Foranta Taariikhda & Farsamooyinka Farmaajo (WQ: Hamse Khaire)

Halgankii Daraawiishtu waa halgan ay guud ahaan Soomaalidu lahayd, gaar ahaana Somaliland. 30 Sano oo ay dawlad ahayd Somaliland lama xuso, wax taalo ahna ma laha (Hadda distoorka JSL wuu ku yaal). Sababta uu yeelan waayay ee Hargeysa looga samayn waa sababo la xidhiidha “Somaliland Aan la wada lahayn”.

Waxaa hadda inoo banaan fursad aynu ku samaynayo laba taallo:
1) Mid Halgankii Daraawiishta ah (Xaruntii Taleex oo dib loo dhiso lana xafido) iyo Taaladda Sayidka Ee Hargeysa.
2) Taalladdii AxmedGurey oo iyaduna Hargeysa laga taago.

Madaxwayne Farmaajo siyaasadiisa ka dhanka ah Somaliland waa mid furimo badan ah: min taariikhda oo la dhaxal wareejiyo, Xasuuqii oo la dafiro, ilaa hawada iyo adhiga oo lala wareego. Isagu shaqadiisii wuu haystaa; Madaxwayne Biixi ayaa afka uun ka caytamay oo lahayn istaraatijad ka-hortag iyo iska-caabin ah toona. Sidoo kale ma laha qorshe lagu waajahayo arimaha Somaliland iyo Somaliya taas oo waleecada leh.