Cilmi ahaan ma sahlana in si fudud loo goโaamiyo in fariidnimadu ay tahay u dhalasho ama barasho. Faylasoofiin iyo culimada cilminafsiga oo tiro badan ayaa aaminsan in ay tahay arrin la xidhiidha hidde-sideyaasha oo loo dhasho, tiro kale oo aan ka xujo yarayn ayaa iyaguna ku doodaya in inta ay barasho iyo duruufo samee tahay, ay ka badan tahay inta ay abuur hidde side la xidhiidho.
Waxa se uu nuxurkeedu ku soo ururayaa in fariidnimadu ay tahay u dhalasho iyo barasho isku lammaan. Waa arrin abuurta hidde-side la xidhiidha, laakiin haddana raad muuqda oo koboc iyo hoos u dhacba keeni kara ay ku leeyihiin duruufaha ku gadaaman geeddisocodka nololeed ee qofka, tusaale ahaan aqoonta qofka oo korodha, maskaxda oo uu carinta ku badiyo, cuntada nafaqada isu dheellitiran leh, la macaamilka dadka aqoonta iyo waayoaragnimada dheeraadka ah leh, akhriska badan ee waxtarka leh iyo aqoon korodhsiga, duruufaha nololeed ee uu qofku ku soo barbaaro ama marka uu weynaado la noolaado, tababarrada maskaxda ee qofku uu qaato, iyo arrimo badan oo la mid ah, ayaa xoojiya xusuusta, dhugmada, tabaha xallinta khilaafaadka ee qofka, codkarnimada, kartida, xakamaynta darenka, iyo guud ahaan koboca fariidnimada qofka.
Haddaba, sida aynnu hore u xusnay, fariidnimada dareenku waa midda ugu muhiimsan ee qaybta libaax ka qaadata fududaynta nolosha qofka iyo la jaanqaadista duruufaheeda is ged-geddiga badan.
Daniel Goleman, buuggiisa “๐๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐๐ง๐๐: Why it can mater more than IQ, Waxa uu fariidnimada dareenka ku qeexayaa in ay tahay, โAwoodda uu qofku u leeyahay aqoonsiga, fahamka iyo Maaraynta dareenkiisa iyo dareennada dadka kale ee uu la macaamilayoโ
Goleman isaga oo sida muuqata ka duulayaa in qofku uu bacarimin karo fariidnimadiisa caadifadeed (EI), waxa uu ku doodayaa in fariidnimadani ay lagama maarmaan u tahay guul kasta oo uu qofku ka samaynayo nolosha dhinacyadeeda kala duwan, taas oo ay ku jirto shaqada, xidhiidhada, wanaagga xaaladda guud ee caafimaadka qofka; jidhka, maskaxda, xasiloonida dareenka, xidhiidhada bulsho, ku qanacsanaanta nolosha iyo sida oo kale farxaddiisa.
Goleman waxa uu buuggan ku sheegayaa afar tiir oo ay ka koobantahay fariidnimada dareenku, kuwaas oo ah:
1. Feejignaan: Waa awoodda uu qofku u leeyahay in uu akhriyo, fahmo dareenka ka dhex guuxaya qofka uu la macaamilayo.
2. Maaraynta nafta: Qofka oo awood u yeesha in uu xakameeyo, isla markaana maamulo dareennada iyo waxyaabaha riixaya ama dhiirrigelinaya qofka uu la macaamilayo.
3. Feejignaan bulsho: Waa qofka oo awooda in uu fahmo dareenka dadka kale, isla markaana u muujiyo la dareen noqosho iyo calool dabac.
4. Maaraynta xidhiidhka: Waa qofka oo awood u leh in uu dadka ama qofka kale la samaysan karo xidhiidh, isla markaana uu xidhiidhkaas ku ilaalin karo in uu noqdo mid caafimaad qaba oo aanay dhibaato ka soo gaadhin
Afartaas dabeecadood ayaa uu bidhaaminayaa in ay marag u noqon karaan in qofku uu fariid dhinaca dareenka ama caadifadda ah yahay (Emotional Intelligence).
SIDEE AAD U XOOJIN KARTAA FARIIDNIMADAADA DAREEN (EMOTIONAL INTELLIGENCE)
W/Turjumay: Kamaal Marjaan
Bandhige@gmail.com