Furriinka wakhtiga cadhadu ma dhacayaa?

Furrinka Wakhtiga qofku uu cadhaysan yahay in uu dhacayo way isku khilaafeen fuqahadu xukunkiisa, culimada qaarkood ayaa leh ma dhacayo, halka qaar kalena leeyihiin wuu dhacaya furriinkiisu.

Culimada qaarkood ayaa leh intaynaan sheegin xukunka khilaafka aynu ogaanno cadhada la isku khilaafsan yahay midda ay tahay ee la leeyahay furiinka qofkaa ka soo baxaa waa dhacayaa iyo ma dhacayo.

Cadhada waxay u qaybiyaan culimadu saddex qaybood, midda kowaad; waa qofka oo caqligiisa iyo maskaxdiisu aanay isbeddelin oo wax kasta oo uu leeyahay garanaya, taas waxay leeyihiin shaki kuma jiro wax kasta oo ka soo baxa in loo guntayo, furriinkiisuna dhacayo.

Cadhada labaad waa mid aad u sarraysa oo qofku aanu kala garranayn wax uu ku hadlayo iyo wax uu samaynayo midna, kolka uu cadho burburana aanu xusuusnayn ama garanayn wax uu sameeyey ama ku hadlay, kaas culimadu waxay leeyihiin dhici maayo oo miyirkisii ma joogin.

Cadhada saddexaad waa mid labadaa u dhaxaysa oo qofku aanu bilaa miyir ahayn, cadhadiisuna tahay mid aan fududayn. Cadhadan saddexaad waa la isku qabtaa furriinkiisu inu dhacayo iyo in aanu dhacayn, midda aynu dul istaagaynaana waa middan, sababta oo ah labada hore iyaga dood kama taagna.

Culimada qabta in furriinku dhacayo waxa ay daliishadaan dhacdadii Khawla Bintu Saclaba ay isku qabteen saygeedii Aws Bin Saamit kolkay is-afdhaafeen ee uu ku yidhi: waxaad iga tahay sida dhabarka hooyaday oo kale, isaga oo ula jeeda furrin ama in aanu gogol la wadaagayn.

Kolkay nebiga u tagtay waa kii ku lahaa: ninkaas in aanad u bannaanayn wax aan ahayn ma ogi. Aayadaha ugu horreeya suuradda Mujaaddala ayaa ku soo degtay arrinkan.

Culimada qabta in furriinku dhacayo waxay leeyihiin markii hore nebigu Khawla wuxuu u sheegay inay ka furan tahay, laakiin kolkii Alle soo dejiyey xukunka dihaarka kafaara-gud ayaa loogu beddelay, labada jeerna lama tixgelin cadhadiisa, sidaa ajligeed furriinkaasi wuu dhacayaa ayey ku tagsan yihiin culimadani.

Culimada leh dhici maayo furrinkani waxay daliishanayaan xadiiska Caaโ€™isha ee Abu Daaโ€™uud soosaaray in nebigu NNKH, yidhi, โ€œ Furriin iyo xorrayn ma dhacaan wakhtiga cadhada.โ€

Culimada leh furritaanku wuu dhacayaa kolka laga yimaaddo sixada xadiiska oo ay duraan wax kale oo ay dood geliyaan ereyga qalaaq-cadho oo ay iyagu fasirkiisa macnayaal kale oo luuqadda carabiga ah saartaan sida; waalan, sakhraansan, khasbay iyo qof aan maskaxdiisu fadhiyin.

Laakiin sida ay iyaguba qirsan yihiin macnaha qalaaq-cadho inu yahay ma diiddana ee waxay leeyihiin armuu macnayashaa kale mid ka mid ah looga jeedaa.

Culimada qabta in aanu dhacayn furriinkani waxa kale oo ay soo dalishadaan aayadda odhanaysa: Ilaahay idiin qaban maayo dharta laqwiga ah. Mufasirka Ibnu Jarriir Dabari ayaa ka soo guuriya in Ibnu Cabbaas aayaddan ku fasiray: dhaarta laqwigii waa midda qofku uu dhaarto marka uu cadhaysan yahay.

Culimadani waxa kale oo ay u cuskadaan in aanu dhacayn dhacdadii nebi Muuse kolku arkay tolkii oo dibi caabudaya inuu ismadax-maray, deeto daadiyey looxaantii ay ugu qornayd Tawraad, kolku cadha jabayna dib u soo urursaday.

Looxaanta uu tuuray waxay ku jireen wakhtigaa booska Quraanku inoogu jiro oo waa kitaab dhowrsan oo Tawraad ah. Haddii uu qof kas u tuurana dembi weyn ayuu ku dhacayaa, nebi Muuse se falkaa ka dhacay looma qabsan sababta oo ah fal uu ula kac u sameeyey ma ahayn ee cadhada madax-martay ayaa keentay.

Quraanku wuxu sheegayaa kolkay cadhadii ka degtay inu soo urursaday looxaantii Tawraad ku qornayd. Waxay leeyihiin haddii aan cadhada nebi Muuse loo qabsan waxay caddayn u tahay cadhada ismadax-marka ah in aan qofka loo qabanayn waxa uu samaynayo iyo waxa uu odhanayaba. Waxayna ku doodayaan furriinka xaaladdan oo kale dhacaa inu la mid yahay dhacdadan oo kale.

Fuqahadu furriinka saddexaad inu dhacayo iyo in aanu dhacayn way isku qabteen, badi madaahiibtu waxay doorteen inu furriinkaasii dhacayo, sida Maalikiyada, Shaaficiyada, Xanafiyada iyo Xanaabilada.

Qayb ka mid ah madaahiibta Maalikiyada iyo Xanafiyada ayaa iyagu qaba in aanu dhacayn. Waxay u dhigaan shuruudo sida in qofku kolku odhanayey aanu niyadda ka doonayn ee cadhadu ka keentay, arrinkan waxa iyana qaba Ibnu Taymiya iyo Ibnu Qayim.

Fiqiyaqaan Qaradaawi oo arrinkan ka hadlayaa wuxu leeyahay: furriinka wakhtiga cadhadu dhici maayo, middaa waxa ina tusinaya xadiiska Caaโ€™isha warinayso in nebigu leeyahay: Furriin iyo xorrayn ma dhacaan wakhtiga cadhada. Ereyga Qalaaq-inu cadho yahay waxa sugay Bukhaari iyo culimada luuqadda. Aayadda Quraanka ah ee leh: Ilaahay idiin qaban maayo dharta laqwiga ah. Ibnu Cabbaas fasirkiisa ah: dhaarta laqwigii waa midda qofku uu dhaarto marka uu cadhaysan yahay, waxay daliil u tahay furriinka cadhadu inaanu dhacayn.

Faqiihii weynaa ee Sayd Saabiq wuxu qabaa in aanu dhacayn furrrinka saddexaad, wuxu leeyahay Saydku: cadhada sababaysa qofku in aanu maamulin waxa uu sheegayo, garanaynna waxa uga imanaya lagu xisaabin maayo furriin.

Furriinka aynu leenahay dhici maayo waa midda qofku lumiyo isku dheelitirnaantiisa hadalka iyo hubsashada, cadhadiisuna sarrayso, taas oo uu hadhow odhanayo ismaan maamuli karin kolkaan lahaa. Midna qofku ha ogsoonaado isaga oo wuxu leeyahay ka badheedhaya kuma marmarsoon karo waan cadhaysnaa oo ismaan ogayn, hadduu afka ka dafiro Ilaahay SWT baa ogsoon xaqiiqada

 

 

 

Xigasho:Sheekh rakuub

Bandhige@gmail.com