1: Fikir wax dhisa (Constructive Thinking)
Waa fikirka maskaxda ka imanaya, kuna salaysan degganaan, hubsiimo, xal raadin waqtiga iyo duruufaha la jaanqaadaysa (waaqici ah) talo-saarasho Alle; kana madhan is ciil-kaambiga iyo fikirrada tabnaanta ah. Waa nooca fikir ee la isku ladho qorshihii lagu fulin lahaa (Action plan) iyo ficil isku ladhan oo ka nasahan qar-iska xoornimo iyo caajis cagajiidnimo dhaliya.
Waana nooca fikir ee lagu saleeyo qadarka in uu qofku aamino.
2: Fikir wax dumiya (Destructive Thinking)
Waa nooca fikir ee aan laga baaraan dagin muddo ku filan, dhinac kali ahna laga eego. Waa mid ay hoggaamiso caadifad ka arradan caqli, hoggaankana uu u hayo qalbigu. Waa mid ka fog oo aan ku salaysnayn waqtiga iyo duruufaha (waaqica) qofkuna isku mashquuliyo meelo soke, waa nooca fikir ee ku dhasha deg-dega la iskuna dayo in lagu fuliyo qorshe la’aan.
Waa nooca fikir ee uu qofku xoogga saaro tagtadiisii iyo xanuunkii uu waayuhu ku shaanbadeeyey qalbigiisa, waa nooca fikir ee uu qofku xoogga saaro natiijada in ka badan dedaalka joogtada ah iyo waqtiga lagu gaadhi karayo isla natiijada, sidoo kale waa nooca fikir ee ku salaysan is barbar dhigida shaqsiyaadka kugu hareeraysan.
Labadan nooc ee fikir, ka hore waxa laga dhaxlaa guulo iyo wanaag, kan danbena waxa laga dhaxlaa is dhiibitaan, isku buuq, dib u dhac iyo xanuunnada dhimirka ee khatarta ah.
Fadlan gaadhsii Asxaabtaada.