Faraqa u dhexeeya Waddani Xirsi iyo Waddani Cirro W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waddani Xirsi waxa lagu gartaa: waxa ay u ololeeyaan doorashada ururrada, waxa ku xeersan qunyar socod hadalka u fiirsada, reernimo qaawan kuma hadlaan, shirarka waxa ay u galaan qaabkii Kulmiye, murannada fursad u siinaya xukuumadda inay xilka sii haysato kuma badna. Codka siyaasad furfuran iyo hadallo dabacsan in lagu doono.

= Waddani Cirro waxa lagu gartaa: waxa ay ku ololeeyaan, dhaar, hanjabaad iyo faan, doorashada madaxtooyada ha la qabto ama dagaal sokeeye, waxa ku xeersan shakhsiyaad caaddifad reernimo madax martay oo halhays u leh 32 ayaanu qatanayn, shakhsiyaad hadallo xanaf leh warbaahinta la taagan, qaabka codka loo doono waxa ay u fahmeen xoog, dagaal iyo hanjabaad.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com