Falanqeynta Qoraalkii Ka Soo Baxay Maraykanka ee Colaadda Laascaanood W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Soomaalilaan ha kala baxdo ciidamadeeda Laascaanood, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka. Lama odhan ciidamada Soomaalilaan Oog ha la geeyo. qoddobkani waa mid ay Soomaalilaan hore u fulisay markii ugu horraysay ee aanay xaaladda Laascaanood faraha ka bixin. Ilaa haatan ciidamada Soomaalilaan waxa ay magaaladda ka joogaan dibadda. Qoddobkani maaha mid cusub, waa wax ay Soomaalilaan hore u yeeshay.

= Maleeshiyaadka Laascaanood ka dagaalamaya ama Huwanta ayuu Maraykanku ugu baaqay in aanay weerar ku qaadin ciidamada Soomaalilaan. Qoddobkani waa ka keenay dagaalka labada bilood iyo dheeraadka socda, oo ay mar kasta Huwantu weerar ku soo qaadayso fadhiisimada ciidamada Soomaalilaan. Waa dhirbaaxo ku dhacday Huwanta oo lagu leeyahay dagaal ma qaadi kartaan.

= Sii jiritaanka dagaalka Laascaanood wuxuu keeni karaa inay kooxaha argagixiso ahi ay meesha ka abuuri karaan. Qoddobkani waa ka ugu weyn ee ay dalalka jaarkuna ay ka cabsi qabaan haddii aan deg deg colaadda loo soo afjarin. Haddii nabad la waayana in xoog lagaga saaro kooxaha ay argagixisadu ku soo dabo-gabbanayso. Waxa kale oo uu warsaxaafadeedu soo dhaweeyey siday dawladda Soomaaliya uga qaybqaadatay nabadda iyo odayaasha dhaqanka ee xallinta u socda iyo siduu madaxweynaha Soomaalilaan u soo dhaweeyey ergada.

= In jadwal cad loo dhajiyo doorashooyinka Soomaalilaan ayaa qoraalka ku jirtay. Qoddobkani waa mid si toos ah u khuseeya guddiga doorashooyinka Soomaalilaan oo ay tahay inay doorashadda ururrada meel ku tiiriyaan, si saddexda xisbi ee soo baxaa ay doorashada madaxtooyada u galaan. = Ugu dambeyntii, waxa lagu sheegay qoraalka in xeerarka 212(a)(3)(C) loo adeegsan doono in laga xayiro dalku-galka iyo dhalashadda masuuliyiinta Soomaalida kuwa xilka haya, kuwii hore iyo shakhsiyaadka ee la rumaysan yahay inay xagal daacinayaan dumquraadiyadda Soomaaliya oo ay Soomaalilaan ku jirto. Qoddobkani waa mid guud oo wuxuu si gaar ah u khuseeyaa kuwa haysta dhalashada Maraykanka ama u safra.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com