Farqiga u dhexeeya Cadaalada iyo Sinaanta (WQ: Garyaqaan Maxamed Ibraahim Cismaan)

1. Cadaalada

Cadaaladu Macno ahaan waa lidka dulmiga, waana in lagu abaalmariyo qofkii sameeya xumaan, xumaan lamida, qof kii wanaag sameeyana wanaad lamida. Sida aynu ognahay ujeedada cadaaladu waa in lagu toosiyo nafaha bini Aadamka wax kasta oo dhib ah diin ahaan iyo aduunyo ahaanba. Fahanka guud ee cadaaladu waa in la diido dulmiga iyo cunsuriyada. Meelaha ugu muhiimsan ee lagu dheehdo waa xeerarka bulshada iyo siyaasada IWM. Sida dhabta ah cadaaladu waa simitaanka xuquuqda iyo waajibaadka dadka dhexdooda, iyo siinta qof kasta wuxuu x

aq u leeyhay, haduu wanaag sameeyo wanaag, haduu dhib sameeyona dhib.

2. Sinaanta
Sinaantu macno ahaan waa marka ladheho laba qof ama wax ka badan hala simo xaga xaqa, waa

jibaadka cadaalada iyo simista dhan walba. Sinaanta dadka waxaa looga jeedaa in loo cadaalad sameeyo dhexdooda lana hagaajiyo.

Sinaantu waa mawduuc xaasaasi ah kaas oo ah in laga fogaado u kala badinta xaqa qof, qof kale. Iimaamu shaafici waxaa laga soo guuriyey in uu odhan jiray hadal macno ahaan u dhigan sidan “Halkaa lagama helin sinaan isagoo uga jeeda, hawshaa lagama gaadhin cadaalada”. Sidaa darted sinaanta waxaa looga jeedaa in uu qofku helo xuquuq lasiman xuquuqda uu helo qofka isaga la mid ka ahi, sidoo kalena uu qaado waajibaad ay
qaadaan dadka kale ee isaga lamid ka ahi, iyo in aanay jirin wax isaga gaar dheeraad ku ah ama isaga gaar looga reebay.

Waxaa waayadan danbe soo if baxay fekrado fara badan oo lagu macnaynayo sinaanta taas oo ah in meesha laga saaro kala duwanaanta dadka dhexdooda, si ay dadku dhamaan u noqdaan dad siman, iyadoo aan loo eegayn kala duwanaanta diimahooda iyo noocayada kala duwan ee jinsigooda (Lab iyo Dhidig). Sinaantaas waxaa loogu yeedhaa sinaanta
siidaysan (aan xadka lahayn), geesta kale macnaha eregan sinaantu saxda ku yahay waxaa lagu qexaa isleekaysiinta wax kasta qaab dhamaystiran iyadoo laga soo reebayo arimaha Ilaahay (SWC) shareecadiisa ku armay ee aan isleekayn ka dib markuu sinaanta sharciyeey, tusaale wax yaabaha aan sinayn waa sida raga iyo dumarka, muslimka iyo gaalada xaaladaha qaarkood.

Waxaa jira wax yaabo badan oo ay ka siman yihiin raga iyo dumarku sida dhinaca abaalmarinta iyo ciqaabaadka ay mutaysteen iyo xuquuqaha qaarkood. Waxay ka kala duwan yihiin dhinaca waajibaadka sharcigu u kala xadeeyey iyadoo loo eegayo kala duwanaanta bini Aadamka kala duwanaantiisa sida lab, dhidig iyo xaga sifooyinka ama jidh ahaan. Hadaynu dib ugu noqono sinaanta siidaysan (aan xadka lahayn), waxaa ku
jira nooc dheel- dheel ah kaas oo la simayo wax kasta haday simanyihiin iyo haday kala duwan yihiinba, si simana loola dhaqmayo. Waxaa cad in ay ciyaar tahay in la kulmiyo labo isku lid ah, hadii lasimona noqonaya leexin cadaaladeed.

Sinaanta VS Cadaalada

 Sinaantu waa hadafka lagu gaadho cadaalada, waana halka u danbaysa ee lagu xaqiijiyo cadaalada, halka cadaaladu tahay xaq siin ay waajib tahay in loo sinaado.
 Sinaantu waa qiimo iyo hadaf, cadaaladu waa dhaqan.
 Sinaantu waxay koobsanaysaa sar-gonaan, halka cadaaladu koobsanayso simis iyo kala duwanaanshoba.
 Diinta Islaamku waa Diin Cadaaladeed, maaha diin sinaaneed. Sidaa darted cadaaladu waa miisaanka dhamaan dhinacyada bulshada la siinayo mid kasta oo xaq leh xaqiisa iyadoo aan dheeraad lasiinayn hoosna looga dhigayn. Laakiin sinaantu waa in la simo labo arimood maadaama uu jiro arin kala kaxaynaya laba dooda sida aynu hore ku
soo sheegnay.
 Shareecada Islaamku waxay amartay cadaalada dhamaan dadka oo dhan dhexdooda, qaab siidaysan (aan xad lahayn), waqti kasta goob kasta.
 Ilaahay (SWC) wuxuu amaray cadaalada kitaabkiisa sharafta badan
aayadaha ugu waa weyn, iyadoo aanay lasocon sinaantu. Sidaa darted cadaaladu waxay noqonaysaa waqti kasta, halka sinaantu noqonayso waqtiyo gaar ah oo keliya.
 Sida caadiga ah sinaantu waxay dadka dhexdooda ka gashaan arimo gaar ah, mar marna waxaa ka jira wax aanay ka sinayn, sida awgeed sinaantu waa waajib, laakiin maaha mid sii daysan oo aan xad lahayn, waxaana ku xidhan shuruudo waana waajib in lasiiyo qof kasta oo xaq u leh xaqiisa waqti kasta, goob kasta iyo xaalad kasta.

Faa’iidooyinka Cadaalada

Cadaaladu waxay leedahay faa’iidooyin faro badan waxaana ka mid ah;
1. In Ilaahay (SWC) dadku raali geliyaan,dadkuna ay is raali geliyaan dhexdooda.
2. Cadaalada waxaa ugu weyn ee laga helaa in uu nabad noqodo qofka sameeyaa labada daaroodba (Aduun iyo Aakhiriba).
3. Madaxda cadaalada sameeya waxaa lagu gartaa, waxay gaadhaan horumar iyo sumcada magacooda oo kur u qaadanta.
4. Waxaa jirta in cadaaladu meelo badan gasho sida samafalka iyo daacada.
5. Tiirka cadaaladu ku taagan tahay waa xaqa, in la diido dulmiga iyo dulmi wadayaasha.

Faa’iidooyinka Sinaanta

Faa’iidooyinka sinaanta waxaan ku soo koobaynaa;

1. U garsoorida laba kooxood oo isku dhacay, sidaana kooxdii dhibaatada la gaadhsiiyey ay ugu dareemaan una helaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna helaan si dhamaystiran xaqooda.
2. Helida garsoorid dadka dulmiya, dadka kale una malaynaya in ay ka sharaf badan yihiin dadka dhigooda ah ee ay dulmayaan.
3. In laga takhaluso dulminimada iyo hoos u dhiga, korna loo qaado dadka qaarkood oo u malaynay in aanay la sinayn dadka dhigooda ah ee kale.
4. Xasilinta dadka si loo gaadho maamul cadaaladeed iyo siyaasadeedba oo aan kala sooc lahayn, dadka dhexdooda lagu kala saarayn sababo la xidhiidha isirkooda, jinsigooda (lab iyo dhidig), iyo talaabo oo kasta wax lagu kala saaro, silo gaadho cadaalad siyaasadeed.
5. In la helo sinaanta raga iyo dumar xaga xuquuqaha qaarkood, cibaadada, abaalmarinaha ciqaabahaa iyo in la dareensiiyo dumarku qiimaha ay bulshada ugu fadhiyaan ee aanay ahayn dhinac liita oo bulshada ka mid ah.
6. In la xaqiijiyo nabada, sugnaanta bulshada iyo xasiloonida dadka
iyadoo la dareensiinayo qofna in aanu ka yarayn kana badnayn qofka
kale eel amid ah, si loo helo xuquuq bulsho oo dhamaystiran.

FG: Fekerkan waxaa leh qorayna
Garyaqaan Maxamed Ibraahim Cismaan

Gmail: garyaqaanmohed@gmail.com
Tell: 063-4027667
Taariikhda:- 21/06/2020 (10:00 Am Axad).