Falanqayn: saldhigga ciidan-badeed ee ay Itoobiya ka dhisanayso Jabuuti (WQ: Barkhad Cabduqaadir)

Waxaan baaray arrinta saldhigga ciidan-badeed ee ay Itoobiya ka dhisanayso Jabuuti. Markaas baan meelna u dhaafin waayay damacii Raashku ku doonayey in uu saldhig badeed kaga helo dhulka Jabuuti. Laakiin weli waxaan daba socdaa sababta uu Faransiisku maalgelinteeda ugu shaacsan yahay.

Itoobiya weligeed ba badeheena damac taariikhi ah baa kaga jirey, laakiin anigu waxaan qabaa in arrinta saldhigga ay Jabuuti ka dhisanaysaa uu yahay damicii Raashka oo shaati Itoobiyaan loo geliyay.

Jabuuti markii ay saldhigga siisay Shiinaha, ayuu Raashkuna ka codsaday isna in halkaa saldhig laga siiyo. Laakiin Ismaaciil C. Geelle ayaa ka diiday.

Tan iyo waagaas Raashku waxa uu u gacan-haatinayey hal mar in uu helo bogcad ciidan oo uu Jabuuti ku yeesho. Si uu uga ag-dhawaado dalka gibinka ah ee ay quwadihii dunidu isugu tageen, iyaga oo uga dan-leh in ay ilaashadaan nabadgelyada maraakiibta caalamiga ah ee ku qulqula soonaheena, gaar ahaan halbowlaha ugu weyn ee dhaqaalaha dunida -Baab Al-Mandeb.

Sanadkii hore waxaan idin la wadaagay qorshahe ay dowladdu Raashku ku sheegtay in ay ku doonayso 17 saldhig oo ay ka samaysanayso Afrikada saxaraha ka hoosaysa. Itoobiya ayaana kamid ahayd dalalkaas uu Raashku doortay.

Dib oo dambe na uma aynaan arag meel dambe oo lagaga sheekaynayo saldhig millateri oo Raashku, Itoobiya kaga dhisanayo. Laakiin, maalmahaas dabadeed waxaa suuqa soo galay qorshe uu soo bandhigay ku-xigeenka ciidanka efenteriga Itoobiya, isaga oo soo-jeediyay in Itoobiya ay yeelato saldhig ciidan-badeed.

Sidoo kale, Raashku waxa uu ciidan Itoobiyaan ah oo dhan 1,000 askeri u qaaday dalkiisa, si uu ugu tababaro ciidan-badeed ahaan.

Sidaas darteed, anigu waxaan qabaa in qorshahaasi uu yahay mid la inoo ku muujinayo arrin gobol -si quwadaha kale ee gobolkeena joogaa ayan fal-celis adag uga bixin damacaas Raashka- innaga Soomaalida ah na la inoo ka ilaaliyo in aan arrinta u fahamno lucbo caalamiya oo gobolkeena ka aloosan.

Itoobiyana laba gooraale ba halkaa way ka faa’iidi. Mar-walba na waxay xejisan doontaa in ay sii ahaato qabbaanka quwadleyda iyo hantiileyda caalamka ee gobolkeena.

Qofka Soomaaliga ah isaga waxaa ku go’an foobiyo Itoobiyaan nacayb ah, marka isagu marnaba arrimaha uma arki karo qaab caalami ah.

Ma lihi yaan laga feejignaan damaca joogtada ah ee Itoobiya, laakiin mar-marka qaar aan yeelano bikaacooyin umuuraha u dhowra qaab lookalnimada ka ballaaran. Si dagaalka aan ku jirnaa uu u noqdo mid caalami ah. Isla-markaana aan u noqonno qaran soo-jeeda oo wax fahmi kara, oo aanan cid dambe loo soo marin.

W/Q: Barkhad Cabduqaadir