Fadeexaddii Iiraan-Koontara..W/Q:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Madaxweyne Roonal Reegan (Ronald Reagan) wuxu xilka dalka Maraykanka qabtay sannadkii 1980-kii. Wuxu la gole yimi caqiido-siyaasadeed oo sheegaysa in uu dunida ka cidhib tirayo fikirka Shuuciyadda.

Dalka Nikaragwa oo ku yaala badhtamaha qaaradda Ameerika wuxu ka mid ahaa dalalka uu Maraykanku ku hayo faragalinta; isaga oo xukunka la doonaya ama ku haynaya hadba madaxda danihiisa iyo siyaasadihiisa meelmarinaysa.
Sannadkii 1934-kii ayaa la dilay hoggaamiyihii dalka Nikaragwa Agosto Sandino (Augusto Sandino). Waxa dalka gacanta ku qabtay Janaraal Samosa Garsiiya (Somoza García) oo Maraykanku taageerayo.
1961-kii ayey abuurantay jabhaddii la magac baxday Xoogagga Xorreynta Waddaniyiinta ee Sandinista (Sandinista National Liberation Front); jabhaddan waxa loogu magacdaray hoggamiyihii aan soo sheegnay ee la dilay. Aragti ahaan jabhadani waxay ahayd mid aaminsan fikirka hanti-wadaagga, waxayna xidhiidh la lahayd dalka Kuubba (Cuba). Waxay jabhadani xukunka dalka Nikaragwa qabsatay sannadkii 1979.

Madaxweyne Reegan markii uu talada dalka Maraykanka qabtay wuxu amray hawlgalo lagu doonayo in xukunka lagaga tuuro xisbiga Sandinista ee haya talada dalka Nikaragwa. Wasaaradda Difaaca iyo Hay´adda Sirdoonka (CIA) ayaa arrintan loo xilsaaray. Waxa la abaabulay jabhad la magac baxday Kontara (Contra).

Dhinaca kale, sannadkii 1979-kii waxa dalka Iiraan (Iran) oo ah dal qani ku ah saliidda qabsaday hoggaamiye Aayatulah Khumeyni (Ayatollah Khomeini) oo xilka ka tuuray hoggamiyihii Maraykanka ku xidhnaa ee Shaah. Dalka Iiraan waxa hubka ugu badan ka iibin jiray dalka Maraykanka. Bishii Noofembar sannadkii 1979-kii ayaa arday cadhaysan oo kacaanka cusub ee dhashay taageersan, una cadhaysan Maraykanka ay galeen xaruntii safaaradda Maraykanka ee Dahraan, waxayna madax-furasho u qabsadeen 52 qof oo Maraykan ah.
Madaxweynihii Maraykanka ee wakhtigaa Jiimi Kartar (Jimmy Carter) ayaa dalka Iiraan ku soo rogay cunaqabatayn dhanka iibka hubka ah, si cadadis loogu saaro in la sii daayo dadka Maraykanka ah ee madax-furashada loo haysto.

Bishii Sibtembar, 1980-kii dalka Ciraaq ayaa weeraray dalka Iiraan. Madaxweyne Reegan oo beddelay Karter wuxu sii waday siyaasaddii hore ee cunaqabataynta hubka ee Iiraan saarnayd. Dhanka kale, wuxu madaxweyne Reegan balanqaaday in uu soo dayndoono dadka Maraykanka ah ee madax-furashada loo haysto.
Dhinaca kale, Iiraan waxay aad ugu baahi qabtay in ay hub u hesho dagaalkan ka dhex qarxay iyada iyo Ciraaq, hubka Maraykanka ayaana ah ka ay u baahnaayeen. Maxaa yeelay, hubka dalka laga isticmaalayey ee xukuumaddii hore ee Shaah laga dhaxlay ayaa ahaa ka Maraykanku sameeyo.

Dhanka Nikaragwa waxa cidhiidhi soo foodsaaray hawgaladii Maraykanku sida qarsoodiga ah uga fulinayey, gaar ahaan taageeradii dhaqaale ee uu jabhadda Kontara siinayey. Taageeradaa dhaqaale ee Nikaragwa waxa mamnuucay Koongareeska oo xisbiga Dimuqraadigu si aqlabiyad ah ula wareegay, kaddib doorashadii kalka-dhexe ee sannadkii 1982.

Dalka Iiraan oo dagaalka Ciraaq uu faro-kulul ku hayo ayaa si qarsoodi ah dalka Maraykanka uga dalbaday in uu hub ka iibiyo. Madaxweyne Reegan oo dadka Mareynku ka aaminsanaayeen in uu ahaa qof daacad ah ayaa ogolaaday qorshe ay u keeneen rag maamulkiisa ka tirsan oo uu hormood u ahaa La-taliyihii Amniga Qaranka, Roobet Makfarleen (Robert McFarlane).
Waxa si qarsoodi ah hubkii loogu raray Iiraan. Hubka laguma qori karo in Iiraan loo rarayo, waxa lagu qoray dalal kale, waxaana si hoose loo galiyey Iiraan. Waxa xiiso leh in qaybo hubka ka mid ah la sii mariyey dalka Isra´iil.
Dhanka kale, lacagta Iiraan hubka ku iibsatay toos looma keeni karayn dalka Maraykanka oo waxa la diidayey in la ogaado arrinta iibka hubka. Si taa loo qariyo, hawlgaladii Nikaragwana dhaqaale loogu helo, waxa lacagtii loo diray jabhaddii Kontara.

Bishii Noofembar ee sannadkii 1986 ayaa wargeys ka soo baxa dalka Lubnaan uu daabcay hawlgaladan qarsoodiga ah ee Maraykanku fuliyey. Waxa arrintii ka dhalatay fadeexad weyn oo caan noqotay, taas oo galaafatay madax badan.

Madaxweyne Reegan oo markii ugu horreysay ee arrinta soo baxday wax laga waydiiyey ayaa dafiray, haddana markii dambe ayuu qirtay. Taasi waxay keentay in sumcaddiisii ay si weyn hoos ugu dhacdo.

Xigasho:Axmed-Kayse CaLi Rooble

Bandhige@gmail.com