Faraqa u dhexeeya Waddani Xirsi iyo Waddani Cirro (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waddani Xirsi waxa lagu gartaa: waxa ay u ololeeyaan doorashada ururrada, waxa ku xeersan qunyar socod hadalka u fiirsada, reernimo qaawan kuma hadlaan, shirarka waxa ay u galaan qaabkii Kulmiye, murannada fursad u siinaya xukuumadda inay xilka sii haysato kuma badna. Codka siyaasad furfuran iyo hadallo dabacsan in lagu doono.

Waddani Cirro waxa lagu gartaa: waxa ay ku ololeeyaan, dhaar, hanjabaad iyo faan, doorashada madaxtooyada ha la qabto ama dagaal sokeeye, waxa ku xeersan shakhsiyaad caaddifad reernimo madax martay oo halhays u leh 32 ayaanu qatanayn, shakhsiyaad hadallo xanaf leh warbaahinta la taagan, qaabka codka loo doono waxa ay u fahmeen xoog, dagaal iyo hanjabaad.

Waxa qoray: Cali Cabdi Coomay