FURSADAHA IYO CAQABADAHA HORYAALLA M/WENYAHA LA DOORTAY EE SOMALILAND W/Q:(Rashiid Odowaa)

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland C/raxman Maxa”ed C/laahi iyo xukuumadiisa waxa uu haystaa Fursado uu kaga gudbi karo balanqaadyadii tirada badnaa ee uu soo galay xiligii uu ololaha ku jiray sidoo kale waxa jira howlo hor yaalla oo u baahan in uu wax ka qabto.

Haddaynu ku bilowno fursadaha

1-Waxa uu helay codadkii ugu badnaa abid (407,908 cod )ee uu madaxweyne ku guulaysto taas oo ka dhigaysa inuu aqlbiyadda shacbiga haysto (64%) dadka reer Somaliland taasi waa fursad wayn.

2-Waxa uu haystaa aqlabiyadda Golaha Wakiilada marka la isku daro labada xisbi ee is bahaysiga ee WADDANI iyo KAAH taasoo ka dhigaysa wakiilada Seddex melood inuu laba haysto tirada Golaha wakiilada,

3-Beesha caalamka oo bogaadisay dimoqradiaydda dhamayska tiran ee Somaliland ka hano qaadday taas oo u muuqata in beesha caalamku ahmiyad wayn u hayaan hannaanka doorasho ee uu ku soo baxay m/weyne C/raxmaan maxamed C/laahi.

4-waxa uu ku soo beegmay xilli uu bislaaday ictiraafkii Somaliland marka la eego MOU ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia sannadkan bilowgiisii iyo hanqal taagga uu maraykanku uu ku rabo inuu Somaliland wax la qabsado. Oo raadadkeedu muuqdaan.

Howalaha horyaalla.

1-Ictiraaf raadintii oo ah iyadu arrinta mar kasta hortaalla qaranka Jamhuriyadda Somaliland waxana la odhan karaa waa (National Interest) ugu wayn ee dalku leeyahay

2-Nabadaynta Gobollada bariga Somaliland oo baryahan danbe aad xaaladoodu u kacsanayd una ekaatay arintii (Kashmiir).

3-Musuqmaasuqa iyo eexda oo ah arrin aad u xoog badan oo aad mooddo inuu yahay cudur bulshada dhexdiisa ku faafay tahay.

4-isku haynta dadka ku qaybsamay doorashada dalka ka dhacday oo la mideeyo lana walaaleeyo,iyo in la dhiso Dowlad dadku ka wada dhex muuqdaan oo sinnan iyo caddalad ah.

5-Xidhiidhka diplomasiga ah dalalka deriska ah iyo kuwa shisheeye kee ugu dhow keebaase cadow ah,Matalan booqashada koowaad ee M/weynuhu baxo waxay muujinaysaa dalka ugu badan ee danaha saaxiibtinimo ka dhexeeyaan Somaliland keebuu noqon doonaa dalkaasi?

6-Xaaladda degaanka xarshin ee Kililka shanaad ee Ethiopia oo shicibkii reer Soamliland iyo DDS Ethiopia iskaga horyimaadeen dagaal dhiig badan ku daatay waa howl hor leh.

7-Xaaladda hadda ka soo cusboonaatay deegaanka Dacawalay oo xaalad dagaal ah waxay u baahantahay xukuumaddu inay Istratejiyad ka yeelato iyo diplomasiyad sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa.

8-Ugu danbayn waxay dadweynuhu ka filayaan isbeddelkii inta badan xukuumadda waddani ku taanaysay inuu noqdo wax muuqda dadkuna ku badhaadhaan.insha allah.

 

Wa bilaahi tawfiiq

Rashiid Odowaa

Rashidsalan1982@gmail.com

Bandhige@gmail.com