Farmaajo siduu ku iman karaa Hargaysa? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadkii 1948 waxa laggu dhawaaqay wadanka Isreal , waxaana  diiday oo is hortaagay wadamada Carbeed iyo guud ahaan wadamada Islaamka , khilaaf meeshaas ka dhashayna wuxuu sababay sadex dagaal oo waawayn oo ka dhacay geyigaas .

Hadaba dagaalkii ugu danbeeyey ee dhex maray Masar iyo Israel 1973 ka dib , Madaxwaynihii Masar ee Anwar asadat wuxuu booqasho ku tagay Isreal 19 November 1977 , waxaanu ku dhawaaqay in uu aqoonsaday Isreal dawladnimadeeda , waxaanu noqday Madaxwaynihii koobaad ee islaam iyo caraba ee aqoonsaday Isreal .

Sidaas oo kale , Farmaajo wuxuun buu Hargaysa iman karaa isagoo aqoonsadda Somaliland  , kuna dhawaaqa qiritaanka dawladnimadeeda , markaasna wuxuu xaq u leeyahay in lasoo dhaweeyo oo uu qudbad ka jeediyo labadda gole Baarlamaan .

Hasa yeeshee Booqasho Farmaajo ku yimaado Hargaysa isagoo aaminsan in uu yahay Madaxwayne ina xukumaa waxay qudh-gooyo ku tahay Somaliland , dhaawaca ay ina gaadhsiisaana ma noqon doono mid dib looga soo kaban karro .