Fahamka Siyaasadda iyo Dawladnimada- Soomaaligii 1950s-1969 W/Q:(Mohamed H Aideed )

Qormadan waxaan ku eegayaa fahamkii Siyaasadda iyo kursiga ee Somaalidii 1950s-1969. Waa mawduuc wayn waxaanse rabaa in aan dadka la wadaago dhowr tusaale oo ina tusaya siday qabyaalada iyo siyaasaddu u kala baxsanaayeen waagaas. Akhriste, tusaale yaasha aan tebin doono bal maanta xaaladda jirta garab dhig oo markaa adigu qiimee in aynu dib u socono iyo in aynu hore u socono.

Fahamka maanta aynu wada ognahay, waa dawladnimadii iyo kursigii oo reero ku tartamayaan, waa dawladnimadii reero kala yeelanayaan, waa dawladnimadii oo wayday siyaasi dadka u dhexeeya oo ummaddu hogaamintiisa isku wada aamini karto.

Reer weliba wuxuu baqdin ka qabaa in uu dalku gacanta u galo siyaasi aan kooda ahayn ama aanay xilfi reernimo lalahayn. Xaalkeenu wuxuu gaadhay in galadhka laysku dhego oo la yidhaa xeer iyo dastuur midna ma naqaan iyo in qori laysu qaato, manay dhamaan arintaasi ee waa bilow.

Mar mar ka qaar waxa aan is idhaahdaa; malaa idinkoo sidaa dekeda Berbera aad DP World uga kirayseen oo kale booska Madaxwaynaha na nin caraba ama hindiya u kiraysta ayaa ka khatar yar sansaanka muuqda iyo waxa soo socda!

Xaalada maanta sawirkeeda oo kooban hadaan intaa kaga gudbo, bilowgii dawladnimada Somaalida heer yididiilo iyo rajo dawladeed leh, ayey Soomaalida Siyaasada iyo qabiilku ugu kala baxsanaayeen. Hadaad u fiirsato shantii Soomaaliyeed dadkii u kacay ee xornimo doonka ahaa, kama soo helaysid cid qaab qabiil isu abaabushay, haday dhacdayna waa la diiday oo wax garadkii joogay waagaasi waxay is tuseen in aanuu qabiil arin qaran ka shaqayn karin.

Tusaale Somaliland iyo Somalia waxa ka jiray xisbiyo iyo ururo xornimo doon ah sida SNL, NUF, USP iyo SYL. Ururadani umay dhisnayn habka qabyaaladaysan ee maanta jira. Qaadhaanka waxay ku heli jireen habka xubnahooda iyo taageerayaashooda.

Ninka reer Hargeisa ee NUF ka tirsani markuu Burco yimaado wuxuu ku degijiray oo walaal u ahaa ninka reer NUF ee Burco jooga, xitaa hadii inadeerkii rumi ama walaalkiiba Burco degenyahay uguma tegi jirin bariido wax ka badan.

Awooda iyo hogaanka laguma dooran jirin qabiil iyo qabyaalad keliya. Dadku wuxu lahaa shakhsiyaad lagu aaminikaro hogaanka ummada oo aan iyaguna reer/reero dabada gelin, waxaanan halkan kugula wadaagayaa dhowr hogaamiye oo dad aan qabiilkooda ahayni si kalsooniyi ku jirto kuraas ugu doorteen:

 

La soco qaybta 2aad…………