, si uu u sharaxo xisbiga iyo barnamijkiisa, Waxa ka soo baxay jawaabihii gudooomiyaha muuqaal ah :-
- In xisbiga kulmiye leeyahay , barnaamij siyaasaddeed oo hufan, isagoo guddomiyaha xisbigu si balaadhan u sharaxay, siyaasadda ay rabaan inay bulshadda ku hantaan ,bal aan mid iyo laba ka xusno:-
- In qaranka Somaliland noqdo mid ka qayb gala golayaasha caalamka(ictiraaf)
- In la helo bulsho Somaliland ah oo casriya oo ku dhaqanta sharciga
- Bulsho dhaqaalaheedu xoryahay, shuruucduna u dhamaystiran tahay
- Inay tahay bulsho amaan ah, isagoo qodobkastaa sharaxaadiisa gaarka ah yeelanayo
- In xisbigu kulmiye yahay xisbiga kaliya ee ku dhiiraday inuu qabsado shirwaynihii xisbiga, dhisan yahayna gollihiisii dhexe iyo fullintuba, hoggaankiisana lagu soo doortay shirwayne
- waxay jawaabihii gudoomiyaha kulmiye daaha ka faydeen, cududda iyo awoodda xisbiga kulmiye
Ugu danbayntii, waryihuhu wuxu ku soo afmeeray sua’aashasi Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo gudoomiyuhu sheegay in xisbigani fikir ahaan bilowday 1992kii si qarankani ugu guuro, nidaamka asxaabta baddan, wuxuu ku sifeeyay UCID inay tahay xisbi caalamka xidhiidh iyo qadarin ku leh, kana mid ah ‘Social Internationalize ‘. Waxa kale oo uu sheegay in xisbigani UCID yahay xisbi u samaysan in Somaliland noqoto dal casri ah, oo modern ah, oo social democrat ah . waxay muuqaal ahaan bixisay:
- Taariikhda xisbiga UCID iyo sifooyinka wanaagsan ee gudoomiyuhu sheegay iyo haddana saamayn la’aanta siyaasadeed ee xisbiga
- In xisbiga UCID leeyahay barnaamij siyaasadeed oo ka hor dhashay xisbiga lana sameeyay 1998, kana qayb qaateen samayntiisa aqoonyahano, iyo khubaro loo xulay, oo takhasusyo kala duwan leh.
- Wuxuu iftimiyay Gudoomiyuhu inuu doonayo inaanu xisbigu baab’in, boqol sano, sidii UDUB, markuu ka baxo meesha qofkii sameeyay. Oo uu gudoomiyuhu ka wadday naftiisa
Waa halka ay sartu ka qudhuntay, in xisbiyadu ay noqdaan qaar uu qof sheegto, bal aynu eegno xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada, Xeer lumber 14, qodobkiisa 4aad ee diiwaangalinta iyo habraaca, farqadiisa 3aad, oo sheegaya in ururku uu soo gudbiyo liiska magacyada aasaasayaasha iyo habkii loo doortay, taas oo meesha ka saaraysa in aanu xisbiga/ururka qof sheegan, shuruudna loogaga dhigay codsiga diiwangalinta ururada .
Muuqaalkaas kala duwan ee ay xisbiyadda ka bixisay doodu, waxa markaba marka ka sii danbaysa sii kululaanaysay doodad.