HORDHAC
Qasiidadan magac ahaan loo yaqaan ama bulshada dhexdeeda kaga caan ah “Intay Dhagax Ku Tureen”, waxaa midhaheeda hal-abuuray abwaanka weyn ee Cabdi Aadan Xaad “Cabdi-Qays”, waxaana luuq aad u cajiib ah ku qaada Sheekh Cabdiraxmaan Dandaawi, xagga laxanka layaabka leh ee qasiidada lagu qaadana waxaa saaray, mulaxanka weyn ee reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Saqraan. Qasiidadan oo soo baxday sanadkii 2005ta run ahaantiina gaadhay badi dhegaha bulshada Soomaaliyeed, ayaa ah mid aad loo jecel yahay, aniga laftayduna ka mid ahay dadka aadka dhegaysigeeda u jecel.
Faallaynta qasiidadan ayaa igu dhalatay ka dib markii aan maqlay sheekada ay ku soo baxday ama sida ay abwaanka ugu dhalatay curinta qasiidadu oo uu iiga warramay Sheekh Dandaawi mar aan ku booqday guriga uu Jabuuti ka deggan yahay, dabayaaqadii sannadkii 2019ka, taas oo runtii i qiiro gelisay iguna dhalisay dareen dheeraad ah oon ku dhuuxay iina furay faham dheeraad ah oon ka dhex helay qasiidada.
AFEEF: ujeeddada aan u sameeyay falanqaynta ayaa ah in aan bulshada Soomaalida u dhambalo una soo gudbiyo micnaha dheer ee ku duugan qasiidada iyo qisada ay ku soo baxdayba. Run ahaantii ka ma waraysan Cabdi-Qays ee faalladani waa sida aan u fahmay shaqsiyan, taas oo ay gundhig u tahay aqoonta aan u leeyahay taariikhda (ama siirada) Nebiga NNKH. Sidaas darteed, waxaan ka afeefanayaa saddex xaajo; waa tan hore e, haddii aan wax ka gawlgawlo, khaldo ama aanan soo wada gudbin ujeeddooyinka qotada dheer ee ku duugan qasiidada iyo meelaha aan kaga xidhayo siirada Rasuulkaba NNKH, waa khalad dhankayga ah. Ta labaad, waxaan hubaa in aanu marnaba qalinkaygu wada qaban karin, soona gudbin karin quruxda iyo qiimaha badan ee Rasuulkeena Muxamed-Amiin NNKH iyo ugu dambayn farshaxannimada iyo suufinimada abwaan Cabdi-Qays oo runtii iyada lafteedu ah bad bilaa xeelli ah, aanan ku hafan karo.
FALANQAYNTA QASIIDADA
Diinta iyo dhaqanka suubban ee Islaamka ayaa saldhig u ah suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, guud ahaanna si weyn uga dhex muuqda maansadan iyo qaybaha kale ee suugaantaba. Haddana maansada diiniga u gaarka ah iyo qasaa’idka ayaa tiro ahaan ka kooban kana tiro yar suugaanta iyo maansada Soomaalida ee dhinacyada kale ee nolosha, sida, dagaalka iyo nabadaynta, geela, jacaylka iyo waddaniyadda ka hadasha. Taas ayaan loo macnaysan karin in bulshada diintu ku fududayd, oo diin-jacaylka Soomaalida, adduunka muslimka iyo ka kaleba ee Soomaalida yaqaanba way ka marag kaceene, sidoo kalena xuska iyo weynaynta Nabiga NNKH, balse bulshada ayaa ku kaaftoontay qasaa’idka carabiga ah, mawliidka iyo burdaha oo culimada Soomaalidu ay aad dadka ugu soo gudbiyeen, una akhriyi jireen. Haddaba, abwaan Cabdi-Qays, ayaa ka mid ah abwaannada tirada yar ee derbigaa jabsaday, bulshaduna ku taqaan ka maansoodka diinta iyo gaar ahaan jacaylka rasuulka, runtiina curiyay qaasaa’id badan oo badh ka mid ah isagu ku luuqeeyo, qasiidadan ayaa ka mid ah kuwa uu curiyay laakiin aanu abwaanku qaadin.
Faallada ama falanqaynta qasiidadan aan ku sameeyay, ayaa u qaybsan laba qaybood; qaybta hore oo aan ku eegayo sida ay qaasidada curinteedu ku dhalatay, oo runtii ahmiyad gaar ah ii leh, farriin weyna ka soo gudbinaysa shaqsiyadda abwaanka iyo jacaylka uu u qabo rasuulka, iyo qaybta labaad oo aan ku dhex gelayo qasiidada lafteeda, una kala abla-ablaynayo dhinacyada kala duwan ee ay taabanayso qasiidadu.
- SHEEKADA CURINTA QASIIDADA
Sida uu iiga warramay Sheekh Dandaawi, abwaan Cabdi-Qays ayaa mid ka mid ah horraantii sannadahii 2000, uu ambabaxay gudashada Xajka iyo Cimrada Alle. Cabdi-Qays oo ku guda jira gudashada tiirarkii xajka ayaa isaga iyo koox ka mid ah xujaydii ay ka ambabaxeen magaalada barakaysan ee Maka, iyaga oo u socda Madiina. Iyaga oo safarkoodii dhexda kaga jira ayaa uu ka xumaaday gaadhigii ay wateen, markaas buu dirawalkii ka codsaday in ay soo yara degaan inta gaadhiga laga hagaajinayo. Sida intiinna dhulkaa martay ama ka war heshayba aad filanaysaan, Cabdi-Qays ayaa marka uu soo degay la kulmay jewi cimilo oo aad u adag, kulayl badan iyo hanfi leefay. Cimiladaas adag ayaa Cabdi-Qays meel fog oo qiima badan u qaadday, kuna soo ridday su’aal aan hubo dad badan oo aan ka mid ahay in ayna malaha ku soo dhacdeen, waa “Nebigii markuu haajiray, ma jewigan ayuu dhex lugeeyay?” Ka fikirka su’aashaas ayayna ka dhalatay qasiidadani.
Fari tog bay kula xushaaye, sida ay su’aashu abwaanka ugu soo dhacday ayaa igu dhalisay fikir dheer, u bogid iyo aqoonsi aan aqoonsaday jacaylka iyo ku dhawaanta Cabdi-Qays ee Rasuulka NNKH. Bal haddaba u fiirso oo ka yara fakar immisa su’aalood ayaa kugu soo dhaci karayay amaba adiga laftaada ku soo dhici lahaa haddaad kaalintiisa joogto, xasuusta Rasuulka iyo helitaanka su’aashan ee weliba la xidhiidha marka uu dhib dareemay in uu markiiba ka xumaaday in dhibtan Nabigu NNKH maray, isagoon weli tiisa iyo safarkiisa is weydiin ama malaysan, maanay ina tusaynin sida xasuusta Nebigu ugu weynayd, mar kastana qalbigiisa uu ugu jiray iyo jacaylka uu Nebiga uu u qabo? Ani jawaabtaydu waa haa iyo hubaal! Waxaa se markhaati cad oo nool iigu sii daray quruxda iyo xeeldheerida qasiidada oo iyana i na tusinaya aqoonta iyo fahamka dheeraadka ah ee uu abwaanku u leeyahay taariikhda Rasuulka, iyo sida uu dhacdooyin waaweyn iyo dhaxalkooda isku soohay.
- II.QASIIDADA
Qasiidada ayaa isku soo xidhaysa taariikhdii Nebiga iyo fidinta diinta, iyada oo ay udub-dhaxaadna u tahay dhibta iyo dhabar-adayga Nabiga iyo asxaabtiisu u soo mareen diinta, taas oo dhan ahaan ku taxan dhacdada ay ku timid qasiidadu. Qasiidadu waxay ka soo bilaabmaysaa duruufihii iyo noloshii mugdiga ahayd ee uu ku soo degay nuurka waxyigu, yeedhmadii Nebiga iyo diidmadii Quraysh badideeda, dhibtii iyo guddoonsigii dhagarta rasuulka iyo hijradii ayaa xigta, badi dagaalladii Nebigu diinta u galay iyo dhaxalkoodii aqoon, diin iyo iimaan baa xiga, waxay kusoo xidhmaysaa waxqabadkii khulafadii Rasuulka iyo duco ummadda rasuulka ee maanta nool ay tubtaa san Alle uga baryayso, waa sidii dardaaranka Rasuulku ahaaye.
Falanqaynta ayaan ku eegi doonaa sida xeesha dheer ee uu abwaanku uga hadlayo dhacdooyinka ay qasiidadu soo qaadatay iyo casharrada ku dhex duugan ama ku maldahan dhacdooyinkaas ee abwaanku ummadda ugu dhambalayo qasiidada. Waxaa xusid mudan, sida qasiidadu dhacdooyinka u taxayso ama u hormaynayso iyo sida ay u soo kala horreeyeen badi, isla hannaankaas uun bay falaqayntuna raacaysaa.
Dhibta diinta loo maray: waxaa hubaal ah oo aynu ka wada war qabno, taariikhda diintana ku dhiganno in fidinta iyo faafinta diinta iyo kasaaridda mugdigii adduunku markaa ku wada sugnaa, haddana ay meelo ku sii jiraan, loo maray waddo dhib badan oo naf-hur iyo hor Ilaahay ah. Dhibtuna ay ugu kala badnaynd sidii diinta loogu soo kala horreeyay, uu uguna dhibta badnaa Nebigu NNKH, oo dhaawac iyo dhalleecada gaadhaysa isaga ay u dheerayd, lexajeclada iyo dareenka uu ummadda u hayay iyo aqoonta uu leeyahay weynida Allaha la beeninayo iyo ciqaabtiisa. Sidoo kalena asxaabtii Alle ha ka raalli noqdee sida ay u soo kala horreeyeen u na kala nuglaayeen ayay dhibtu ugu badnayd. Qasiidada ayaa dhibtaas ku soo qaadatay baydadka u dhextaalka ama kooraska u ah qasiidada, oo uu abwaanku kaga warramayo dhibta gaadhay Nebiga ee bulshadiisu gaadhsiisay. Runtii waxaa ay qasiidadu qaadatay halkii ugu mudnayd oo ah Nebiga, waxaa se uu Rasuulku u taagan yahay asxaabtiisa iyo cid kastoo dedaalkiisa iyo dawgiisaaba qaadda, Alle ha i nagu daree, waxayna tidhi;
- Dhibta diinta loo maray
- Inta Nebigu buur dheer
- Iyo jarar ka dhaadhacay
- Inta dhacato iyo oon
- Dhul cidlo ah ku soo maray
- Intay dhagax ku tureen …… (Nebiga)
- Intay Dhaawac yeeleen……. (Nuurkii)
- Intay dhiig ka daadsheen
Nolol-bulsheedkii diintu ku soo degtay: Qalcadahan soo socda ayaa uu abwaanku si kooban oo qurux badan aadna u xeel dheer ugu sawirayaa, baaxadda shaqada Nebiga loo diray, isaga oo sawiraya heerka dhaqanxumada iyo gunnimada bulshadu maraysay, dulmiyada la dhaqansaday, farriinta iyo hab-nololeedka suubban ee Islaamka ee Nebiga loo soo dhiibay. Waxaa ay qasiidadu ka warramaysaa qaar ka mid ah dhaqammadii aadka u foosha xumaa ee xilligaa ummaddu caadaysatay dhaqankoodana ka mid ka noqday, sida; Allaysida sanamka, bannaysiga dhagarta iyo dhiigga, isdulminta gaar ahaan dumarka, maandooriyaha iyo khamaarka;
- Habeenkii dhawaaqiyo
- Waxyigii kusoo dhacay
- Ee sidaa dheh lagu yidhi
- Dhaqanka iyo caadada
- Dhulka taallay adag
- Mid dhashiisa gawraca
- Dhigid nolosha lagu dilo
- Dhaadashada qabiilkiyo
- Dhoodka iyo dhoodiga
- Dadkoo dhagar xalaashaday
- Khamaarkoo dhar lagu helo
- Dhayal turubka lagu rogo
- Khamrigoo la dhuunyado
- Waxa uunka dhalan roga
- Dhalinyariyo waayeel
- Dhoomaha la buuxsado
- Tiiyoo dhagax la caabudo
- Sanam dhoobo laga qoray
- Ilaahay la garab dhigo
- Bulsho dhimatay waatii
- Dhaqdhaqaaji lagu yidhi
Yeedhmadii Nebiga iyo Beenintii: Qasiidadu waxaa ay usii gudbaysaa sidii uu Nebiga ugu yeedhay dadkii loo diray iyo qaar mid ah mucjisooyinkii waaweynaa ee ay ka xujeeyeen, hortoodana uu keenay ay se badidoodu ka dhega-adaygeen. Waxaa ay qasiidadu ka warramaysaa heerka ay gaadhsiisnayd dhibaha loo maleegayay Rasuulka iyo sida ay u go’aansadeen in ay dilaan. Iyo taas baddelkeedna in aanu Rasuulku ka aarsan una dudin ee samir iyo han fogaan ugaga tallaabsaday dhibaatooyinkaas iyo hijradii, waxayna tidhi;
- Dhagaxuu u yeedhiyo
- Geedkii soo dhaqaaqyoo
- Dayaxii dhambalanyoo
- Ayaadaha u soo dhigay
- Ma dhugtaan kufaartuye
- Markay dhaadi waayeen
- Dhiigiisana ku dhaarteen
- Waatii dhuumo lagu yidhi
- Dhabbadaa Madiiniyo
- Dhinaceeda beegsaday
- Dhursug iyo dulqaad buu
- Dhibta kaga gudbaayoo
- Hadii aanu soo dhiman
- Khayrkan maad dhadhamiseen
- Dhoohane war moogoo
- Dhukan baad ahaan layd
Dagaalladii Nebiga: Dagaalladii ama jihaadkii uu Rasuulku galay intii uu noolaa ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah diinta, kuna duugan tahay aqoon badan oo la xidhiidha dhinacyo kalo duwan oo diinta ah oo aynaan halkan ku soo koobi karin, ka se mid tahay, hoggaamintii rasuulka, mabaadi’da siyaasadda iyo dagaalka, talo-saarashada Alle, wadatashiga, isku-tiirsanaanta, doorarka kala duwan ee bulshadu leedahay iyo wejiyo kale oo badan oo noloshana muhiim u ah.
Qasiidada ayuu abwaanku si waafiya ugaga warramayaa kuwii ugu mudnaa degaalladaas (ama jihaadyadaas) uu Nebigu NNKH galay, isagoo i noo soo gudbinaya sawirro iyo astaamo muhiim ah ama casharro laga baran karo dagaalladaas. Qalcadahan ayaa i na tusinaysa qotodheerida abwaanka ee taariikhda Nebiga iyo farshaxannimadiisa. Tusaale ahaan, Beder oo ahaa dagaalkii kowaad ee Nebigu galay, ayaa ahaa degaal laga baaqsan karayay markii ay Quraysh safarkoodii ay asxaabtu jid-gooyada u galeen uu nabad galay, balse waxaa uu ku dhacay kibir ay madaxdii Quraysh yidhaahdeen, haddiiba damac xoolahayaga galay waannu laynaynaa. Asxaabta oo aad ugu tiro iyo hub badnaayeen oo ay taas tirsanayeen, qasiidada ayaa sheekadaas si kooban ugu sawirtay “Dhafoor taabadkii Beder, Allaa guusha dhaliyayee”. Maadaama ay asxaabta iyo gaalada ka soo hor jeedday kala badnaayeen, diintana aan ku hayno in Nebiga iyo asxaabta malaa’igi dagaalka la gashay oo sidaasna ku guulaysteen, qasiidadu waxay tidhi, “Allaa Guusha Dhaliyayee”.
Uxud iyo Dagaallkii Godka, ayay qasiidadu ka xusaysaa, laba sawir oo muhiim ah, waa ka hore e, dagaalkii Uxud muslimiintu si guud waxay u ekaayeen in la jebiyay, dhibaatooyin badan way soo gaadheen, taas oo ay sababteeda ahayd is khilaaf iyo burin amar Nebigu bixiyay, dabadeed waxaa la soo dejiyay quraan badan oo musliimta baraya, casharrada ay ka faa’idayaan natiijada dagaalkaas, “Uxud waxay ku dheer tahay, Xusuus dhigashadeedee” ayay qasiidadu ku soo koobtay. Degaalkii godka ayaa isna asxaabta iyo Nebiguba ku qodeen gaajo iyo dhib badan, waa marka ay asxaabtu gaajo darteed dhagax caloosha ku xidheen, xagga Nabigu laba dhagax ku xidhay. Sawirkaas qasiidadu si fiican bay u soo bandhigaysaa. Sidoo kale furashadii Maka iyo maalintaas sida ay awoodda muslimiintu u hanatay ayuu ka waramayaa.
Dagaallkii Xunayn ee ay musliimintu galeen iyagoo tiro ahaan aad u badan, awoodna is bidayaan, guulna si buuxda ugu tashadeeen, naasiibdarro se ay la kulmeen guuldarro, maadaama ay illaabeen talosaarashada Alle. Guuldarradaa waxaa se ummadda muslimiinta uga manfac badnaa casharkaas ay ka barteen oo ilaa maanta wax ku ool ah. Abwaanka ayaa qasiidada si xarrago leh dhacdadaas muhiimka ah u soo gudbinaya; “Inaan dhararku xooq noqon, Dhumucduna laxaad tarin, Dhacdadii Xunayn baa, Deris laygu dhigayoo, Ma dheeliyo addoonkii, Dhan kastuu u jeestaba, Illaahay isku dhiibaa”.
- Dhafoor-taabadkii Beder
- Allaa guusha dhaliyaye
- Haddaan dhidibka loo qaban
- Diintu may dhisnaateen
- Eedaankii dheeraa
- Bilaal kuma dhawaaqeen
- Uxud waxay ku dheer tahay
- Xusuus dhigashadeedee
- Haddaan dhiigga loo hurin
- Dhoollatusadka aakhiro
- Dheeraan kuu ma yeesheen
- Dhufayskii ballaadhnaa
- Hadaad dhididka loo hurin
- Dhuux iyo laf lagu qodin
- Dhoomaha is biirsaday
- Dhaqso loo ma jebiyeen
- Dhudhun buu ku mariyee
- Hadaan dhoodi loo koorin
- Gaaladu ma dhiibteen
- Maka ka ma dhaqaaqdeen
- Inaan dhararku xooq noqon
- Dhumucduna laxaad tarin
- Dhacdadii Xunayn baa
- Deris laygu dhigayoo
- Ma dheelliyo addoonkii
- Dhan kastuu u jeestaba
- Illaahay isku dhiibaa
Doorkii Asxaabta: Qasiidada ayaa u gudbaysa, doorkii khulafadu ay ku dareen fidinta diinta, isagoo abwaanku xusaya mid ka mid ah waxtarradii ugu waaweynaa ee khulafada laga dhaxlay; sida uu Abuubakar (RC) ummadda uga badbaadiyay dayaw ka raaci gaadhay geeridii Nebiga. Cumar Binu Khadab (RC) iyo kaalintiisii fidinta diinta, Cusmaan Binu Cafaan (RC) iyo qoristii quraanka shariifka ah iyo Cali Binu Daalib (RC) iyo inuu ku geeriyooday halgankiisii diineed. Intaas ayuu Abwaanku inoo raacinayaa duco in Alle i nagu daro oo ina raaciyo lodkaa mudnaa ee Nebiga la hawl galay.
- Marku Nebigu dheelmaday
- Uu xaqii kusoo dhacay
- Haddii aan Saddiiq dhalan
- Waa la dhumi lahaa garo
- Isaguna dharaartii
- Haddii aanu dhaankii
- Sayid Cumar dhexda u xidhan
- Dhalandhoolka saxaraha
- Dhulka carabta ee kulul
- Sahal lagu ma dhaafeen
- Laba buur dhexdood iyo
- Ninkii magaca dheeraa
- Cusmaan muu dhantaaline
- Waa kii dhigay Quraankee
- I noo soo dhamaystiray
- Sayid Cali ma dheelliyin
- Mana gabin dhankiisii
- Halgankii dhabta ahaa
- Waa kii ku dheelmaday
- Aftaarsi waa dhaab
- Inta dhaxashay Nebiga
- Allaw noo dhammeeyoo
- Annagana hanaga dhimin
- Dhibta diinta loo maray
- Inta Nebigu buur dheer
- Iyo jarar ka dhaadhacay
- Inta dhacato iyo oon
- Dhul cidla ah ku soo maray
- Intay dhagax ku tureen Nebiga
- Intay Dhaawac yeeleen nuurkii
- Intay dhiig ka daadsheen
Gebagebo: Hab fahankaas iyo falanqaynta aan ku sameeyay qasiidada iyo qisada ay ku soo baxday een kor kaga warramay, ayaa waxaa ay aad ii geliyeen dareeen ah in Abwaanku jeclaa, xuska Nebiguna ku badnaa, Allena ha u siyaadshee, waxaa kale oo aan hambalyaynayaa una ducaynayaa Sheekh Dandaawi oo si qiimo leh u qaaday iyo mulaxanka qasiidadaba, dhammaanteen Rabbi ha i nagu arsaaqo jacaylka rasuulka SCW.
Rooble Cabdi Muuse
Email: talktoroble@gmail.com