Fursada Uu Madaxweyne Muuse Kaga Guulaysatay Mucaaradka (WQ: Cabdiraxiim Cabdillaahi Shiine)

Horaa loo yidhi nin gu kaa weyni gu baas  kaa weyn. Oo micnaheedu yahay ninku haduu kaa weyn haba yartee oo sannad ha noqotee inuu caqliyan iyo waayo aragnimo ku dheeryihay waa shaki laaan.

Sannadkii 2003 dorashadii uu madaxweyne Daahir Riyaale uu  kaga  guulaystay xisbiyadda ucid iyo kumiye gaar ahaan musharixii kulmiye ee Waqtigaasi mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo oo uu kaga gulaysatay cod lagu qiyaasay 80 Cod oo kaliyaata sida ay sheegeen guddidii doorshadda ee waqtigaasi.

Musharixii xisbiga kulmiye ee waqtigaasi wuu qaaty in laga gulaysatay isgoo markaa u tudhayay waqtigaasi dalka iyo dadka, isla waqtigaas  Axmed siiraanyo guddomiyihii xisbiga kulmiye waxa uu bilabay mucaradada adag oo ku hayay  xukuumadii  waqtigaas ee daahir rayaale iyo xisbiga talada ahayay ee Udub .

waxa kale  oo uu Axmed Siiraanyo ku Qasbay xukuumadii waqtigaas jirtay sidii  uqaban  lahaayeen  doorashadii  Golaha wakiiladda oo waqtigeedu soo dhawaa iyadoo ay qabanayaan  gudidi   doorshada ee waqtigaasi  dhaxalakii uu ka helay waxay noqotay inuu helo kuraasta ugu badan ee golaha wakiilada buuq badan oo ka dhacay golaha dhexdiisa kulmiye wuxuu noqday inuu yeesho guddomiye ku xigeenka kowaab  iyo labaad ee golaha wakiilada, ugu danbayntii Axmed siiraanyo waxaa la doortay 2010  waxa uuna  noqday Madaxweynihii Somaliland soo mara  ee ugu waxqabdka badnaa wallow wax badan la lunsaday oo raga aan waxaba haynin intay  xilal ka qabteen   ay ka tajireen waqtigee dawladii Axmed siiraanyo.

Imika sidaa si la mid ah mucaaradka waqtigan jira anigu waxaan odhana lahaa iyagaa ka masuula inay doorshada golaha wakiiladu dib udhacada , wayo sababta oo ah markii doorshadii madaxtooydda laga guulaysatay waxay ahayd inay madaxweynaha imika jooga ku qasbaan inuu qabto doorshada golaha wakiilada inatay isku marayeen gudidida doorshadda ee ay lahayeen way nooga hiiliyeen.

Anigu waxaan ogsoonaan lahaa hadii ay taasi dhici lahayd oo madaxweyne biixi doorashada qaban lahaa taasi waxay noqon lahayd habka ugu fudud ee xukuumadda muuse lagaga guulaysan lahaa dhanka sharci dajin iaydoo la heli lahaa gole wakiilo oo ka madax banana xukuumada kulmiye lagagna badanyahay golaha dhexdiisa.

Markii uu madaxweyne Muuse Biixi uu ogaaday inay mucaaradka imka jir ay argtidiisa kobaad tahay komishanka doorashooyinka isna anuu hayn dhaqale doorasho lagu galo, xisbigiisiina ay ku jirto kal furfurnaan  baahsan oo ay hoos udhacday tageerayaashii xisbiga kulmiye wuxuu go’aan saday inuu isna tageero komishanka doorashooyinka qaranka isagoo ku doodayay in sharci ku fadhiyaan.

sidoo kale xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay madxweyne muuse maya tahli karayn inay qabto doorasho wakhtigeeda dhacadda iyadoo ay sabab u tahay dhaqaalaha oo yaraa iyo xisbiga kulmiye oo laftarkiis kala jabnaa oo xubno miisaan lahaan laga saaray, iyadoo xisbiyadda mucaaradkuna ay heli lahayeen tageerayaal badan oo uu hore u lahaa xisbiga kulmiye ugu danbayntii  taasi waxay ku noqon lahayd bag madow oo ku dhacaday xuukumadda muuse biixi inta la leeyahay mucaaraddkaa komishankii doorashooyinka diiday sidaasaanay doorashadii dib ugu dhacday

W/Q Cabdiraxiim C/laahi Shiine