Furista ururrada siyaasadda Somaliland! sax mise khalad? (WQ: Maxamed Haybe)

Waxa jira khalad laga fahmay sharcigan ay Gollaha Guurtidu ansixiyeen June 27, 2021 kaas oo loo qaatay inuu sharciyeynayo furista Ururada Siyaasada Somaliland, balse taas way ka duwantay xaqiiqdu.

Ugu horayn ma jirto Ururo xidhnaa oo lafurayo mana jiro sharci la yidhaahdo ( FURISTA URURADA ) oo furista Ururada  waxa u olaleeyey hirgaliyeyna Ururkii la odhanjiray QARAN ee ay hormoodka u ahaayeen Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi, iyagaana runtii la odhan karaa waa maskaxdii keentay furista Ururada waxaana ka bilowmay muran faro badan ugu dambayntii waxay heshiis kula galeen fulinta arintan Xisbiga Kulmiye oo markaa ahaa mucaarid uu hogaaminayey ruugcadaagii siyaasadeed ee Axmed Siilaanyo, isaga ayaana hirgaliyey markii uu talada wadanka ku guulaystay 2010.

Wakhtigaa ayaa lagu cadeeyey xeerka layidhaa (XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO ASXAABTA SIYAASADA) in Xisbiyada dalka mudada ay shaqaynayaan ama cimrigoodu yahay Todan sano, Toban sano markay dhamaatana lagu kala saarayo doorashooyinka dowladaha hoose kuna soo baxayaan sadexda Urur ee ugu sareeya ayna noqonayaan sadexda Xisbi Qaran ee dalka.

Hadaba maadaama doorashooyinkeenu dib u dhacaan waxa suuro gali wayday in la qabto doorashooyinkii golayaasha deegaanada waxayna qaatay inay joogaan mudo sagaal sanadood ah halkii ay muddoxileed koodu ka ahaa shan sanadood,

Halkaas ayaa keentay inay iswaydaartaan labadii wakhti ee hore isugu sidkanaa, taasna waxay ay keentay in xal loo raadiyo wakhtigan dhacaya ee Xisbiyada waxaana badka yaalay oo kaliya laba arimood in lakala doorto oo ah:

  • In la sameeyo muddo kordhin xisbiyeed sida golayaasheena kale
  • In la raadiyo xal kale oo ay ku iman karaan wakhtigoodana ayna dhaafin

Gollaha Wakiilada ee imika wakhtigoodu dhamaaday ayaa waxa ay qaataan qodobkan dambe kaas oo keenaya markaas in waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta.

Halkii ay markii hore ka ahayd inay kusoo baxaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa waxa laga dhigay in loo sameeyo doorasho toos ah oo iyaga lagu kala dooranayo Xisbiyada hadda jira iyo Ururada cusub ee isdiiwaangalindoona.

Waxa jirta in arimo badan oo howshan cadaynayaa ama si fiican daaha uga rogayaa aanay ku jirin shircigan laakiin waxay ay doodahoodu u dhaci doonaan marka uu shirganu ansax noqdo ee uu saxeexo madaxweynaha qaranku Mudane. Muuse Biixi.

SIYAASIYAN YEY DANI UGU JIRTAA?

Aragtidan waa mid doodeedu taagantay koox walibana ay dhigac ka istaagayso laakiin waxa jirta oon daah saarnayn in cidda saska ugu badan ka qaada wakhti kasta oo lasoo qaado xeerkan aynu kor kusoo sheegnay ay yihiin Xisbiyada mucaaridka ah.

Taas waxa ay keentay inay u muuqato in xeerkan uu noqdo shax siyaasadeed oo ay Xukuumada Kulmiye isticmaasho wakhtiyada adag, laakiin marka si caadiya loo eego arintan waxa uu saamayn isku mid ah ku leeday dhamaan Xisbiyada Qaranka maadaama lagalayo doorasho toos ah taas oo ka adag marka la eego nidaamkii hore golayaasha deegaanka.

Xisbiga UCID ayaana u muuqda inuu yahay midka ay khatarta ugu badani kasoo waajihi karto nidaamkana cusub haduu hirgalo marka loo eego KULMIYE IYO WADDANI taasna waxa keeni kara xisbiga oo doorashayooyinkii uu galay mudadii uu jiray uu dhamaantood ugu hooseeyey ama galay kaalinta sadexaad iyo iyada oo doorashooyinkaas kala dambeeyey midba midkay ka dambaysay ay codadka uu helayaa hooseeyeen intooda badan

WQ: Maxamed Haybe

Email: Haibe33@hotmail.com