Imaanshaha W/Faratoon ee Wasaarada arimaha dibada SL raggii saluugsanaa ayaan ku jirey, weli sidii ban ahey laakiinse odeygu in uu maalin nasiib badan dhashey ayaan malaystey, (Faratoon Nasiib Badane) in uu la baxsho ayeyba aheyd, intii uu wasaaradaas joogey Somaliland sadex jaanis oo waaweyn ayaa soo marey, si 100% ah qaarkood loogama faa’ideysan laakiin waa la isku dayey intii aqoon iyo awood la tahli karayey qiyaastii.
1.Somaliya ayaa dhawaan ninkii UN-ta ee Nicholas Hysom iska eridey si qaawan, oo ahaa nin Britisha asal ahaantiisu aheyd laakiin South African inoo matalayey, eryitaanka ninkaasi dawlada Britaaniya ayaa ka cadhootey UN-tana dood dhex dhigatey ay rabtey in ay hilfaha ku xiirto dawlada taagta daran ee Somaliya, Nasiib xumo, beerkaba yagga oo aan laf ka filaneyn ayaa odey weyn kaga soo dhex baxey meesha oo horaanba badda Somaliya laga xaraashay, Shiinaha-weeyiye, de bartii ayaa maryo dhiigle lagu kala furtey, Biritana sidii ay yeeli laheyd ayey yeeshay oo waata wasiirkeedii gaashaandhiga Hargeisa usoo dirtey iyadda oo ku xumeyneysa Somaliya, Kan ayaa ahaa jaaniskii ugu horeeyay uguna cajiibsanaa ee soo marey Somaliland intii Faratoon jooggey.
2. Kan labaadna waxa uu dhacey dhawaan, Farmaajo iyo Oromka Abiye ayaa waxa ay horaan heshiis indho-beel ahaa kuwada galeen Addis Ababa in Abiye aanu la kulmi karin maamul goboleedada Somalia midkoodna maca Somaliland oo ay si guud u tirsadaan, kedib qorshaha oo sidaas ah ayaa danni gubtey Saaxiibkeen Dr Abiye, siyaasaduna waaba inta (Interest)-Dan meesha imanayso’e, waxa ka dhacdey meesha wixii hore quba, waaka Dr Abiye, Farmaajo iyo Muuse Biixi mar qudha u wada yeedhay, Farmaajo waa nin maskax badane waaka iska diidey Dr Abiye sida jariirahada qaar qoreen, dadkiisiina (Conspiracy Theory)-Aragti shirqoolid ahaan si caqiibo le ugu abuuray (Narrative) kale oo cajiiba, tabta Actor-da Hollywood-na u mataley sheekada ah in uu la kulmay Mr Geellaha Djabuti, dadkuna u ogyihiin in dhawaanahan geeska oo laba qaybood ahaa Mr Geelle ahaa qeybta aan la dhacsaneyn siyaasada Dr Abiye, ala fariidsanayaa!, Muuse Biixi isaggu tag oo hawshiisa intii karaankiisa aheyd soo samee, mar hadii uu Tie cas ninkii oromka ahaa u xidheyna anigga iga gar hel maalintaas.
3. Tan sadexaad waa mid qoyan yaddu weli, mar aan fogeyn ayaa waxa dhul isku qabsadey labada dal ee jaarka ah ee Somalia iyo Kenya oo maxkamada dunida u sareysa ee Hague isla galey, yadda oo taasi jirto ayaa intaasba dawladaha Kenya iyo Somaliya waxa ay xeerinayeen in danta la isku qabaa ka weyn tahey dhulyar oo lagu muransan yahey, laakiin nasiib xumo arintii si loo fikireyba Kenya ayaa dhiiga isku kicisey oo ku wacad furtey Somalia, habeen madow kii Tarsan ee safiirka ahaa ugu goodisey in uu beri subaxa wadankeeda ka baxo, keediina u yeedhatey, Somalia yaddu sidii aan maalinta dhaweyd soo sheegay (Modern Slavery) ayey ku jirtaaye jawaab caato ah ka bixisey xaaladaas diblomaasiyeed ee cakiran, boogna dusha lagama dhayee weli ku belbeshay intii aan la baxnaanini, ilaa hadda xan soo baxeyseyna waxa ay sheegaysaybin Dawlada Kenya ay casuuntey odey Muuse Biixi dhawaan oo uu tagayo Nairobi, maanta oo u danbeysey ninka hogaanka ka ah isbaheysiga Thirdway Alliance ee Dr Ekura Aukot-na ayaa dawlada ku dhaliilayey in ay ka gaabisey la macaamilka diblomaasiyeed ee Somaliland, Tan ayaa aheyd yadna tii u danbeysey.
Note: Wasaaradeenu sida la isku wada raacey siyaasadeedu maaha Pro active Policy ee qadarka ayeynu iska sugnaa inta uu wax inoo keenayo.