Fursad Shaqo oo ka bannaan Bandhige

Shabakadda Bandhige waxay raadinayaa suxufi xirfaddiisa qoraalka iyo suxufinimo wanaagsan tahay oo dhexdhexaadnimo iyo anshax-wanaag lagu bartay. Wuxu ka hawl-gali doonaa shabakadda Bandhige iyo magazine afar-biloodle ah oo hoos yimaadda, wuxuna ka hawlgeli doonaa xafiiska Hargeysa. Shuruudaha looga baahan yahay qofka jagadan buuxinaya waxa ka mid ah:

  • In uu aqoon u leeyahay diyaarinta wararka iyo faallooyinka isla markaana haysto shahaadad suxufinimo darajada ay doonto ha gaadhsiisnaato.
  • In uu hore uga soo shaqeeyey wargeys, telefishan, idaacad ama mareeg wararka fidisa.
  • In uu adeegsan karo kamarooyinka taswiirta iyo duubista .
  • In uu si wacan u adeegsan karo warhaabinta bulshada gaar ahaan Facebook-ga, Twitter-ka iyo YouTube-ka.

Saacadaha shaqada iyo mushaharka waa laga wada hadli karaa.

Qofkii raba in uu jagadan u tartamo waa in uu CV-giisa u dambeeyey iyo qoraallo uu hore u sameeyey ku soo diraa emailka: bandhige@gmail.com ugu dambayn 10-ka April 2016. Wuxu soo diri karaa links-ka qoraallada uu sameeyey, sawir laga soo dheegay wargeys uu wax ku qoray ama warbixin muuqaal ah oo uu YouTube-ka geliyey.