Falanqaynta qaraarka mqxkamadda sare ee ku saabsan dacwadda idaariga ah ee Golaha Deegaanka Gabiley (WQ: Mahad Maxamed Xuseen)

Waxaan aragti sharci ah iyo faalo ka bixin doonaa qaraarka ay maxkamada sare ku diidey aqbalaada arjiga racfaanlayaasha ee ay soo qaateen qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka gebiley, racfaankan ayay ka soo qaateen wasaarada arimaha gudaha.

Marka hore waxaan sharaxaad kooban ka bixin doonaa nuxurka dacwada, ka dibna waxaan tilmaami doona waxa ay tahay dacwad idaari ah ‘’administarive suit’’, qaab-dhismeedka, shaqada iyo awoodaha maxkamada sare, sharcinimida qaraarkan iyo galdalooda iiga muuqda labada dhinac ba, inagoo tixraacayna dastuurka, xeerka madaniga, xeerka habka madaniga, xeerka ismaamulka gobolada iyo deegaanka xr lr: 23/2019, ugu danebyn waxaynu tilmaami doonaa micnaha xakameynta garsoorka ‘juducial review’ iyo muhiimadiisa.

Nuxurka Dacwada

Markii la doortay shirgudoonka xildhibanada golaha deegaanka ee gebilay ayaa waxa kalfadhigii koowaad qaar ka mid ah xildhibanada ka codsadeen in dib loo eego miisanayadii 2021, Duqa gebileyna wuxuu ku qanciyay in ay sax aheyd, wax madmadow ahina ku jirin oon dib loogu noqon, mar labaad ayaa 8 ka mid ah xildhibanada dalbadeen kalfadhi aan caadi aheyn oo sixitaan lagu sameynayo miisaaniyada 2021 iyagoo cuskanaya qodobka 91aad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka xr lr 23 oo ka hadla dib u eegista miisanayad la sameyn karo lixda bilood ee sanadka u danbeysa waxa shardi u ah dib uu eegistaas hadii dakhli korodh imaado. Kalfadhigaas waxa baajiyay wasiirka wasarada arimaha gudaha md maxamed kaahin. Taariikhdu markii ay aheyd 5/10/2021 ayaa 7 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka gebilay ayaa soo saaray go’aan ay ku dalbanayaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan waxaanay ku sababeeyeen dhawr qodob in uu jabiyay oo ka mid ah xr lr 23/2019 waxaanay kala yihiin qodobadaasi:-

  1. In maayarku jabaiyay qodobka 90aad
  2. In maayarku jabiyay qodobka 91aad faqradiisa koowaad
  3. In maayarku jabiyay qodobka 93aad (1,2)
  4. In uu jabiyay qodobka 94aad (a, f iyo D)
  5. In maayarku jabiyay qodobka 100aad
  6. In uu jabiyay qodobka 74aad farqadiisa 4

Iayaga oo ka dalbanaya badhasaabka gobolka gebilay in ay qabsadaan kalfadhi aan caadi aheyn oo ay xilka kaga xayuubinayaan duqa magaalada gebilay, iyadoo arinku halkaas marayo ayaa taariikhdu markay aheyd 13/10/2021 wasaarada arimaha guduhu waxay soo saartay digreeto. Nuxurka digreedan oo ah ‘’joojinta kalfadhi aan caadi aheyn’’ waxaanay ku sabaysay wasarada arimaha guduhu:-

  • Iyadoo mudada golaha golayaasha deegaanka jamhuuriyada Somaliland ay shaqeynayeey mudo yar ayaa hadana waxaa soo baxday in golayaasha deegaanka qaarkood ay bilaabeen si fowdo ah u abaabulaan mooshin lagu qabto fadhi aan caadi aheyn.
  • Iyagoo xubnaha qaarkood ay si xad-gudub ah u abaabulka ay sameeyeen ay ahayd xad gudub sharciyeed iyo waliba kicin dadweyne iyagoo weliba isticmaalaya sifo qabiil ah.
  • Iyadoo golayaasha deegaanka ay mudo yar si rasmi ah u hayaan xilka.
  • Iyadoo mudada xilkaas hayeen aanay aheyn wakhti lagu qiimeyn karo maayiradda.
  • Iyadoo lagama maarmaan ay tahay in golayaasha deegaanku ay yeeshaan wada shaqeyn mideysan, iyagoo raacaya xeerarka iyo sharciyada dalka iyo siyaasada guud ee dalka.
  • Iyadoo ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado qaab maamulka, mideynta golayaasha deegaanka.

Sidaas darteed, dhamaan gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka, waxaa la farayaa inaan la qaban Karin kal fadhi aan caadi aheyn ujeedadiisuna ay tahay in xilka lagaga qaadayo maayarada iyo maayir ku-xigeenada ilaa wasaraddu amar danbe ka soo saareyso.

26/10/2021 ayaa ay racfaan ka qaateen go’aankan ay soo saaratay wasarada arimaha guduhu, dacwadaha noocan ah waxa loogu yeedhaa dacwad idaari ah ama dacwad maamul ‘’administartive suit’’ waxaana awood u leh qaadista dacwadaha noocan ah maxkamada sare ee dalka.

Qaabdhsimeedka iyo awoodaha maxkamada sare ee dalka

Maxkamadda Sare waa hay‟adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay tahay Maxkamadda Dastuurka sida uu sheegayo qodobka 101 ee dastuurka jsl Maxkamada sare ee dalku iyadaa ugu sareysa halka qaabdhismeedka maxkamada dalka waxaana la yidhaa highest court, waana xubinta ugu sareysa sida uu sheegayo qodobka 9aad ee xeerka nidaamka garsoorka Somaliland, maxkamada sare Waxay u kala baxdaa maxkamada sare sadex maxkamaood oo kala

  • Maxkamada dastuuriga ah oo dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysaa. b) Macnayta iyo fasiraada dastuurka iyo xeerar-ka kale ee dalka lagaga dhaqmo, marka laysku qabto nuxurka u jeedadooda c) Fasiraada iyo wax ka bedelka xukumada Garsoorka ee dastuurka khilaafsan.
  • Maxkamada sare ee cadaalada oo sameysanta marka golayaasha qaranka iyo wasiirada la eedaynayo.
  • Iyo maxkamada sare.

Awoodaha maxkamada sare sida ku xusan qodobka 10 ee xeerka habka madaniga:-

  1. Dhammaan Rafcaanka laga soo qaato xukunnada ka soo baxay Maxkamaddaha darajada labaad iyo kuwa ka soo baxay Maxkamaddaha darajada koowaad ee ayna bannaanayn in maxkamadaha dhexe Racfaan looga qaato.
  2. Dhammaan dacwadaha idaariga ah.
  3. Dacwadaha ku saabsan arjiyada lagu warsanaayo dib ugu noqoshada xukunnada iyada ka soo baxa
  4. Dhammaan arrimaha kale ee qaanuunku awood u siinayo.
  5. Kala saaridda nidaamka garsooridda iyo awooddaba ee ka dhexdhaca Maxkamaddaha caadiga ah, iyo kuwa aan caadiga ahayn, iyo kuwa gaarka ah iyadoo laga reebayo inta uu sheegay qodobka 9aad.

Sidoo kale waxa xusan awoodaha maxkamada sare ee dalka xeerka nidaamka garsoorka qodobkiisa 10aad. Waxa ugu waaweyn awoodahaas in ay dhageysato racfaanada dacwadaha ciqaabta ah iyo racfaanada dacwadaha madani ee laga soo qaato maxkmadaha hoose, iyadoo fadhigeedu u kala baxa fadhi caadi ah oo ay galaan 3 garsoore iyo fadhi buuxa oo ay galaan 7 ama 5 garsoore ‘’full bench’’.

 

Qaraarka Maxkamada sare

 

24/11/2021-Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Arbacadii go’aan ka soo saartay, dacwad Idaari ah oo ay u soo gudbiyeen, 7 mudane oo ka tirsan golaha deegaanka degmo/gobol Gabilay, kuwaasi oo ka cabanayay go’aan ay hore u soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

markay daristay asbaabta racfaanlayaasha kala ah Mudane C/rashiid Haybe Faarax, Mudane Cali Muxumed Xasan, Mudane Axmed Wali C/laahi Kahliif, Mudane Cabdi Cali Xirsi, Mudane Caydaruus Muxumed Cumar, Mudane Axmed Ciisoow Axmed, Mudane Khaalid Maxamed Ismaciil.

Racfaansane: – wasarada arimaha gudaha

Markay aragtay: – qoraalka ku taarikheysan 13/1/2021 ee sumadiisu tahay WAG/XW/2062/02/2021 ee ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaraada arimaha gudaha jsl ee nuxurkiisu yahay sidan:-

Iyada oo mudada golayaasha deegaanka jamhuuriyada Somaliland ay shaqeynayeen muddo yar ayaa hadana waxaa soo baxay in ay golayaasha deegaanka qaarkood ay bilaabeen si fowdo ah u abaabulaan mooshin loogu qabto fadhi aan caadi aheyn.

Iyagoo xubnaha qaarkood ay si xad-gudub ah u abaabulka ay sameeyeen ay ahayd xad gudub sharciyeed iyo waliba kicin dadweyne iyagoo weliba isticmaalaya sifo qabiil ah.

Iyadoo golayaasha deegaanka ay mudo yar si rasmi ah u hayaan xilka.

Iyadoo mudada xilkaas hayeen aanay aheyn wakhti lagu qiimeyn karo maayiradda.

Iyadoo lagama maarmaan ay tahay in golayaasha deegaanku ay yeeshaan wada sahqeyn mideysan, iyagoo raacaya xeerarka iyo sharciyada dalka iyo siyaasada guud ee dalka.

Iyadoo ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado qaab maamulka, mideynta golayaasha deegaanka.

Sidaas darteed, dhamaan gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka, waxaa la farayaa inaan la qaban Karin kal fadhi aan caadi aheyn ujeedadiisuna ay tahay in xilka lagaga qaadayo maayarada iyo maayir ku-xigeenada ilaa wasaraddu amar danbe ka soo saareyso.

Markay aragtay: – in golayaasha deegaanka dalku ay leeyihiin urur leh qaab dhismeed oo ay ku midaysan yihiin oo leh qaab-dhismeed.

Markay aragtay in qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid guud oo khuseeya dhammaan dawladaha hoose ee dalka, ee aanu khuseyn dawlada hoose ee degmo gaar ah.

Markay aragtay in cabashada racfaanlayaashu aanay waafaqsanayn xeerka maadaama, racfaanlayaashu aanay matali Karin, wakaalad sharci ahna ka haysan dhammaan golayaasha deegaanka dalka, maadaama uu qoraalka ay ka cabanayaan uu khuseeyo dhammaan golayaasha deegaanka JSL.

Markay aragtay Qod: – 10, 51, 119(7), 250, 259, ee xeerka habka madaniga iyo dhammaan asbaabta sare ku xusan awgeed Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay qaraarkan;

Qaraarka Maxkamadda Sare ee JSL:

  1. “ Waxay diiday arjiga asbaabta rafcaanka ee ku taariikhaysan 26/10/2021 ee ay Maxkamadda Sare JSL u soo gudbiyeen qareenada rafcaanlayaasha ee kala ah:- qareen Maxamuud C/raxmaan X. Nuur, qareen Sacad Yasiin Maxamuud, qareen Maxamed Maxamuud Xaashi, qareen Mubaarik Maxamuud Cabdi. Maadaama warqada ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaarada arimaha guddaha ay ahayd warqad guud oo ku socotay dhamaan golayaasha deegaanka dalka JSL sidaa darteed aanay rafcaanlayaashu ku matalin wakaalad sharci ah oo xeerka waafaqsanna ka haysanin goleyaasha deegaanka ee dalka JSL.
  2. Waxay Ooday gal-dacwadeedkan waxaana la farayaa kaaliyaha sare ee Maxkamadda Sare JSL inuu gal-dacwadeedkan ka tirtiro diwaanka dacwadaha idaariga ah.
  3. Qaraarkan wuxuu soo baxay taariikhdu tahay 24/11/2021.”

 

Falanqeynta Qaraarka Maxkamada Sare

Waxaan araartaas dheer u soo galay si uu u fahmo qofkasta oo qoraalkan akhristaa halka uu ka soo bilaamay khilaafkaas iyo sidoo kale si aan iskugu xidho faalada iyo nuxurkii dacwada, iminka waxaynu dul istaagi doona oo midkasta falanqeyn ku sameynaynaa asbaabta ay u adeegsatay qaraarka iyo sidoo kale qaraarka laftigiisaba.

Ugu horeyn waxa aynu ka bilaabaynaa sharcinimada dacwadan in mudanayaasha golaha deegaanka gebilay u mareen dacwadan bilow ilaa dhamaad.

Dacwadani waa dacwad idaari ah ‘’administartive suit’’ waa nooc ka mid ah dacwadaha, nuxur ahaan waa marka go’aan ay soosaartay hay’ad maamul oo ka mid ah waaxyaha kala duwan ee dawlada ay soo saarto go’aan ayaa qof ama koox ama hay’ad kale ka caban karaan go’aankaas iyadoo racfaan looga qaadanayo maxkamada sare, maxkamada sare waxay daristaa sharcinimda go’aankaas iyadoo oo ku tilmaamta sharci darro hadii uu sharciga khilaafsan yahay waana ay tirtirtaa go’aankaas, haddii kale ee uu sharciga waafaqsan yahayna waxa ay diidaa arjiga racfaanka looga soo qaatay go’aankaas maamul.

Faaleynta Asbaabta maxkamadu cuskatay:-

  1. Qaraarka wasaradda arimaha guduhu ee ay cuskatay maxkamada sare ee jsl wuxuu si cad uga hor imanayaa xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka xr lr 23/2019 cutubka 6aad kulamada iyo shirarka qodobka 51aad faqradiisa 3 oo sheegaya in shir aan caadi aheyn ‘‘extra-ordinary meeting’’ isugu yeedhi karaan a) duqa degmada ama b) codsi xubnaha golaha 1/3 ama c) codsi ka imaada wasiirka.

Fadhigan aan caadiga aheyn ee ay codsadeen mudanayaasha golaha deegaanka gebilay wuxu waafaqsan yahay qodobkan gaar ahaan faqrada 3 xarafka b. sidoo kale isla qodobkan faqradiisa 4aad wuxuu shuruud uga dhigayaa shirarka aan caadiga aheyn in ay cadyihiin sababaha qoraal lagu soo cadeeyo ajendaha isla qodobkan way waafaqeen mudanayaasha golaha deegaanka iyagoo sheegay kulanka ay codsadeen iyo ujadadiisa oo aheyd in ay xil ka xayuubin ku samaynayaan duqa degmada gebilay. Waxa halkaas ku buray asbaabtii koowaad ee ay cuskatay maxkamada sare ee ahaa go’aankii wasarada arimaha gudaha ee ahaa ma qabsan karaan golaha deegaanku fadhi aan caadi ahayn ama mise ma qabsan karaan.

  1. Asbaabta labaad ee maxkamdu cuskatay ee ah in ay golayaasha deegaanka ee dalka oo dhami ay leeyihiin qaab-dhismeed iyo urur. Waxa isweydiin leh tani ma quseysaa arinka dacwada mise ma quseyo, waxa micnaheedu yahay in ururkii dawlada hoose oo dhami aanay soo dacwoon sidaas daraadeed gola qudha dacwadooda la dhageysan kareynin tani waxa ay si cad uga hor imanaysaa Dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiis 28 faqradiisa koowaad oo qofkasta u damaanad qaadeysa xaqa in uu wax dacweyn karo lana dacweyn karo oo isdifacayo. Waxa sidoo kale uu ka soo horjeedaa qodobka 4aad ee xeerka nidaamka garsoorka jsl xr lr 24/2003 oo sheegaya xaqa dacwad furashada iyo xaq is difaaca iyo in qofkastaaba xaq u leeyahay in uu dacwad ka furan karo maxkamadaha dalka.

In urur ay leeyihiin macnaheedu ma aha in aan gole ka mid ah dacwad furan kareynin ee dacwada loo furanayo si wada jira ‘joint’ Tusaale ahaan dad ka kooban 10 qof ayaa guri wada kireystay qofkastaana qol gaar ah ayuu kireystay lacagta kiradana qofkasta isagaa iska bixiya qolkiisa, mid ka mid ah dadkii wada kireystay ayaa qolkiisa yeeshay daroornimo oo biyaha roobku marka ay da’aan ay galaan, ninkii qolkiisa dumay ayaa ka cawday ninkii guriga lahaa una sheegay in uu ka dhiso qolkaas oo si wanagasan ugu noolaada uguna raaxeysto, ninka guriga leh waxa ku waajib ah in uu baadhitaan ku sameeyo in qolkaasi dumay iyo in kale, laakin xaq uma laha in uu yidhaahdo 10 qof ayaad ku wada degan tihiin gurigee isla soo dacwoda, hada hada dadkan kale qolalkoodu waa nadiif mana burbursana, sidaas daradeed qasab ma aha in ay soo wada dacwoodaan, dadka oo dhan waxa loo baahnaan lahaa haddi ay dadka guriga wada kireystay ay ka cabanayaan guud ahaan guriga oo dhan, tusaalahan ayaa la mid ah in golayaasha deegaan ka lagu yidhaahdo soo wada cawda.

  1. Asbaabta sadexadaad ee ay cuskatay maxkamada sare way ku saxsan tahay oo qaraarkan ma khuseeyo gole deegaan oo gaar ah ee wasaradu waxay lawada hadlaysay dhamaan 23 ka gole deegaan ee wadan ka jira,sidoo kale ma haystaan wakaalad sharci ah si u matalaan, waxa bilowgii dacwada majara habaabin ku sameeyay wasaarada arimaha gudaha ma daama ay gole deegaan oo qudha ahi ka dalbadeen fadhi aan caadi aheyn waxa ay aheyd inay go’aan ku soo saarto fadhigaas ay golaha deegaanku gabilay ay codsadeen, maadama aanay dhamaan golayaashii deeganka ee wadanku dalban fadhi aan caadi aheyn.
  2. Qodobada xeerarka ah ee ay cuskatay ee xeerka habka madaniga ah ee kala ah qodobka 10aad awoodaha maxkamada sare, qodobka 51aad oo ka hadla dhinacyada iyo wakiilada awooda dacweynta oo sheegaya inaan kaliya dadka awooda u leh ahna kuwa leh xaqa ay wax dacweyn karaan, dadka aan lahayn xaqa kuma dacwoon karaan haddii aanay wakaalad sharci ah ka haysan, qodobka 119(7) arjiga dacwad furashada qodobka 250 saxiixa cabashada iyo waxay ka kooban tahay iyo qodobka 259 oo ka hadla go’aanka maxkamada sare.

Iyadoo asbaabaas cuskanaysa ayaa ay qaraar ku soo saartay in arjia dacwada ay diidey, sidoo kale dacwada la tirtiro lagana saaro diiwaanka dacwadaha ee maxkamada sare.

Maxkamada sare marna Kama ay garniqin nuxurkii dacwada ay u gudbiyeen golayaasha deegaanka ee golaha gebilay, waxa waajib ku ahaa maxkamada sare

  • In ay ka jawaabto in fadhi caadi ah qabsan karto iyo in aanay qabsan kareynin golaha deegaanka.
  • In xilka ka qaadis lagu sameyn karo duqa degmada gebilay iyo inaan lagu sameyn kareynin.
  • In ay ka jawaabto go’aanka wasarada arimaha gudaha kuna tilmaamto in go’aankaas sharci yahay oon golaha deegaanada loo ogalayn xil ka qaadis ku sameeyaan duqa iyo ku-xigeenadadooda ama ay ku tilmaamta go’aankaas wasaradda mid sharci daro ah oo golayaashu xaq u leeyihiin xil ka qaadis.
  • In wasiir joojin karo amah akin karo arin xeer baarlamaan ‘statutory act’ fasaxay ama uu baneeyay.

Marka ay maxkamada sare ka jawaabto dhamaan su’aalaas oo ah nuxurka dacwada idaariga ah ayaa lagu sheegi lahaa mid sharciga baal marsan ama mid sharciga waafaqsan, laakin iminka maxkamadii sare ayaa waxa ay u muuqataa mid iyadii ah eed ka carar, waxaanay ka soo wareegtay meelo kale oon ahayn ba nuxurkii dacwada idaariga ahaa.

Xilka qaadista duqa iyo ku-xigeenkiisa caasimadda

Intaas haddii aynu kaga nimaadno qaraarkii maxkamada sare waxaan sharaxaad kooban ka bixin doona habka xilka qaadista golayaasha deegaanada iyo habraaca uu tilmaamay sharcigu.

Duqa dhamaan magaalooyinka iyo ku xigeenadiisa xilka qaadis waa lagu samayn karaa oo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegaya laakin sabab ayuu daba dhigayaa waxaanu leyahay waxa xilka laga qaadi karaa haduu:-

  1. Ka leexdo gudashada waajibaadka golaha Degmada iyo istraatiijiyadda guud ee Qaranka.
  2. Jabiyo ama uu baal maro, Xeer Hoosaadyada Golaha iyo Xeerkan.
  3. Ku sifoobo Awood maroorsi iyo kaligii talisnimo.
  4. Caadaysto ku tumashada shuruucda, iyo Xeerarka Qaranka.
  5. Ku kaco Kooxaysi, qabyaalad, kicin xamaasad oo horseedi Kara Nabadgelyo darro.
  6. Ku cadaato laguna helo musuqmaasuq iyo lunsi hanti qaran.
  7. Haddii uu qaban waayo duqu kalfadhiyada ama shirarka Golaha uu waajibiyay xeerkan.

Xilka qaadistu waa inay ahaata mid sabab wadata ‘reasoning’, xilka qaadis kasta oo aan waafaqsanayn sababahan waa sharci darro lamina ogolaanayo, waa in la cadeeyaa dhamaan arimahan jiritaankooda.

Habraaca xilka qaadista duqa iyo ku-xigeenkiisa

  • Waxa xil ka qaadista soo jeedin Kara 1/3 iyagoo sababayna sababta ay xilka uga qaadayaan.
  • Muddo 3 maalmood ah ayuu duqa degmadaasi ku qabanayaa shirka xilka lagaga qaadayo
  • Haduu ku guuldaraysto ama qaban waayo shirkaas waxa waajib saran yahay gudoomiyaha gobolka ‘’badhasaabka’’ ayaa muddo 5 cisho ah ku qabanaya shirkaas.
  • Xil ka qaadista Duqa iyo Ku-Xigeenkiisa waxay ku ansaxaysaa kala badh iyo hal (absolute Mojority) tirada Guud ee xubnaha Golaha.
  • Waxa shirka gudoominaya xubinta ugu da’da weyn leh hadii duqa ama maayorka oo qudha xilka laga qaadayana waxa shirgudoominaya ku-xigeenkiisa.
  • Qodobka 29aad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka xr lr 23/2019 wuxu sheegayaa in eedaynta mudanaha loo saaro guddi madaxbanaan oo baadha, ka dib loo gudbiyo xeer-ilaalinta, xeer-ilaalintuna dhisto eed dhameystiran ka dib loo gudbiyo maxkamada sare ee cadaalada oo awood u leh qaadista dacwadaha ka dhanka ah golayaasha qaranka’’golaha wasiirada, golaha baarlamaanka, golaha deegaanka’’.

Xakameynta garsoorka “Judicial Control or Judicial Review”

Waxa macnaheedu noqonayaa  Awooda ay Maxkamadu u leedahay in ay Qiimeyso, dib u eegis ku samayso ficilada iyo Go’aanada maamul  Ee gaadhaan labada dhadhaar ee kale ‘xeer-dejinta iyo fulinta’ inay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Dhamaan xeerarka kale ee Dalka iyo in ay ka hor imanayaan.

Maxkamadu waxay awood u leedahay in ay ka dhigto waxba Kama jiraan ‘null and void’ Dhamaan ficilada iyo xeerarka ka hor imanaya Sharciga.

Muhiimada Xakameynta Garsoorku ‘judicial control’ waxa ka mid ah:-

  1. In ay Waaxda Fulinta ku ilaaliso in aanay Sharciga dhaafin oo aanay isticmaalin awooda dheeraad ah.
  2. in baarlamanku aanu soo Saarin xeer ka hor imanaya Dastuurka iyo Qiyemka iyo Diinta iyo madaxbanaanida dalka.
  3. In muwaadiniinta ka ilaaliso Dhamaan tacadiga sharci derada ah.
  4. in laga hortago ku tagri fal awoodeed.

Xakameynta Garsoorku waxay ka mid tahay tiirarka ay ku dhisan tahay maxkamadu, waaxanay kor u qaada horumarka iyo in Sharciga lagu dhaqmo ee aanu shaqeyn In Qofka xilka haya Sharciga siduu doono ka dhigto iyo in muwaadiniintu dacwad ka furan karaan tacadiyada maamul ee Waaxda Fulintu u gaysato.

Mahad Mohamed Hussein
Lataliyaha Sharci Ee wasaradda wasaradda Tamarta iyo Macdanta.
Wax ka Qoraa Arimaha Sharciga.
LLB.

mahadmohamed203@gmail.com