Falkii Baarlamaanka Ka Dhacay iyo Fal-celinta Xukuumadu Qaadi Karto.

Saddex arrimood ayey xukuumadu ku dhaqaaqi doontaa maalimaha soo socda si ay uga jawaabto ansixintii jujuubka ahayd ee uu guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ku dhaqaaqay.

= In wixii la ansixiyey lagu horistaago Golaha Guurtida, oo ay dib ugu soo celiyaan golihii jujuubka ku meelmariyey.

= In Xildhibaannada muxaafidka ahi ay dacwada u gudbiyeen maxkamadda sare oo ay kaga cabbanayaan wixii la ansixiyey inay waxba ka jiraan ka soo qaado.

= In xukuumaddu ay bartilmaameedsato guddoomiye Cabdirisaaq oo loo adeegsado xildhibaannada muxaafidka iyo kuwa Maxamuud Xaashi si ay uga tuuraan kursiga guddoomiyaha golaha wakiillada.

Dhammaan inta ay socdaan hawlahani waxa la isla galayaa bisha Oktoobar 13-keeda oo ah maalinta ay dhacayso muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaynayaan xukuumadda.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com