Farqigii u dhexeeyey xalaasha iyo xaraantu wuu soo yaraanayaa! (W.Q. Maxamed Cali Bile)

Waxyaabaha aan Hargeysa ku soo arkey waxa iigu yaab badnaa waxa ugu weyn xalaasha iyo xaraantu maba kala soocna. Hantida ummadda sheekh iyo shariif iyo aqoonyahan kii soo gaadhaaba ma nabad-gelinayo. Dad aan shanta salaadood ka tegeyn oonu soonka maalinna ka tegeyn ayaa ku takri falaya hantida ummadda oo lacag leh, dhul leh, ganacsi leh.

Baqashadii aakhiro iyo cadaabtu masaakiinta uunbey ku sii hadhay. Berigii hore waxa la isku khuukhin jirey qofkii xoolo agoomeed cunaa wuu ku gubtaa. Ka waran kuwa maanta cunaya 5 malyuun oo agoon amaanadii loogu dhiibey ah. Wadaadadii iyagii ayaa lacag jeceyl iskugu biyo shubtey oo lacag iyo ganacsi ayay in badani eryaneysaa. Habeenkiina wax ay wacdiyayaan masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar shilin qoraxda u fadhiya oo kartoon ku tukada. Arki meysid wadaad badheedhaya oo sheegaya dulmiga. Masaakiinta uunbaa looga sheekeeyaa xaraantu waxa ay tahay.

Tuug masaajid kabo ka xadey oo qalalsan oo la xukumayo mooyee, arki meysid qof la xukumayo oo loo heysto xoolo ummaddeed inuu cuney. Dawladnimadu eedan in badan ayay ku leedahay oo waxa aad moodaa ama iney ogoshahay ama ay indhaha ka qarsaneyso. Balse dhaqankani waa mid dhaafsiisan dawladda oo dhiigii dadka ayuu raacey. Nin aan u heystey awliyo Ilaahey oo meeqaam sare ka gaadhey madaxtinimada ayaa waxa laga sheegayo iyo waxa iiga muuqdeyba ay iga fajicisey. Xoolo aanu isaga iyo aabihii toona weligood shaqeysan ayuu faraqayaa. safka salaadana isagaa kaaga horeeya.

Qof mushaharkiisii $1,000 aanu gaadhin ayaa hal maalin casuumad ku sameynaya $2,000. Anigu maan sheegin haddey dadkani sitaan footookoobi lacagta lagu daabaco. Inta casuumaddaa xaaranta ah ka soo qeyb galeysaa, salaadda ayay mar wada geleyaan intaaney xaaraanta caloosha ka buuxin. Intuba wey wada ogyihiin in waxan la cunayaa aanu aheyn dhididkii qofkan wax casuumey ee ay tahay lacag ummaddeed.

Kuwan farta ku fiiqaya ee leh waxbaa la cuney, in badani fursad uunbaan soo gaadhin ee marka ay u marto, iyaga laftooda ayaan dhaafeyn. Sidey u muuqato, xoolaha ummaddu xaraanba ma xisaabsana, ha noqoto lacag, ha noqoto cashuur la dhaafey, ha noqoto dhul la boobayo ama sifo hoose lagu bixinayo ama lagu iibinayo ha noqoto, aqallo dawladdeed oo dad laga iibinayo ama lagu wareejinayo ha noqoto.

Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney, waxa kale oo la yaqaaney dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman jirey iney lacagta dawladda ku takri falaan. Iminka labadaasiba bikh. Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa ummaddii ku batay. Waa dad caadi ah qaar suudh xidhan yihiin, qaar qamiisyo iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl, xalaal iyo xaaraan tuu doon haku helee.

Waa muhiim in arintan lagaga hadlo goobaha lagu tuhunsanyahay in dhaqankani ka jiro. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu dhididkiisa ku soo shaqeysan aaney salaadi u ansaxeyn. In haddii shaadhka uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin. Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag aan dhididkaaga aheyn aanu afur xalaal ah kuu noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin, macnihii wuu ka tegeyaa.

Wey jiraan dad badan iyo wadaado badan iyo madax dawladdeed iyo ganacsato badan oo xalaal quutayaal ah oo xalaal cun ah. Balse, kuwaasi wey soo yaraanayaan. Qoladan kale ayaa ka badatay. Takale, xalaashii iyo xaraantii ayaaba macnuhu ka sii tegeyaa.

 

W.Q Maxamed Cali Bile

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com