Feminism: Taariikhdiisa, Afkaarta uu ku salaysan yahay iyo Marxalladihii uu soo maray, Q.2aad (WQ: Dr. Cabdikariim Daahir Xasan)

Mowjadii saddexaad ee feminismku waxay ku beegnayd sagaashanaadkii qarnigii tegay, waxaanay ka curatay saluug faca cusub ee feminism ku ka qabeen guulihii laga soo hooyay labadii mowjadood ee hore. Jiilasha cusub oo aan soo gaadhin duruufihii dhaqan-dhaqaale ee dumarku ku noolaayeen bilowgii qarnigii tegay isla markaana la kowsaday caqabado bulsho oo hor leh ayaa waxay ku dhiiradeen in ay naqdiyaan, kuna gacan saydhaan istiraatijiyadii loo maray mashruucii xoraynta dumarka oo ay u arkeen in lagu qasaaray, gaabis uu ahaa, si fiican aan loo hagin, ugu danbayntiina dumarka culays kii ay ka dagaalameen ka wayn usoo jiiday.

Dooda ay qabaan hormuudka feminism ka mowjada saddexaad waxay leedahay โ€œMarkii dumarka yool looga dhigay in ay la sinmaan ragga, oo kaalin kasta oo nin buuxin jirayba ay buuxiyaan, sifooyinka ragga ay ku qabsadaan waxa la wayneeyay korna loo qaaday labbnimadii; taas oo wajigeeda kale yahay in dhedignimadu liidato, kaalinta dabiiciyan dumarku nolosha kaga jiraanna ay qiimo yar tahay sidaa awgeedna halkii la sinnaan lahaa, dumarkii waxay ku lifaaqmeen raggii. Sarayntiina waxa loo dhigay in ay labbnimada ku lammaantay.โ€ Jiilka cusub waxay leeyihiin istiraatijiyada noocan ah waxay hoos usii dhigtay martabadii dumarka waxaanay rabaan in kaalinti dumarku ay kaga jireen nolosha ee ku sanbanaanayd abuurtooda bayoolaji waa dib loosoo celiyo, lana muujiyo, isla markaana ragga lagu qasbo in ay dumarka kaalintooda la qabtaan.

Tiro aad u badan oo ah u hormuudka mowjada sadexaad ee feminismku waxay marayaan in ay xataa diidaan adeegsiga ereyga feminism iyagoo ku andacoonaya in uu noqday erey lagu faquuqo dumarka.ย  Waxay aaminsan yihiin labadii mowjadood ee hore in aanay ku guulaysan in ay feminismka ku qotomiyaan aragti aqoonneed oo adag (weak theorizing). Sidaa darteed sadex arimood ayay u xusheen inay yihiin god daloolooyinka halis wayn ku noqon kara sii tamarinta dhaqdhaqaaqa feminismka kuwaas oo ay tahay in la gufeeyo.

Ta koobaad waxay ku tilmaameen in xuquuqdii haweenka loo raadinayay kusoo koobantay dabaqad keli ah oo midab, dhaqan, iyo duruufo isku mid ah wadaaga โ”€waa dabaqada dhexe ee dumarka caddaanka aheโ”€ taasina waxay keentay in haween waynihii caalamku ka sheexaan, aamininna waayaan mabaaโ€™dida feminismka. Arinkan waxa lagu saxayaa, ayay leeyihiin, in la qaato intiraatijiyad loo bixiyay โ€œIntersectional multiperspectival feminism.โ€ Aragidan cusub waxay leedahay dumarnimadu maaha xaqiiqo qaab keli ah leh. Dumarka caalamku waxay ku kala duwan yihiin midabka, diinta, qowmiyadda, dhaqanka, duruufaha dhaqaale iyo deegaan ee bulshooyinkooda; waxay leeyihiin khibrado dulmanenimo oo kala duwan, sidaa darteed hadii la rabo in feminismku sii ahaado awood dumarka oo dhan u dooda waa in tirada lagu daro kala duwanaanshaha duruufaha dumarka iyo dhedignimada.

Waxa iyana saamayn wayn ku yeelatay hayaankii xarakada feminism-ka marxallada caalamku galay ee loo yaqaan โ€œpostmodernismโ€ oo aan ogolaanayn in feminismka cusubi fariin midaysan oo gobol kasta oo aduunka ka mid ah ku habboonaata hindiso. Sidaa darteed, mowjada saddexaad ee feminismku waxay ogolaatay in ay jiri karaan dhaqdhaqaaqoย  feminism ah oo kala madax-bannaan laakiin midkastaa uu fariin iyo ajande u gaar ah oo degelkiisa ku habboon xoojiyo (multivocality). Tusaale, ahaan fariinta Somalida lagaga dhex ololaynayaa way ka duwanaan kartaa fariinta Yurub, wadamada carabta ama latin amerika lagaga howl gelayo, hadafka loo socdaase waa isku mid; qodobka saddexaad, waxay yidhaahdeen waa kala qaybsanaanta iyo muranka akhlaaqeed ee ka dhashay aragtidii xagjirka ahayd ee jandarka (gender) oo keentay in feminismka laftoodu ku kala qaybsamaan nuxurkiisa. Taasi waxa lagaga gudbayaa ayay yidhaahdeen in aynu wada ogolaano kala duwanaansho ku saabsan fahamka jinsiga โ€œsexualityโ€ oo loo daayo in bulsho kastaa ay u fasirato hab la jaan qaadi kara qiyamkeeda iyo dhaqankeeda si feminism ku aanu ugu muuqan aragti qaloodi ah oo dusha lagaga keenay.

Marka lasoo ururiyo, mowjada saddexaad ee feminismka waxa ujeedadeedu ahaa in dib loo saxo, la naqdiyo (self-critique) lana dardar geliyo dhaqdhaqaaqa. Waxay isku deyayeen in ay feminism ka ka jafaan dheg xumooyin mudo dheer la jaal noqday iyo in ay ka beriโ€™yeelaan dacaayado bulshada u dhex xulay. Aqoonyahanka xaalada feminismka u kuur gala ee daraasadeeda waxay aaminsanyihiin in feminism ku isugu biyo shubmay kooxo dumar ah oo keliyoobay, cadhaysan, isla wayn, isla markaana madax adag oo an garowsan xaqiiqooyinka burinaya doodooda. Waxa feminism ka lagu eedeeyay inay hormuud u noqdeen anshax daro jinsi ah (promiscuity), qoys burburin (family disintegration), iyo ku macaashida baylahda dhabta ah ee dumarka iyadoo aan xal muuqda loo hidin (women exploitation).ย  Waxay aaminsan yihiin in feminism uu noqday mashruuc ay ku maxaafsadaan dabaqad kooban oo dumarka bulshooyinka horumaray ah kuwaas oo isku deyaya inay xaliyaan dhibaatooyin iyaga uun u muuqda.

Feminism ka oo ku bibaabmay xarako xuquuq raadis ah waxa uu isu bedelay awood dhaqan doorineed oo loogu gabado dhaqan kasta oo iska caabiya fikradaha libaraalka iyo hanti-goosiga. Mowjada saddexaad talo galkeedu waxa uu ahaa in ay magac darradaa laf-jabka ah ka maydho feminism ka, hasayeeshee, ma ku guulaysteen waa su’aal kale oo doodi ka taagan tahay.

Dr Abdikarim Dahir Hassan โ”€ waa dhakhtar caafimaad oo wax ka qora caafimaadka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Waa bare wax ka dhiga Jaamacadda Hargaysa.

ckariim2411@gmail.com

Hoos ka akhri qaybtii 1aad:

Feminism: Taariikhdiisa, Afkaarta uu ku salaysan yahay iyo Marxalladihii uu soo maray, Q.1aad (WQ: Dr. Cabdikariim Daahir Xasan) | Bandhige- Wararka Somaliland iyo faallooyinkoodaย