Furashadii Istanbuul sidii ay aduunka u bedeshay (WQ: Cali Maxamed Xasan “Cali-mareexaan”)

Furashadii Istanbuul sidii ay aduunka u bedeshay.

 

29 May 1453 ayey ahayd markii khilaafadii islaamka ee cismaaniyiintu oo uu hogaaminayo Mohamed Alfaatix ay qabsadeen Constantinople (Istanbuulta casrigan) taas oo berigaa ahayd caasimadii boqortooyadii Romans bari ama Imberaadooriyadii Byzantine.

Ka warami mayno waxyaabiyii layaabka lahaa ee ku gedaanaa xorraynta magaalada oo inka badan kun sano wixii quwado ku soo duulaaba ay ku jabayeen, laakiin waxaynu eegaynร a furashada Istanbul sida ay aduunkiiba u bedeshay.

1. Qabsashada Istanbul waxay soo afjartay mid ka mid ah imbiraadooriyadihii ugu ย xooga waynaa uguna wakhtiga dheerayd ee aduunka soo marta. Waxay caasimad rasmi ah u ahayd boqortooyadii Romans ilaa 330 AD ilaa iyo maalintaa ay Cusmaaniyiintu cagta mariyeen oo ahayd 29 May 1453 oo iminka laga joogo 567 sano.

2. ย Furashada Istanbuul waxay dhabbada u xaadhay qabsashadii dawladii Cusmaaniyiintu ay qabsadaan badi dalalka Balkans- ka una dhaadhacaan caloosha Yurub.

3. ย waxay bedeshay khariiradii aduunka oo waxaa kala go’ay Yurub iyo barigii aduunka, oo Istanbuul waxay isku xidhi jirtay qaarada Yurub iyo dariiqii Xariirta SILK ROAD kaas oo isku xidhi jiray ganacsiga bariga aduunka iyo Yurub. Markii dariiqaasi go’ay Yurub waxaa ka dhacay busaarad aan hore loo arag waxaanay ka fekereen in ay raadsadaan dariiqyo kale oo loo maro bariga aduunka.

4. Si ay reer Yurub uga baxaan go’doonka iyo busaarada waxay bilaabeen qorshayaashii caanka ahaa ee sahaminta si ay u helaan wadooyin badeed cusub oo ay u maraan bariga aduunka.

5. ย August 3.1492 waxaa deked ku taala Spain ka shiraaqday sahamiyihii waynaa ee Christopher Clombous isaga oo wata sadex doonyood, kaas oo u jihaystay dhinaca galbeed ee Atlantic Ocean ย isaga oo raadinaya dariiq ย loo maro China iyo Hindiya. Sababta uu galbeed ugu kacay waxay ahayd berigaa waxaa culimada sayniska badandoodu isku raaceen in aduunku yahay goobo ee aanu fidsanayn sidaa darteen waxay qiyaasayeen in marka uu galbeed u kaco uu xagaa kaga soo dhici doono wadamada bariga, hase yeeshee wuxuu helay aduunyo cusub. Labada qaaradood ee Amerika ย iyo Creabian ka ayaa noqotay qaniimada ugu wayn ee reer Yurub ka faa’iidaan furashadii Istanbul.

6. ย Reer Yurub iyaga oo xagna ka kala boobaya dhulkii balaadhnaa ee koonfurta iyo waqooyiga qaaradaha Amerika ee ay heleen, dhinaca kalena waxay sii wadeen baadi goobkii ay ugu jireen dariiqii dunida bariga loo mari lahaa

7. ย  ย 8July 1497 waxaa magaalada Lisbon ee Portugal ka shiraaqday sahamiyihii waynaa ee Vosca Da Gama, isaga oo wata afar doonyood. Isagu markan wuxuu u baxay jihadii koonfureed ee badwaynta Atlantica. Safardheer oo uu isaga gudbay badaha Atlantica iyo badwaynta Hindiya oo qaatay hal sano wuxuu aakhirkii ku guulaystay in uu gaadho Hindiya, halkaana waxaa markale isu furmay Yurub iyo barigii aduunka.

8. ย  Markii ay bari iyo galbeed isla ย heleen, damacii reer Yurub wuu sii kordhay waxaanay ku foofeen badaha. 1606 badmareerkii reer Holland Willem Janszoon ayaa noqday qofkii reer Yurub ee ugu horreeyey ee caga dhigtay qaarada Australia, muddo yar ka dibna bad- mareemadii reer Yurub waxay heleen New Zealand. Abel Tasman oo isna ahaa Dutch ayaa 13 December 1642 ku degay xeebaha New Zealand.

Dee haba ka qaban.

 

Kala go’ii Yurub iyo barigii aduunku, ka dib qabsashadii Istanbuul, waxay keentay in aduunka gebigiisiba isbedelo. Casharkaasi wuxuu Ina barayaa in marka ay kugu jiq noqoto aad caqli keento.