Faryaro bidix! (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

Xummad, xubbi, xamaasad, qiiro, jidbo, kulayl iyo salfudayd midna uma baahna xidhiidhka caalamagi ahi. Waa dano is-dul saaran, waa xuub caaro, waa dabinno, haadaamo, ama “booraamo hadimiyo hogag lagu dhacaayoo ku hantaaqa weeyee”.

Ku darso oo ku-xumee, kaga aargooso, iyo aanooyin hore in dhakhso loo kala goostaa ka mid ma aha eray-bixinta siyaasadda bogna kagama qorra qaamuuska diblomaasiyadda.
Waa hallaasi, indho-sarcaad, hoos-beenaad ka madhan caadifad, jacayl, iyo qiiro.
Waxa lagu badbaadaa waa dabin-ka-boodnimo, soo jeed, dhago-dhegayn, xuuraan,iyo bacda oo ku shaqaysa.

Haddii kale waxa laga dhaxlaa shalaayti, hoos-u-oy, farta oo dhexda laga qaniino , talo iskuma kaa sheegto iyo “fartayda yaa subagga daray?”.

Waxa aan ku dhaqannahay gobol ay ku hirdamayaan awoodo dhaqaale, siyaasadeed iyo fikradeed oo si aan kala go’ lahayn isku badalaya, ilbidhiqsi kastana laga fili karo afar fajac iyo af-kala-qaad.

Saamaynta wadamada aynu ood-wadaagta nahay iyo kuwa durugsan midna lama dhayalsan karo maadaama markasta ay gudaha ka heli karaan kooxo u riyaaqa aragtidooda kama danbayntana u heellan in ay fulliyaan ajandayaal galti ah oo dadka iyo dalka midna aan dani ugu jiran.

Si loo baajiyo deganaansho la’aan siyaasadeed, loollan awoodeed iyo qaybsan kooxaysan, waa in talo qaran lagu guddoonsado reerka halka la furayo. Dadka iyo dalkuba way ka waynyihiin wax lagu ficiltamo ama doonis qofeed loo faruur-xidho.

Waa in sidoo kale kasha lagu hayo in unkidda, ababinta iyo taabba galinta qaranku u baahantahay wakhti ka badan cimriga hal fac, laba iyo saddex toona. Sidaa awgeedna la diyaariyo qorshe qori-isku-dhiib ah oo suuro gasha dhitaynta tamarta, aqoonta iyo sooyaalka dhaqan-siyasadeed ee bulshada. Arrintan oo kaliya ayaa lagaga badbaadayaa in maalinba ninka middida daabkeeda hayaa dadka iyo dalkaba ka dhigto tiijaabo iyo gooli baadh.

Markan oo kale waxa lagu samato baxaa waa talo, aqoon, kaadsasho iyo sahanka oo loo xilsaaro guurti, in-dheer-garad iyo nin aan lahayn dan kooban iyo baahi qofeed oo ka indho iyo dhagaba tirta danta guud. Waxa kale oo lagu dedaalaa dhiirri galinta iyo kobcinta caqliga iyo cududda dadka si isku-tiirsanaanta gudaha loo xoojiyo.

Fidno diimeedka, qulqulatooyinka siyaasadeed, xuladka lala wareegayo ee reeraha nagi lala goobayo, xasaradaha aloosan, iyo baaxaa-degga dhaqaale waxa ay u baahantahay Alle tuug.
Isku-fillaansho dhanka cunnada ah ayaa u muuqata furaha qaadashada go’aamo saamaynta calooshu ka madhantahay. Sidaa awgeed ninkii beer lahoow falo waatii 15km dalaggeedaa innaga fara cad la yidhee. Kalluunkana yaan loo daymo la’aan. Biyaha xareedana majaroor ku leexsada oo kaydsada. Qashinkana nooga daaya dooxyada. Deegaanku waa ammaano inta aan dhalan an gaadhsiinayno.

Ictiraafka ka hor an noolanno, ka dibna aan noolaanno.

“Taws nin leh ayaa u galgasha, tolna wuu u irkiyaa”

+++++++++++++++++++++++++++++

Waxa aan leeyahay ” Khalaqalaah heshiis” oo hooyaday tidhaa marka jinka, qolyaha, rooxaanta iyo cafaariidda la hadal qado.

َخلَقَ الُلهُ ِهشِيس.

#HUUNNO

Qalinkii: Cumar Cali Cabdillaahi