Face book-ga iyo faalaynta shirka Jabuuti (WQ: Maxamed Cumar Cabdi “Cirro”)

Shirka caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa siyaabo kala duwan loogu faalaynayaa baraha bulshada (social media), gaar ahaan Facebook-ga. Haddaba waxa aan u yara fiirsaday qaababka kala duwan ee ay dadka reer Somaliland uga hadlayeen arrintan iyo sidoo kale fal-celinta (comments) laga bixinayo qoraalada iyo sawirrada ay dadka qaar soo dhigaan barahooda facebook-ga, waxaana shaqsi ahaan halkaas iiga soo baxday natiijo aan u kala qaybiyey saddex qaybood oo u dhigan sidan;

1. Dad muujiyey in 100% ay qaddiyadda Somaliland iyo qarannimadoodu dhiigga iyo dhuuxa kaga tallaalan tahay oo iyaguna u kala baxay saddex qaybood.

* Dadka Somaliland-nimadooda muujiyey oo ka soo kala jeeda dhammaanta afarta koone ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isuguna jira mucaarid iyo muxaafidba waxay 65% aamminsan yihiin in kulanka ka dhacaya Jabuuti uu yahay mid mar walba ay faa’iido ugu jirto qaddiyadda Somaliland, maadaama uu shirkaasi yahay mid fagaare caalami ah lagu dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Somaliland, halka ay sidoo kale kalsooni weyn u muujiyeen weftiga culus ee shirkaas uga qaybgelaya Somaliland.

*dadka Somaliland ee afkaarahooda soo bandhigay, isuguna jira mucaarid iyo muxaafidba waxay 30% muujiyeen in aanay xiligani ahayn mid ku habboon in Somaliland la fadhiisato maamulka Farmaajo, iyagoo arrintaas ku sababaynaya inay guul u noqonayso Xukuumadda Farmaajo oo muddo-xileedkeeda bilo yari ka hadhsan yihiin, waxayna sawirka shirka Jabuuti uga faa’iidaysanaynaa inay ku kasbato dadka Soomaaliya oo xiligan aan kalsooni ku qabin dowladooda fadhiidka ah. Waxa kaloo ay ku doodayaan in aanu shirkaasi wax faa’iido ah u lahayn qaddiyadda Somaliland. Dadka fikirkan qabaa mar marna ma buunbuuninayaan awoodda maamulka Farmaajo, balse waxay ka dhigayaan wax meqaam ahaan hooseeya oo aan u qalmin in Somaliland la kulanto.

*qaybta saddexaad oo ah 5% waa qaar afkaartooda ay ka muuqato fikir fulaynimo, taasna waxa sabab u ah waxay soo bandhigayaan awoodda weftiga Dowladda Soomaaliya, taageerada ay Soomaaliya ka haysato dhinacyada shirka ka qaybgelaya, waxaana dadkaas la yaraatay awoodda Somaliland iyo tayada weftiga uga qaybgalay Shirka Jabuuti, waxayna ka dhigan yihiin Maroodi waajahaya bakayle, maroodigu awooddiisa ma arkayo, balse waxa u muuqata awoodda bakaylaha oo qudha.

2. Waxa jira qayb labaad oo guud ahaan dadka afkaaraha soo bandhigay ka noqonaya qiyaas ahaan 5%, waxayba ariimaha ay soo qorayaan muujinaysaa in aanay wax lexejeclo ah ka lahayn qarannimada Somaliland,  dadkaasina waxay u kala baxayaan saddex qaybood oo kala ah;

* waa dad u dhashay dalka Somaliland oo ah 5%, dadkaas 90% oo ka mid ah waxa qoraaladoodu muujiyeen inay qolof ahaan yihiin dad u dhashay Somaliland, balse waxay bannaanka u soo saareen inay niyad ahaan iyo quluub ahaanba ay la jiraan Soomaaliya, wax kasta oo wanaageeda ah ay  buunbuuniyaan, xumaantoodana ay qariyaan, sidoo kale ay soo bandhigaan gol-jilicda Somaliland iyo wax kasta oo fashil u horseedi kara qarannimada Somaliland.

* qaybta labaad ee dadkan ka mid ah oo noqonaya 10% waa dad iska dhigaya inay mucaarid ku yihiin Xukuumadda KULMIYE, balse nacaybka ay Muuse Biixi u qabaan darteed ay uga soo horjeedaan waxkasta oo guul u ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Qaybta saddexaad ee dadka afkaarahooda dhiibtay waxay muujiyeen in aanay wax xog ah ama macluumaad sax ah ka hayn shirka Jabuuti, waxayna dhex heehaabayaan mawjadaha wararka kala duwan ee laga faafinayo shirka lagu dhexdhexinayo Somaliland iyo Soomaaliya.

FIIRO GAAR AH: Qoraalkan kama aan diyaarin daraasad rasmi ah oo aan sameeyey, waana ra’yigayga shaqsiga ah oo aan ku cabbiray natiijada iiga soo baxday indho-indhayn badan oo aan ku sameeyey Facebook 24 saacadood ee u dambeeyey.